Trump iyo Putin oo shirka G20 ku kulmaya

0
Friday July 07, 2017 - 10:27:53 in Wararka by
  • Visits: 426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump iyo Putin oo shirka G20 ku kulmaya

    Booliska Jarmalka ayaa waxa ay isku dhaceen dibadbaxayaal ka hor shirka G20 ee maanta ka furmaya magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Jarmalka ayaa waxa ay isku dhaceen dibadbaxayaal ka hor shirka G20 ee maanta ka furmaya magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka.

Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa ballanqaadday inay dadaal u gali doonto sidii ay wax wanaagsan uga soo bixi lahaayeen shirkaasi oo looga hadli doono arrimo badan oo ay ka mid yihiin isbadelka cimilada iyo ganacsiga adduunka.

Hasayeeshee shirkan ayaa waxaa harayn doono kulanka koobaad ee fool ka foolka ah ee ay yeelanayaan madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ruushka.

 

Ku dhawaad muddo lix bilood ah oo uu hayay xilka ayuu Madaxweyne Donald Trump waxa uu kulankii ugu horreeyay oo muhiim ah uu la yeelanayaa dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin.

Kulanka ayaa noqon doona mid lagu loolami doono rabitaanka shakhsiyadeed iyo sidoo kale adeegsiga xeelad xikmadaysan.

Ruushka ayaa lagu eedeeyay inuu farageliyay doorashadii Mareykanka si uu ugu soo baxo musharaxa uu door bidayo iyo inuu shakhsigaasi saameyn ku yeesho.

Madaxweyne Trump ayaa suuragalnimada arrintaa qiray markii uu usoo socday magaalada Hamburg ee uu shirka ka dhacayo, sidoo kalana waxa uu Ruushka ku eedeeyay inuu si bareer ah xasilooni darro uga abuurayo Ukraine, eedaymahaasi oo dhammaantood uu diiday aqalka Kremlin-ka ee looga taliyo Ruushka.

Labadan masuul ayaa rajaynaya inay meel dhexe isugu yimaadaan, balse loolanka shakhsiyadeed ee u dhaxeeya ayaa ka tarjumaya kala qeybsanaanta ba’an ee ka dhex jirta hoggaanka dalalka ugu dhaqaalaha buuran caalamka.

Madaxweyne Trump ayaa kali ku noqon doona diidmada heshiiskii caalamiga ahaa ee Paris ee lagu dhimayay heer kulka sii kordhaya ee caalamka, hasayeeshee hogaamiyaha Jarmalka ee martida loo yahay ayey tahay inay ku dadaasho ilaalinta mowqifka inta badan wadammadii heshiiskaasi ansixiyay.

Arrimaha kale ee sida weyn looga hadli doono ayaa waxaa ka mid ah muranka dhanka ganacsiga iyo sidii wax looga qaban lahaa Waqooyiga Kuuriya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip