(AKHRISO) Wasaaradda Amniga oo amaro ku soo rogtay shirkadaha gaarka loo leeyahay

0
Thursday July 06, 2017 - 18:30:54 in Wararka by
  • Visits: 441
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (AKHRISO) Wasaaradda Amniga oo amaro ku soo rogtay shirkadaha gaarka loo leeyahay

    Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay awaamiir cusub oo ku aadan amniga, iyadoo fartay shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay isa soo diiwaan geliyaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay awaamiir cusub oo ku aadan amniga, iyadoo fartay shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay isa soo diiwaan geliyaan.

Amarkan oo uu soo saaray Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa waxaa loogu baaqay shirkadaha gaarka loo leeyahay in mudo 30 cisho gudahooda ku soo diiwaan geliyaan ilaaladooda.

Wasaaradda Amniga oo amarkan ku soo saartay warqad, ayaa waxaa dhanka kale lagu sheegay ciddii aan u hogaansamin in laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Wasaaradda Amniga ayaa dhowaan soo saartay amar lagu farayo masuuliyiinta Dowladda, sida Wasirada iyo Xildhibaanada inay mudo 15 cisho gudahood ku soo diiwaan geliyaan ilaaladooda iyo hubka ay wataan.

Awaamiirta ka soo baxdayWasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qeyb ka ah howlaha sugidda amniga ee caasiamadda, iyadoo Ciidamada xasilinta ay wali ka howlgalayaan qeybo ka mid ah magaalada.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip