Dowladda oo si kulul uga hadashay lacago Shillin Soomaali ah oo ay daabacatay Puntland

0
Friday July 07, 2017 - 12:02:42 in Wararka by
  • Visits: 421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo si kulul uga hadashay lacago Shillin Soomaali ah oo ay daabacatay Puntland

    Dowladda ayaa si kulul uga hadashay qalalaasaha ka taagan magaalooyin ka tirsan gobolada dhexe kaasoo salka ku haya diidmada istticmaalka Shilinka Soomaaliga oo ganacsatada qaar ay ka soo horjeesteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda ayaa si kulul uga hadashay qalalaasaha ka taagan magaalooyin ka tirsan gobolada dhexe kaasoo salka ku haya diidmada istticmaalka Shilinka Soomaaliga oo ganacsatada qaar ay ka soo horjeesteen.
Ganacsatada ayaa ku andacoonaya in lacagta shilinka Soomaaliga ah ay u diideen sababo la xiriiro lacago ay ku sheegeen faalso oo soo galay Suuqyada kuwaasoo lagu daabacay degaanada Puntland.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay iney ka warqabaan cabashada dadka, dhibaatada waxa keenayna ay tahay lacago lagu daabacay dalka gudihiisa:

Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in daabacaada lacagahan sharci darada ah ay ka mid tahay dambiyada waaweyn isagoo xusay in kuwa ku kacaya ay dhibaateynayaan malaayiin shacab Soomaaliyeed isla markaana xukunada ka dhalan karta uu ka mid yahay dil.

Maamulka Puntland ayaa bilaabey inay daabacaan lacagta Soomaaliga labo sano ka hor waxaana sidaas dhawaan saxaafadda u xaqiijiyey Wasiir ku-xigeenkii hore ee Maaliyadda Puntland.

Lacagtan ayaa sare u qaadey sicirka sarrifka dollarka, iyo weliba maciishadda daruuriga ah, waxaana ay hadda dhibaatada ka dhalatay ay gaartey gobolada dhexe ee Soomaaliya oo ganacsatada joogta ay diideen iney qaataan.l

Magaalooyinka Beled-weyne, Cadaado iyo Caabudwaaq, Dhuusamareeb, Guriceel iyo degaano kale ayaa ganacsigii ka jiray uu khal khal galay maalmihii u dambeeyey ka dib markii ay diideen lacagtan farsamadeeda uu ka dambeeyo maamulka Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip