Jawaari oo la kulmay ku xigeenadiisa iyo qaar ka tirsan Xildhibaanada BF

0
Friday July 07, 2017 - 10:21:27 in Wararka by
  • Visits: 443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawaari oo la kulmay ku xigeenadiisa iyo qaar ka tirsan Xildhibaanada BF

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kulan kula qaatay Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha Shacabka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kulan kula qaatay Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha Shacabka.

Jawaari ayaa Masuuliyiintii uu la kulmay waxa uu kala hadlay howlaha horyaalla Baarlamaanka iyo sida ay u socoto qaban qaabada Xaflada Furitaanka Kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka.

Sidoo kale Guddoomiye Jawaari ayaa Warbixin ka dhageystay labadiisa ku xigeen taasi oo ku saabsan sida Xildhibaanada iyo Shaqaalaha Baarlamaanka ay ugu diyaar garoobeen Furitaanka Kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka.

Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Buux ayaa sheegay in Guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ay u diyaar garoobeen Furitaanka Kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah Warbaahinta ugula socon doonaan Xaflada Furitaanka Kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka.

Sida ku qoran Dastuurka Dalka Madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah u furaya Kalfadhiyada Baarlamaanka, waxaana maalinta barito ah ay noqoneysaa in Madaxweynaha uu furo Kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka 10-aad ee JFS uu yeesho.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Kalfadhigan waxaa horyaalla shaqooyin badan waxaana ka mid ah meel marinta Miisaaniyada Dowladda iyo sharciyo ay ka mid yihiin la dagaalanka Musuq Muusuqa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip