Ahlusunna oo eedeysay DF

0
Friday July 07, 2017 - 20:11:41 in Wararka by
  • Visits: 458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ahlusunna oo eedeysay DF

    Maamulka Ahlusunna ayaa waxa uu sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka gaabisay wax u qabashada dadka ku nool gobolka dhexe ee dalka, taasi aysan aheyn mid loo dulqaadan karo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Ahlusunna ayaa waxa uu sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka gaabisay wax u qabashada dadka ku nool gobolka dhexe ee dalka, taasi aysan aheyn mid loo dulqaadan karo.

Madaxa Warfaafinta maamulka gobolada dhexe ee Ahlusunna Muxudiin Cali Jimcaale (Jakuula) ayaa waxa uu sheegay Dowladda Federaalka in Hay’adaha caalamiga ay gar gaar ka hesho, laakiin aysan siin xaqa uu lahaa maamulka gobolada dhexe.

Wuxuu sheegay shacabka gobolada dhexe in ay saameysay Abaaraha ku dhuftay dalka, kuwaasi oo hada ay daruufa kala duwan ku heystaan degaanada Ahlusunna ay maamusho.

Sidoo kale Muxudiin (Jakuula) ayaa Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha gar gaarka bixiya ka dalbaday in Ahlusunna la siiyo xuquuqda ay leeyihiin, si la mid ah midka maamul goboleedyada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip