Nin Nabadoon ahaa oo lagu dilay duleedka Muqdisho

0
Friday July 07, 2017 - 23:07:12 in Wararka by
  • Visits: 447
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Nabadoon ahaa oo lagu dilay duleedka Muqdisho

    Casir liqii galabta, ayaa nin Nabadoon ahaa lagu dilay Deegaanka Weedow oo ku yaala wadada dheer ee xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Casir liqii galabta, ayaa nin Nabadoon ahaa lagu dilay Deegaanka Weedow oo ku yaala wadada dheer ee xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray C/laahi Axmed Weedow, ayaa waxaa la sheegay in xilligii la dilaayay uu la socday gaari nooca raaxada ah.

Dadkii goobta ka ag-dhawaa, ayaa waxay sheegeen in rag bistoolado ku hubeysnaa ay si boobsi ah dhawr xabadood ugu dhufteen Nabadoon C/laahi Axmed Weedow.

Ragga dilka gaystay oo aan la garanayn cidda ay ka tirsan yihiin, ayaa waxay dadka deegaanku sheegeen in dilka ka dib ay ka baxsadeen halkaasi.

Maamulka Deegaanka Garasbaaley, ayaa sheegay in goobta uu falku ka dhacay ay gaareen ciidamada ammaanka, isla-markaana ay wadaan baaritaano ka dhan ah dembiile-yaasha.

Dadka reer Weedow, ayaa Warbaahinta gudaha u xaqiijiyay inaysan jirin cid ay ciidamada ammaanku u soo qabteen tallaabada lagu dilay marxuum C/laahi Axmed Weedow.

Nabadoon Weedow oo si weyn looga garanayay deegaanka, ayaa waxaan la aqoon sababta ka dambeysa dilkiisa, mana jirto cid sheegatay tallaabada lagu dilay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip