Gabadh calanka Maraykanka ku kaadiday oo loo hanjabay

0
Friday July 07, 2017 - 20:13:16 in Wararka by
  • Visits: 565
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadh calanka Maraykanka ku kaadiday oo loo hanjabay

    Gabadh dadka la wadaagtay muuqaal uu ku duuban yahay iyada oo ku kaadinaysa calanka Maraykanka ayaa dadka waydiisatay in aan qoyskeeda la bartilmaameedsanin, waxayna sheegtay in qoyskeedu uusan ku taageerin in ay sidaas samaysay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabadh dadka la wadaagtay muuqaal uu ku duuban yahay iyada oo ku kaadinaysa calanka Maraykanka ayaa dadka waydiisatay in aan qoyskeeda la bartilmaameedsanin, waxayna sheegtay in qoyskeedu uusan ku taageerin in ay sidaas samaysay.
Emily Lance ayaa Online-ka looga soo hanjabay iyadoo loogu goodiyay in la kufsan doono lana dili doono ka dib markii ay muuqaalkaas soo gudbisay maalintii xoriyadda ee Maraykanka.

Ciwaankeedii Facebook-ga ayaan shaqaynaynin laakiin mar hore ayay ku soo qortay in aabaheed iyo meeshii uu ka shaqaynayayba la bartilmaameedsaday, sida ay wararku sheegayaan.

Faahfaahin kamaysan bixinin sida loo bartilmaameedsaday aabaheed iyo meeshii uu ka shaqaynayay.

Shuruucda xoriyatul qawlka ee awoodda badan ayaan dambi ka dhigaynin in ixtiraamdarro loo muujiyo calanka Maraykanka.

Muuqaalka gabadha ayaa lagu arki karaa Lance oo dul taagaan calanka Maraykanka ka dibna ku kaajaysa.

Muuqaalka ayayna soo raacisay hadallo aan munaasab ahayn.

Intaas ka dibna waxay soo dirtay codsi iyada oo sheegtay in dadka ka soo horjeeda aysan carada kula dhicin dad aan dambi galabsanin, waxayna sheegtay in uusan jirin qof qoyskeeda ka mid ah oo arrintaas ku raacsanaa.

"Go’aankaas kaligay ayaa qaatay” ayayna hadalka sii raacisay.

"Dadow maxaad u fahmi la’dihiin? Sababta aad xoriyad ugu dabaaldagaysaan haddana aad iigaga soo horjeedaan in aan sidaas sameeyo,” ayay tiri.

Emily Lance ayaa iska soo duubtay iyadoo ku kaajaysa calanka Maraykanka

Emily Lance ayaa iska soo duubtay iyadoo ku kaajaysa calanka Maraykanka




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip