Xabsi ku yaalla Maksiko oo 28 maxbuus lagu dilay

0
Friday July 07, 2017 - 10:51:19 in Wararka by
  • Visits: 523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xabsi ku yaalla Maksiko oo 28 maxbuus lagu dilay

    Dagaal dhexmaray budhcad iska soo horjeedda oo ku sugan xabsi ku yaalla koonfurta-galbeed ee dalka Maksiko (Mexico) ayaa sababay in ay geeriyoodaan 28 maxbuus, sida ay saraakiishu sheegeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal dhexmaray budhcad iska soo horjeedda oo ku sugan xabsi ku yaalla koonfurta-galbeed ee dalka Maksiko (Mexico) ayaa sababay in ay geeriyoodaan 28 maxbuus, sida ay saraakiishu sheegeen.

Dagaalkan ayaa subaxnimadii hore ka dhacay xabsiga ammaankiisa aad loo adkeeyo ee Las Cruces oo ku yaalla magaalo xeebeedka Acapulco.

Dadka geeriyooday ayaa u dhintay jirdil ama tooriyayn, iyada oo qaarkoodna madaxa laga gooyay. Dawladda ayaa amartay in baaritaan la sameeyo.

Acapulco ayaa ah magaalada ugu wayn ee gobolka Guerrero, taas oo ka mid ah meelaha ay dhibaatooyinka ugu badan ka dhacaan ee dalka Maksiko, waxaana laga soo saaro daroogo badan.

Maydadka ayaa laga soo saaray jikada iyo goobta la isku booqdo ee xabsiga sida uu sheegay Roberto Álvarez oo ah afhayeenka arrimaha ammaanka ee dawladda.

Ma jirto wax astaan ah oo tilmaamaya in hub la adeegsaday ayuuna hadalkiisa sii raaciyay. Baaritaanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa shaqaalaha xabsiga.

"Arrintan waxaa kiciyay muran soo jiray oo dhexmaray kooxaha iska soo horjeeda ee xabsiga ku jira" ayuu hadalka ku daray.

Booliiska faderaalka iyo milatariga ayaa jaray bannaanka xabsiga Las Cruces oo la sheegay in ay maxaabiibtu buux dhaafiyeen ayna ku jiraan in kabadan 2,000 oo maxbuus.

Magaalada Acapulco ayaa ka mid ahayd magaalooyinka ugu caansan ee loo dalxiis tago, laakiin rabshadaha ayaa ku batay ka dib markii ay budhcad isku dagaaleen cida gacanta ku haynaysa hawlaha sharcidarrada ah ee magaalada. Waxayna hadda noqotay magaalooyinka ugu dhimashada badan ee dalka Maksiko.

Qaraabada maxaabiista ayaa soo baxay markii ay dagaalka maqleenLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionQaraabada maxaabiista ayaa soo baxay markii ay dagaalka maqleen

Tan ayaa ka mid ah dhacdooyin ay dad badan ku dhinteen oo Maksiko ka dhacay sannadkan. Bishii May ayaana ahayd middii ugu dhimashada badnayd ee dalkaas soo marta tan iyo sannadkii 1997dii, markaas oo la billaabay in diiwaan galin rasmi ah la sameeyo iyadoo ay dhinteen 2,186 ruux.

Bishii Desembar ee 2006dii ilaa bishii May ee sannadkan waxaa dalkaas lagu dilay 188,567 sida uu dhigayo diiwaanka dawladdu.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip