QM oo shaacisay shaqaalaha Soomaaliya looga dilay January ilaa June 2017

0
Friday July 07, 2017 - 18:13:48 in Wararka by
  • Visits: 405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM oo shaacisay shaqaalaha Soomaaliya looga dilay January ilaa June 2017

    War qoraal ah oo ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in gudaha Soomaaliya lagu dilay Afar ka mid ah shaqaalaha gar gaarka bini'aadnimo intii u dhaxeysay bilihii January ilaa iyo June.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War qoraal ah oo ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in gudaha Soomaaliya lagu dilay Afar ka mid ah shaqaalaha gar gaarka bini'aadnimo intii u dhaxeysay bilihii January ilaa iyo June.

Xafiiska Hay’adda arrimaha bini’aadanimada {OCHA} ayaa sheegtay in ay dhaceen 90 shil kuwaasi oo saameeyay shaqaalaha gar gaarka, waxaana shaqaaqoouyinkaas ku dhintay 4 shaqaalaha gar gaarka halka ay ku dhaawacmeen sagaaal kale sida lagu sheegay warka qoraalka ah.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in shaqaalaha ay dhibka ugu badan kala kulmayeen ururka Al-shabaab kuwaasi oo u geysta dil iyo in ay ka qaataan lacago madax furasho ah.

Sidoo kale (OCHA) ayaa sheegtay in dhibaato xoogan ay kala kulmaan shaqaalahooda kooxo maleyshiyaad ah oo ku sugan Waajid, Diinsoor iyo qeybo ka mid ah magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Warkan qoraalka ah ee ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa imaanaya xilli gudaha Soomaaliya ay kashaqeeyaan shaqaalo badan, kuwaasi oo caawinaya dadka Soomaaliyeed ee Abaaraha ay saameeyeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip