Maamulka Beerta Nabadda oo ka jawaabay amarkii Maamulka G/Banaadir "SAWIRRO"

0
Friday July 07, 2017 - 19:56:32 in Wararka by
  • Visits: 736
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Beerta Nabadda oo ka jawaabay amarkii Maamulka G/Banaadir "SAWIRRO"

    Maamulka Beerta Nabada ayaa ka hadlay amarkii maamulka gobolka Banaadir uu xalay ku dhawaaqay, kaasi oo ahaa in wixii maanta ka bilowda in lacag la'aan ay tahay gelitaanka Beerta Nabadda oo ku taalla degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Beerta Nabada ayaa ka hadlay amarkii maamulka gobolka Banaadir uu xalay ku dhawaaqay, kaasi oo ahaa in wixii maanta ka bilowda in lacag la'aan ay tahay gelitaanka Beerta Nabadda oo ku taalla degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

u dha

Maamulaha Beerta NabaddaMaxamed Cabdi Jaamac oo akhrinayay war saxaafadeed ay soo saareen ayaa sheegay marka hore in ay ka xun yihiin wada shaqeyn la’aanta iyo tixgelin la’aanta maamulka gobolka, wuxuuna sheegay warqada ka soo baxday maamulka gobolka Banaadir in la soo gaarsiiyay xilli dambe oo xalay ah.

Waxa uu sheegay amarka uu maamulka gobolka Banaadir kuu ku joojiyay lacagtii lagu galayay Beerta Nabadda in aysan aheyn mid waafaqsan heshiiskiixeeyay labada dhinac.

Maxamed Cabdi ayaa sheegay maamulka Beerta Nabadda in ay racfaan ka qaateen amarkii ka soo baxday maamulka gobolka Banaadir in ay ka qaateen, iyaga oo la kaashanaya Maxkamadaha iyo Hay’adaha arrintan ay quseyso.

Sidoo kale wuxuu sheegay bulshada Soomaaliyeed in ay ku wargelinayaan gelitaanka Beerta Nabadda in sideedii hore ay tahay oo lagu geli doono lacagtii hore, oo aanay jirin lacag la’aan, isaga oo sidoo kale Madaxda dalka ugu sareysa ugu baaqay in la ilaaliyo xuquuqda Ganacsatada maalgashatay Beerta Nabadda.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay mudadii ay shaqadan bilaabeen 2014-kii in ay sameynayeen shaqo abuur oo dalkan uu u baahan yahay shaqo abuur, ee uusan rabin dalka shaqo jirtay in la burburiyo.

Beerta Nabadda ayaa ah meel aad u qurxoon oo ay maalgashadeen Ganacsato Soomaaliyeed, waxaana isugu yimaada shacabka reer Muqdisho oo Dhalinyaro u badan, si ay ugu sheekeystaan ayna ugu galaan sawirro.

Halkan Hoose ka Daawo Sawirrada sida ay ahaan jirtay markii hore Beerta Nabadda iyo hada sida ay tahay.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip