Meydadka 13 nin oo Shabaab oo lagu soo bandhigay Kismaayo (SAWIRRO)

0
Thursday July 06, 2017 - 20:15:33 in Wararka by
  • Visits: 419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meydadka 13 nin oo Shabaab oo lagu soo bandhigay Kismaayo (SAWIRRO)

    Saraakiisha Ciidamada Jubbaland, ayaa Arbacadii Magaalada Kismaayo ku soo bandhigay meydadka 13 nin oo ka tirsanaa maleeshiyada Ururka Al Shabaab, oo lagu dilay weerar ka dhacay duleedka Kismaayo, habeen hore.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland, ayaa Arbacadii Magaalada Kismaayo ku soo bandhigay meydadka 13 nin oo ka tirsanaa maleeshiyada Ururka Al Shabaab, oo lagu dilay weerar ka dhacay duleedka Kismaayo, habeen hore.

Weerarkan oo laga fuliyay Deegaanka Qaam Qaam oo 25km dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa la sheegay inay wada qaadeen Ciidamada Dowladda Somaliya, Jubbaland iyo ciidan ajnabi ahaa, kuwaa oo la sheegay inay wateen diyaaradaha dagaalka.

Ciidamadan, ayaa waxaa la sheegay inay hareereeyen saldhigii ay ku sugnaayen maleeshiyada Al Shabaab, ka hor intii aanu hawlgalkaasi bilaaban.

Axmed C/laahi Ciise, Taliye Kuxigeenka Hay’adda Nabad Suggida ee Maamulka Jubbaland, ayaa sheegay in hawlgalkaasi ay iska kaashadeen Ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Dowladda Somaliya.

Taliye Kuxigeenka oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Kismaayo, ayaa qeexay in saldhigii la weeraray ay ku sugnaayen boqol nin oo ka tirsan Al Shabaab, kuwaa oo qorsheynayay weerar, sida uu yiri. Waxaa uu intaa ku daray in lagu guuleystay in la fashiliyo weerarkaasi, isla-markaana ay ciidamadu la wareegen saldhigaasi.

Taliye Kuxigeenka, ayaa tibaaxay in weerarkaasi lagu dilay 13 ka mid ah maleeshiyadii Al Shabaab, oo lagala wareegay hubkii ay wateen, ayna Shabaabku la carareen dhaawacyada toboneeyo ka mid ah maleeshiyadooda.

Axmed C/laahi Ciise, ayaa sidoo kale sheegay inaanu weerarkaasi waxyeelo ka soo gaarin Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Ciidanka Daraawiishta Jubbaland. Axmed C/laahi ayaan soo hadalqaadin haddii ciidan ajaaniib ahi ka qayb qaateen weerarkaasi iyo haddii kalaba.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip