Saraakiil Kenyan ah oo lagu la'yahay weerar ka dhacay Kenya Xarrakada Al-Shabaab oo laga yaabo in ay kaxeysatay

0
Thursday July 06, 2017 - 19:52:11 in Wararka by
  • Visits: 349
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Kenyan ah oo lagu la'yahay weerar ka dhacay Kenya Xarrakada Al-Shabaab oo laga yaabo in ay kaxeysatay

    Dowladda Kenya ayaa sheegtay weerar ka dhacay Gobolka Waqooyi Bari inay ku la'yihiin Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska, weerarkaasi oo ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya ayaa sheegtay weerar ka dhacay Gobolka Waqooyi Bari inay ku la'yihiin Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska, weerarkaasi oo ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Waxa ay sheegtay Kenya dagaal socday wax ka badan 7 saacadood lagu la’yahay Saraakiil tiradooda ay gaareyso 7,kuwo kalena ay dhaawacmeen, kadib markii dagaalyahano fara badan oo Shabaab ka tirsan ay weerareen Saldhig Boolis.

Waxaa kale oo dagaalkaas lagu la’yahay tiro ka mid ah Dadka deegaanka oo la rumeysan yahay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay horay u sii ka xaysteen.

Kenya ayaa sheegtay weerarka shalay oo Arbaco aheyd ka dhacay Lamu ciidankii fuliyay ee Shabaab ka tirsanaa inay gaarayaan tiradooda 200 oo Askari, kadib baaris ay sameeyeen saraakiisha oo lagu ogaaday arintaasi.

Iskuul ku dhaw goobta weerarka uu ka dhacay arday dhigata ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada Shabaabka ardayda ay ku amreen inay ka baxaan Iskuulka, ka hor inta uusan weerar ka dhicin.

Saraakiisha Ciidanka Kenya ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay labo Nin oo Meyd ah oo iyaga ka tirsanaa kaga tageen goobta uu dagaalka ka dhacay ee Saldhigga Booliska.

Kenya ayaa dhawaan sheegtay duqeyn dhanka cirka ah inay la beegsan doonto Shabaabka Saldhigyada Militari ku leh Kaymaha Boni si loo ciribtiro Kooxahaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip