Sheekh Shariif Cabdi Nuur oo Sacuudiga ku geeriyooday

0
Thursday July 06, 2017 - 19:12:09 in Wararka by
  • Visits: 451
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Shariif Cabdi Nuur oo Sacuudiga ku geeriyooday

    Allaha u naxariistee waxaa dalka Sacuudiga ku geeriyooday Sheekh Shariif Cabdi Nuur Shariif Xasan oo ka mid ahaa culimadda Somaliyed, kuwooda ugu qiimaha badan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha u naxariistee waxaa dalka Sacuudiga ku geeriyooday Sheekh Shariif Cabdi Nuur Shariif Xasan oo ka mid ahaa culimadda Somaliyed, kuwooda ugu qiimaha badan.

Sheekha ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanaayay dalka Sacuudiga, halkaasi oo uu ku noolaa, balse saaka ayaa la xaqiijiyay inuu geeriyooday.

Ehelada Sheekh Shariif Cabdi Nuur, ayaa xaqiijiyay geerida wadaadka oo si weyn ay u garanayaan Bulshada Somaliyed.

Sheekhu waxa uu kamid ahaa Macalimiintii Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, sidoo kale waxa uu kamid ahaa culimada waaweyn iyo ducaada Somaliyed ee diinta loogu tago.



Allaha u naxariistee Sheekhu kama mid noqon ururadii Islaamiga ahaa ee dalka ka kacay 50 sano ee u danbeysay, waxaana uu ahaa mid si guud aqoonta diinta looga wada qaato.

Qaar ka mid ah Culimadda Somaliyed ayaa ka tacsiyadeysay geerida ku timid Sheekh Shariif Cabdi Nuur.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip