In ka badan 100 ruux oo laga qabtay Degmada Xamar Jajab

0
Thursday July 06, 2017 - 20:28:25 in Wararka by
  • Visits: 438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    In ka badan 100 ruux oo laga qabtay Degmada Xamar Jajab

    Kadib markii xalay ciidamada ammaanka Somaliya ay sameeyeen hawlgal ammaanka lagu xaqiijinaayay oo ka dhacay Degmada Xamar Jajab, ayaa hawlgalkaasi waxaa lagu soo qabtay tiro dad ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii xalay ciidamada ammaanka Somaliya ay sameeyeen hawlgal ammaanka lagu xaqiijinaayay oo ka dhacay Degmada Xamar Jajab, ayaa hawlgalkaasi waxaa lagu soo qabtay tiro dad ah.

Hawlgalka wuxuu ka dambeeyay, kadib markii Bam gacmeed lagu tuuray ciidan Boolis ah oo ku sugan nawaaxiga Shaneemo Afrika ee Degmada Xamar Jaja, xalay fiidkii inkastoo wax khasaare ah uusan ka dhalan bamkaasi.

Ciidamada oo ku guda jira raadinta kooxihii bambada soo tuuray ayaa guri guri u baaraayay xaafadaha Degmada Xamar jajab ay ka kooban tahay, waxaana ay soo saareen wixii dhalinyaro ah oo ku jiray xaafadahaasi.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay soo qabteen dad kor u dhaafaya 100 ruux oo dhalinyaro ah, Hay’addaha ammaanka dadkaasi ay ku wadaan Baaritaan iyo kala saarid.

Sarkaal ciidamada ka tirsan ayaa sheegay dadka la soo qabtay inay ku jiraan xubno la tuhmaayo, kuwaasi oo lasii marsiin doono baaritaan dheeri ah oo ku aadan tuhunka laga qabo.

Falalka amnidarada ah ee ay gaystaan Kooxaha ka tirsan Al Shabaab ayaa ku soo laabtay Magaalada Muqdisho, xilli muddooyinkii dambe ammaanka Magaalada uu ahaa mid hagaagsan oo falal amnidaro aaney ka dhici jirin




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip