Ex: R/W.Cumar C/rashiid:-"Danteena Waxay Ku Jirtaa Garab-istaaga Sacuudiga, UAE & Masar",

0
Friday July 07, 2017 - 23:04:00 in Wararka by
  • Visits: 503
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex: R/W.Cumar C/rashiid:-"Danteena Waxay Ku Jirtaa Garab-istaaga Sacuudiga, UAE & Masar",

    Raisulwasaarihii Hore ee Xukuumadda Soomaliya ahna Xildhibaan ka Tirsan Baarlamanka federaalka Soomaliya oo wareysi siiyay laanta afka Soomaliga ee Voa-da ayaa ka hadlay go'aanka Dowladda Federaalka Soomaliya ay ka qaadatay Khilaafka carabta ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raisulwasaarihii Hore ee Xukuumadda Soomaliya ahna Xildhibaan ka Tirsan Baarlamanka federaalka Soomaliya oo wareysi siiyay laanta afka Soomaliga ee Voa-da ayaa ka hadlay go'aanka Dowladda Federaalka Soomaliya ay ka qaadatay Khilaafka carabta ka dhaxeeya.

Xildhibaan Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa sheegay in Go’aanka Dowladda Soomaliya ay ka qaadatay Khilaafka carabta ka dhaxeeya uu yahay mid aan sax aheyn islamarkaana loo baahnaa in Soomaliya ay la safato Xulufadda Sacuudiga uu Hogaamiyo.

Raisulwasaarihii Hore ee Xukuumadda Soomaliya ahna Xildhibaan ka Tirsan Baarlamanka federaalka Soomaliya ayaa sheegay in ay is hayaan 3-dowladood oo awood leh iyo 1-dowlad islamarkaana ay habooneed in Dowladda Soomaliya ay la safato dowladaha Sacuudiga Iyo Imaaraadka Carabta oo xiriir soo jireen ah la lahaa Dowladda Soomaliya, sidaas darteed dowladda Qatar ay tahay dowladd Yar islamarkaana aysan xiririir siyaasadeed aysan la laheyn Dowladda Soomaliya.

Sidoo kale Xildhibaan Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa sheegay in Dowladda Qatar ay Taageero saameyn laheyn ay siiyay shaqsiyaad Soomali ah balse Dowladda Soomaliya loo baahnaa in la safato Xulafada Sacuudiga uu hogaamiyo.

Dowladda Sacuudiga ayaa dhawaan sheegtay In dhex-dhaxaad ay Ka aTahay Khilaafka carabta ka dhaxeeya, Islamarkaana ay ka shaqeynayso sidii loo xalin lahaa khilaafka Taaga




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip