Dowladda Soomaliya oo Qabatay Mid Kamid ah Ragga Dadka Tahriibiya

0
Friday July 07, 2017 - 23:09:25 in Wararka by
  • Visits: 466
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaliya oo Qabatay Mid Kamid ah Ragga Dadka Tahriibiya

    Safiirka Soomaliya ee dalka Konfurta Suudaan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo nin kamid ah ragga Soomaliyeed ee ka shaqeeya Tahriibinta dadka Sooomaliya ee mara dalka liibiya si ay u gaaraan wadamada yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Soomaliya ee dalka Konfurta Suudaan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo nin kamid ah ragga Soomaliyeed ee ka shaqeeya Tahriibinta dadka Sooomaliya ee mara dalka liibiya si ay u gaaraan wadamada yurub.

Ninka la qabtay oo laga soo dajiyay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa lagu magacabaa C/qaadir Cumar Cabdule wuxuuna safiirka Soomaliya ee Koonfurta dalka Suudaan uu sheegay in ninkaan muddo sanado ah ay ku daba jireen booliska aduunka ee Interpol iyo Ciidamada Koonfurta dalka Suudaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay Safiirka Soomaliya ee dalka Konfurta Suudaan Xuseen Xaaji in gacanta lagu hayo seddex kale oo Soomali ah oo dhawaan la keeni doono Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya si loogu Maxkamadeeyo.

Wadanka Koonfurta Suudaan oo ah wadan dhisay muddo Labo sano waxaa Sanadihii ugu dambeeyay ka jirey Shabakado Soomali ah oo Tahriibiya dadka Soomaliyeed kuwaaasi oo dadka ka qaada lacago aad u fara badan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip