Gaadiid AMISOM ay leeyihiin oo dad ku jiiray Ceelasha Biyaha

0
Thursday July 06, 2017 - 18:46:39 in Wararka by
  • Visits: 395
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaadiid AMISOM ay leeyihiin oo dad ku jiiray Ceelasha Biyaha

    Wararka inaga soo gaaraya degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan kolonyo Ciidanka AMISOM ka tirsan in halkaasi ay ku jiireen Wiilal dhalinyaro ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka inaga soo gaaraya degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan kolonyo Ciidanka AMISOM ka tirsan in halkaasi ay ku jiireen Wiilal dhalinyaro ah.

Dhalinyarada ay jiireen Gaadiidka Ciidanka AMISOM oo Saddex ahaa ayaa dhammaantood saarnaa Mootada loo yaqaano VEKON ee leh labada lugood, kuwaasi oo isku dayayay in ay baasaan Gaadiidka AMISOM, ayna u suura geliweysay, sidaasina lagu jiiray.

Dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay Dhalinyarada la jiiray in laba ka mid ah ay ahaayeen Askar, halka midka kalena uu ahaa Darawalkii Mootada kaxeynayay.

Waxaa halkaasi ku geeryooday Darawalkii iyo mid ka mid ah Askartii, halka midka kalena uu dhaawacmay, kaasi oo lo qaaday goobaha caafimaad ee halkaasi ka akdhow.

Gaadiidka AMISOM ayaa sida caadada aheyd waxa ay isaga baxsadeen goobta ay falka ka geysteen, iayada oo aanay jirin Ciidamo is hor istaag ku sameeyay.

Balse shacabka degaanka oo arrintaasi argagaxa leh ka carooday ayaa sameeyay banaanbax ay kaga soo horjeedeen falkan naxariis darada ah, waxaana ay ku baaqeen in cadaalada la horkeeno raggii dhacdadan ka dambeeyay.

Maamulka degaanka Ceelasha Biyaha oowarbaahinta qaar ka mid ah ay  la xiriirtay ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan falkan, iyo sidii cadaalada loo horkeeni lahaa raggii falkan ka dambeeyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip