Ciidamada Puntland oo Sheegtey in ay Burburiyeen Fariisinkii Al-Shabaab Ee Buuraha Galgala

0
Friday July 07, 2017 - 10:44:10 in Wararka by
  • Visits: 463
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Puntland oo Sheegtey in ay Burburiyeen Fariisinkii Al-Shabaab Ee Buuraha Galgala

    Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Buuraha Galgala ee Gobolka Bari Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Maamul goboleedka Puntland ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidamo ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ay halkaasi ku la haayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Buuraha Galgala ee Gobolka Bari Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Maamul goboleedka Puntland ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidamo ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ay halkaasi ku la haayeen.

Ciidamada ayaa howlgallada ugu weyn waxa ay ka sameeyeen Deegaanada Madarshoon iyo Diindigle,oo ka tirsan Buuraleyda Galgala ee gobolka Bari halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in hawlgalkooda ay ku dileen ilaa 12 dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab ayna kula wareegeen dhawr boqol oo ah noocyada kala duwan ee raashinka iyo Agabyo kale sida ay hadalka u dhigeen.

Majiro warar kale oo dhankooda ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada Saraakiisha Puntland in ay bur buriyeen fariismihii Al-Shabaab ee Buuraha Galgala.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip