Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dalka dib ugu soo laabtay

0
Thursday July 06, 2017 - 20:21:35 in Wararka by
  • Visits: 472
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dalka dib ugu soo laabtay

    Ajendaha ugu weyn Shirka waxa uu ahaa in la maalgeliyo dhalinyarada ku nool qaaradda afirka si ay u noqdaan dhalinyaro wax soo saar leh, ujeedkuna yahay sidii looga hortagi lahaa kooxaha xagjirka ah in ay ka faaiideystaan dhalinyarada shaqo la'a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ajendaha ugu weyn Shirka waxa uu ahaa in la maalgeliyo dhalinyarada ku nool qaaradda afirka si ay u noqdaan dhalinyaro wax soo saar leh, ujeedkuna yahay sidii looga hortagi lahaa kooxaha xagjirka ah in ay ka faaiideystaan dhalinyarada shaqo la'aantu hayso, Sidoo kale waxaa shirka warbixin ku aadan sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa midowga afrika looga dhegeystay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame.

Waxana intii uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ku sugnaa Addis Ababa uu la kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina oo kala hadlay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aantu haysado loo abuuro fursado shaqo. Isla markaana ay ka faaiideystaan barnaamijyada horumarinta ee Bangigu sameeyo, sida barmaaijka ‘Enable Youth’ oo ka shaqeeya 8-wadan oo kamid ah qaaradda Africa, wuxuna soo dhaweeyey Madaxweynaha Bangiga horumarinta Africa sida wanaagsan ee isla xisaabtanku ku jiro ee ay u shaqeyso dawladda Soomaaliya.

Dhanka kale, Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii ay ku sugnaayeen Addis Ababa waxay kulamo la qaateen madaxdii Shirka ka soo qeyb gashay, gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia oo dhamaantood ay isla soo qaadeen fulinta qodobadii horey loogu heshiiyey . Waxana iyadoo la fulinayo qodobadaas ay dawladda Itoobiya kusoo wareejineysaa dawladda Soomaaliya 120 maxaabiis Soomaali ah oo waddankaas ugu xiran dambiyo kala duwan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar kamid ah madaxdii shirka ka qeyb gashay waxana ay dhammaatood ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalkooda iyo Soomaaliya, iyadoo dalalka qaar ay isla soo qaadeen maxaabiis ku xiran dalalkooda sidii dib loogu soo celin lahaa Soomaaliya. DHAMMAAD

6Z0A0175
DD533nHWAAAdD1J
DD5uSjHXUAAsLtP
DD5ROaYXkAAxa1j
DD5q2zzWAAYio3B
DD5q5fAXgAEqyoE
©2017 Office Of the Prime Minister | Mogadishu | Somalia







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip