WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHUM TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 6-DA LUULYO 2017-KA

0
Thursday July 06, 2017 - 18:23:47 in Wararka by
  • Visits: 759
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHUM TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 6-DA LUULYO 2017-KA

    BANAANBAX KA DHACAY MUQDISHO Taliska Militariga Soomaaliya ayaa muddo Saddex cisho ah waxa ay u qabteen dadka rayidka ah ee degan dhismayaasha ay leeyihiin ciidanka Xoogga dalka Somaliya ee ku yaalo Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BANAANBAX KA DHACAY MUQDISHO Taliska Militariga Soomaaliya ayaa muddo Saddex cisho ah waxa ay u qabteen dadka rayidka ah ee degan dhismayaasha ay leeyihiin ciidanka Xoogga dalka Somaliya ee ku yaalo Magaalada Muqdisho.

Gaadiid Cabdi Bilayaal ah oo ay leeyihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, laguna soo xiray cod baahiyaal ayaa lagu arkaayay nawaaxiga Wasaaradda Gaashaandhiga, Xaafadda Shiirko ole iyo goobo kale, waxaana dadka lagu amrayay inay ka guuraan guryaha ciidanka.

Amarkaasi ka soo baxay Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa shalay Bana anbax looga soo horjeedo in dadka rayidka ay ka guuraan goobaha ciidanka wuxuu ka dhacay nawa axiga Wasaaradda Gaashaandhiga, iyaga oo dadka gubaayay taayaro.

Qaar ka mid ah dadkii Banaanbaxa dhigayay ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin mee sha ay aadi doonaan, maadaama in ka badan 20 sano ay degaansanayeen dhulkaasi.

Dad badan oo shacab ah ayaa degaansaday xeryaha ciidanka iyo guryihii loogu talo galay ciid amada, wixii ka dambeeyay bur burkii dowladdii dhexe, illaa hadddana dadkaasi waa ay dagan yihiin.

MAAMULKA SOMALILAND OO BEENIYAY IN MADAXWEYNE SIILAANYO IN UU KU XANUUNSANAYO IMAARAADKA CARABTA

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Somaliland C/llaahi Maxamed Dahir Cukuse ayaa beeniyay warar sheegayay inuu Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ku xanuunsanayo dalka isu tag ga Imaaraadka Carabta.

Warar lagu baahiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkeed ayaa sheegaya in Madaxwey ne Siilaanyo la dhigay isbitaal ku yaala Imaaraadka Carabta, halkaasoo todobaadyo ka hor uu gaa ray.

C/llaahi Cukuse oo daraad dib ugu laabtay Hargeysa, kana mid ahaa wafdi Wasiiro ah oo ka tirs an Somaliland oo Imaaraadka ku sugnaa ayaa sheegay in xaalada caafimaad ee Madaxweynaha ay wanaagsan tahay, saacado ka horna ay wada joogeen.

"Qaar ka mid ah warbaahinta bulshada ayaa warkaas sheegay, ma ahan kuwo waxba ka jira, madaxweynaha caafimaadkiisa waa taam, saacado ka hor ayaa wada joognay, kuwa cadaw ah oo jecleysanaya in musiibo nagu timaado ayaa warkaas faafinaya”ayuu yiri Cukuse.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu ku guda jiro fasixiisa sanadlaha ah, isla markaana xaaladiisa caafimaad ay tahay mid wanaagsan.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo 81 sano jir ah, ayaa horay la sheegay in xanuu no soo wajahay laga daweeyay, muddooyinkii u dambeeyayna ay xaaladiisa ay aheyd mid wanaagsan.

SOMALIYA OO QORSHAYNAYSA LA WAREEGISTA HOGAANKA HAWLGALADA BURCAD BADEEDA

Dowladda Somaliya ayaa qorsheynaysa inay la wareegto hogaanka hawlgalada lagula dagaa lamayo Kooxaha Burcad badeeda Somalida ee Maraakiibta ku ugaarsada Xeebaha Somaliya iyo meel aha ka baxsan.

Shir looga hadlaayo arimaha Burcad badeeda iyo hawlgaladooda, ayaa shalay ka furmaya dalka Mauritius, halkaas oo ay isugu tagayaan Waddamada Urur Goboleedka IGAD iyo kuwa deeqda Bixiya ee Contact Group loo yaqaan.

Qorshaha Dowladda Somaliya ay wadato ayaa ah inay la soo wareegto hogaanka hawlgalada Burcad badeeda Somalida, kaasi oo iminka ay maamulaan Urur Goboledka IGAD oo dhaqaale badan uga helaan dowladaha lacagta ku bixiya dhimista weerarada Burcadda.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Dr. C/raxmaan Maxamed Xaashi ayaa sheegay in shirk aas ujeedadiisu tahay in Somaliya la wareegto hoggaanka dagaalka Burcad Badeedda Somaliya.

Xeebaha Soomaaliya waxaa Sanadkan 2017 dib ugu soo laabtay hawlgallada Burcad Badeed da ka sameynayaan ee ay maraakiibta ku afduubanayaan iyada oo labo Markab iyo Doomo tiro badan la qafaashay.

Inta u dhaxeysay Bilaha January ilaa June 2017 Kooxaha Burcad Badeedda Somalida ah waxa ay gacanta ku dhigeen 39 Badmaaxiin Ajaanib ah oo ay illaa hadda heystaan.

MUQTAAR ROOBOW OO SHURUUD KU XIRAY DOWLADDA

Muqtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa shuruud ku xiray wada hadal uu la galo Dowladda Fed eralka Somaliya iyo inuu isku soo dhiibo Dowladda, xilli ay socdeen dadaalo ku aadan sidii Roobow, dhanka Dowladda loo keeni lahaa, maadaama dhawaan Dowladda Mareykanka ay ka saartay liiska waxa loogu yeero argagixisada.

Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Dhacdo.com u sheegay wada hadal dhanka taleefoonka ah oo ay wada yeesheen Muqtaar Roobow iyo Odayaal ku hayb ah inuu u sheegay Shuruudo ku aad an haddii Dowladda si dhab ah u fulinayso arintaasi inuu isku soo dhiibaayo.

Muqtaar Roobow, ayaa muujinaayo kalsooni daro ku aadan in loola dhaqmo sidii loola dhaqmay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo laga soo kaxeeyay Magaalada Cadaado, iyadoo balamo adag lala soo galay, kadibna markii laga soo dajiyay Garoonka Aadan Cadde looga baxay balantii illaa iminkana uu yahay Xabsi guri.

Xubno ku dhaw dadka Muqtaar Roobow uu taleefoonka kula hadlay ayaa inoo sheegay Shuru udaha uu soo gudbiyay Roobow inay ka mid tahay.

1: In Dowladda Federalka Somaliya aysan xirin haddii uu dhanka Dowladda isku soo dhiibo, balantaasi oo loo fuliyo si dhab ah

2: In aanan loo dhiibin Saraakiil Ajaanib ah (Sirdoonka reer Galbeedka) ee Muqdisho jooga

3: In aanan Warbaahin laga wareysan sidoo kalena aysan Wareysan Ajaanib oo xittaa aysan u soo dhawaan

Qodobadaasi ayaa la sheegay in Roobow uu u sheegay xubnaha dhexdhexaadinta wada had alka wada, laakiin loo balan qaaday in si dhab ah loo fulinaayo arimahaasi oo dhan, balse wadaadka ayaa shaki ka muujinaya fulin dhab ah oo lagu sameeyo qodobadaasi, maadaama Xasan Daahir Aweys horay balantii loogaga baxay.

Inkastoo Shuruudaha Roobow uu soo bandhigay aysan aheyn intaan kaliya, ayaa haddana Ilo Wareedyada Dhacdo.com la hadlay waxa ay inoo sheegeen inay jiraan qodobo kale oo Roobow uu soo bandhigay, balse weli arinta wada hadal ay ku socoto.

Muqtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa ku nool dhulka miyiga ah ee deegaanka Abal oo ku yaallo duleedka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, halkaasi oo uu ku haysto ciidan ku hayb ah isaga, una taagan ka difaacida weerar kasta oo kaga yimaada dhanka Ururka Al Shabaab, maadaama Shabaab ay isku dayayaan inay nolol ku soo qabtaan Roobow.

Roobow, ayaa Sanadkii 2013kii isaga tagay Ururka Al Shabaab, kadib markii ay isku dhaceen Hogaamiyihii Shabaabka ee xilligaasi Axmed Cabdi Godane.

SIGMAR GABRIEL: IMAARAADKA IYO SACUUDIGA WAA INAY TIXGELIYAAN MADAX BANAANIDA QATAR

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Germany oo todobaadkan booqasho ku maraya dalalka Khaliijka ayaa ugu baaqay wadamada Sacuudiga iyo Imaaraatiga inay tixgeliyaan oo aysan ku xadgudbin ma dax banaanida wadanka Qatar.

Sigmar Gabriel oo Salaasadii daraad booqasho ku tagay magaalada Doxa ayaa sheegay in dalkiisa uu dhex dhexaad ka yahay xiisada ka dhex taagan dalalka Khaliijka, wuxuuse sheegay in loo baahan yahay in aan lagu xadgudbin madax banaanida Qatar.

Wasiirka Germany ayaa safarkiisan Isniintii ku tagay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga oo uu kula kulmay madaxda dalkaasi isagoona Salaasadii daraad usii gudbay Abu Dhabi iyo Doxa oo kulamo lamid ah la yeeshay hogaamiyayaasha dalalkaasi Carbeed.

"Waa lama huraan in dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka aysan faraha la gelin madax banaanida Qatar, taasi waxay muhiim u tahay in wada hadal ay yeeshaan labada dhinac oo xal laga gaaro arri maha kale ee la isku khilaafsan yahay”

"Waxaan ku bogaadinayaa Qatar sida degenaanshaha ah oo ay u wajahday xiisadan.” Ayuu yiri Sigmar Gabriel oo saxaafada kula hadlaayey magaalada Doxa ee xarunta dowlada Qatar.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibada ee Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani oo si wadajir ah shirka jaraa’iid ulla qabtay Wasiirka arrimaha Dibada ee Germany ayaa dhinaciisa she egay in dowladooda ay diyaar u tahay inay xal u hesho qodobada macquulka ah oo ay soo gudbiyeen xulafada Sacuudiga.

"Qatar waxay diyaar u tahay inay qaado tilaabo walba oo looga hortagayo kooxaha argagaxi sada, dowladeena waligeed way kasoo horjeeday kooxahaasi hadana diyaar baan u nahay inaan sii xoojino, balse Sacuudiga iyo xulafadiisa waxa ay codsanayeen waxay salka ku haysaa arrimo siyaasad iyo waliba madax banaanida dalkeena iyo xoriyatul Qawlka kuwaasi oo ah arrimo aan gorgortan laga geli karin.” Ayuu yiri Wasiirka arrimaha Dibada ee Qatar.

CIIDAMO BADAN OO ISAGA TAGAY KOONFUR GALBEED

Koonfur Galbeed ayaa xaqiijisay ciidamo badan inay ka gadoodeen dibna ay ugu laabteen deeganadooda, sida uu sheegay Wasiir ku xigeenka amniga Maamulkaasi.

C/laahi Maxamed Aadan, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay ciidankaasi oo dhawaan tababar soo dhameystay inay waayeen mushaarkooda, sidaasi awgeedna ay isaga tageen shaqada ciidannimada Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay markii hore ciidamadan in laga soo kala xulay deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, balse hadda dib ay ugu laabteen deeganadii markii horeba laga keenay.

Tirada ciidamada ka maqan Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa wuxuu ku sheegay inay gaara yaan 105 ciidan, kuwaasi oo hadda ka maqan Maamulka.

"Ciidanka maqan waa 105, gadood ahaan ayeey ku baxeen, mushaar ayeey waayeen waxayna ku laabteen deegaannada Shabellaha Hoose oo markii hore laga keenay, cabasho waa ay jirtay, wax aana la isku dayayaa in la xalliyo wax walbo.” Ayuu yiri wasiir ku xigeenka amniga K/galbeed.

Inta badan ciidamada Koonfur Galbeed ayaa cabasho waxa ay ka muujiyaan inaysan si joogto ah u helin xuquuqdii ay ku lahaayeen Maamulkaasi, taasi oo keenaysa dhabarjab ku yimaada shaqada askariga.

Ciidamada Somalida ayaa ku dhiban helida xuquuqdooda, xilli dhaqaalaha ay qaataan uu yahay mid aanan buuxin karin noloshooda.

SIDEE AYUU TURKIGA U BAAJIYAY WEERAR MILATERI OO AY XULUFADA SACUUDIGA LA DAMACSANAAYEEN QATAR ?

Wargeyska ThenewKhalij ayaa daabacay warbixin ka hadleysa weerar Milateri oo ay Xulufada Sacuudiga uu hoggaaminayo ay u qorsheeyeen inay ku qaadaan dalka aadka u yar, balse Hodanka ah ee Qatar, hase ahaatee markii uu Turkiga ku dhawaaqay inuu ciidamo u dirayo Qatar ayaa carqalad ku noqday qorshihii Sacuudiga iyo Imaaraadka, kuwaasoo si aad ah uga carooday tallaabada uu Turkiga qaaday.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa ThenewKhalij u xaqiijiyay in Imaaraadka iyo Sacuudiga ay qor sheeyeen weerar Milateri oo xukunka looga tuurayo Boqorka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Tha ni, balse tallaabadii uu Turkiga ciidamo degdeg ah ugu soo diray Doha ayaa fashiliyay dhagartii ay damacsanaayeen Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Diblomaasi diiday in magaciisa la soo xigto ayaa sheegay in Imaaraadka iyo Sacuudiga dajiyeen qorsho weerar Milateri, iyagoo ka faa’iideeysanaya ka hor inteeysan dalkooda Qatar kusoo laaban Ciid amada dalkaas ee qeybta ka ah Howlgalka dagaalka Yemen.

Diblomaasigaan ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo Imaaraadka leeyahay ay gaareen dalka Baxreyn, kuwaasoo qorshahooda yahay inay dhanka Badda ka weeraraan Qatar, isla markaana la wareegaan Dekadaha dalkaas iyo Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Hamad International Airp ort, halka Ciidamada Sacuudiga iyagana qorshahooda uu ahaa inay dhinaca dhulka ka soo weeraraan.

Qorshaha Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa wuxuu ahaa in marnaba aan si shaac ah loogu dhawaaqin weerarki Milateri, balse uu ahaado mid Gaadmo ah, kadibna xilka laga qaado Tamim bin Hamad Al Thani, laguna wareejiyo ruux ka tirsan dhaxalsugaha.

Balse Go’aankii uu Baarlamanka Turkiga 6dii Bishii hore ee June ku gaaray in ciidamo loo diro Qatar ayaa hal bacaad lagu lisay ka dhigay qorshihii ay wateen Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxaana ku qasbanaadeen inay baajiyaan weerarkii Milatari ee ay la damacsanaayeen Qatar.

Tallaabada uu Turkiga qaaday ayaa waxaa si aad ah uga carooday wadamada Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar, kuwaasoo u arka inuu si weyn u dhaawacay qorshahoodi.

Turkiga ayaa Qatar sanadkii 2014 Heshiis kula galay inuu saldhig Milatari ka sameysto mag aalada Doha ee xarunta dalkaas, waxaana heshiiskaas saxiixay oo meel mariyay Baarlamanka Turkiga 6dii Bishii June ee la soo dhaafay, waxaana durbadiiba Doha gaaray ciidamo iyo saanad Milatari oo uu Turkiga leeyahay.

Xiisada dalalka Khaliijka ayaa soo ifbaxday 5tii June ee sanadkan, waxaana wadamada Imaar aadka, Sacuudiga,Masar iyo Baxreyn ay ku dhawaaqeen inay xiriirka u jareen dalka yar ee Qatar, iya goo ku soo rogay cunaqabateyn dhulka, Badda iyo hawada ah, waxaana ay ku eedeeyeen inay taage erto kooxaha argagixisada, sidoo kale waxyaabaha Qatar lagu eedeeyay waxaa k amid ah ineey xiriir dhow la leedahay dalka Iiraan. Balse Doha ayaa diiday dhamaan eedeeymaha loo soo jeediyay.

W/D: Bashiir Addow Ahmed. Salmaansaleebaan@gmail.com.

 

KHAYRE OO KA HADLAY SICIR BARARKA KA JIRA GOBOLADA DHEXE

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay xaal adaha sicir bararka ee ka jira gobolada dalka iyo sidoo kale lacagaha been abuurka ah ee ay ka caba nayaan bulshooyinka Soomaaliyeed.

Dhibaatooyin culus oo dhaqaale iyo mid nololeed ayaa ka taagan gobolada dhexe Beledweyne, Guriceel, Caabudwaaq iyo magaalooyin kale, waxaana dadka ay diideen in ay qaateen lacagihii Shilling Soomaaliga, maadaama ay sheegeen in lacago been abuur ah la soo geliyay suuqa.

Xasan Cali Khayre wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay arrimahaasi la socoto waxna ay ka qabaneyso, arrintana ay tahay dhibaato soo jireen ah oo waqti fog soo jirtay.

Khayre ayaa sheegay shirkadaha waa weyn in ay la shaqeeyaan Dowladda, Baarlamaanka marka uu furmo in ay horkeeni doonaan sharciyo badan oo lagu xasilin doono arrinta canshuurta.

Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ayuu ka codsaday wax walba oo ay aaminsan yihiin in ay qalad yihiin in ay u soo gudbiyaan Dowladda Soomaaliya, si wax looga qabto.

Waxa uu sheegay Mudane Xasan Khayre canshuurta ay qaado Dowladda in ay aad u yartahay, taasi oo keentay is aaminaad la’aan iyo amni buuxa oo aanan jirin.

SHIR LOOGU HADLAAYO BURCAD BADEEDA OO KA FURMAYA DALKA MAURITIUS

Magaalada Port Louis ee dalka Mauritius waxaa ka furmaya Shir Loogu Hadlaayo Burcad Badeeda Soomalida iyadoo shirkaan uu Soomaliya u matalayo Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraad ka badda Xukuumadda Federaalka Soomaliya.

Dr C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda Xukuu madda Soomaliya oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee Bbcda ayaa sheegay in Shirkaan ay ka qeyb galayaan Wadamo ku yaala qaaradda afrika kuwaasi oo la dhibaatoonayo burcad Badeeda Soomalida.

Wuxuu sheegay Dr C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda Xukuumadda Soomaliya in shirkaan loogu hadlaayo qatarka kooxaha Burcad Badeeda Sooma lida, sidii loo qorshayn lahaa dhaqaalo loogu talagalay la dagaalanta Burcad badeeda Soomalida, iyo walaaca laga qabo.

"Magaalada Port Louis ee dalka Mauritius Waxaa dhacaya shir loogu hadlaayo arrimaha burcad badeeda Soomalida, shirka waxaa ka qeyb galaya wadamada deeq bixiyayaasha caalamiga ah,qodob ada loogu hadlaayo waxa kamid ah qatarta Kooxaha burcad badeeda Soomalida, iyo sidii wax loogu qaban lahaa”, ayuu yiri Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda Xukuumadda Soomaliya.

Sidoo kale Dr C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka bad da Xukuumadda Soomaliya ayaa ku macneeyay sababta shirarkaan loogu qaban la yahay Soomaliya in ay tahay xagga amniga oo aad u liita balse sanadaha soo socda lagu qaban doono.

SACUUDIGA OO DIIDAY INUU YAHAY ISHA XAGJIRNIMADA

Warbixin ay soo saartay hay'ad samaysa daraasaadka ayaa Sacuudi Carabiya ku eedeysay in ay tahay meesha ugu weyn ee ay ka soo baxaan Islaamiyiinta xagjirka ah ee Britain.

Warbixintan xambaarsan eedeyntan culus ee ay sameysay hay'adda the Henry Jackson Society ayaa ku soo beegmaysa xilli wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar laga filayo inuu gudbiyo jawaabta dalkiisa ee ku aaddan dalabkii Sucuudiga ee ahaa in Qatar ay joojiso taageeridda argagixisada.

Wasiirrada arrimaha dibada ee dalalka Masar, Sucuudi Carabiya, Imaaraadka iyo Baxrayn ayaa shalay magaalada Qaahira uga shiraya muranka Khaliijka, afar usbuuc uun ka dib markii ay xiriirka u jareen Qatar.

Warbixinta the Henry Jackson Society ayaa lagu sheegay in shakhsiyaad iyo shirkado Sucuudi ah ay dibadda u dhoofinayeen wax ay hay'addu ku tilshalayy 'fikradda Wahaabiyada ee aan loo dulqaa dan karin'.

Waxa ay sidoo kale ku eedaysay Sucuudi Carabiya munaafaqnimo ku aaddan eedeynta Qatar ay ku eedaysay inay kaligeed maalgaliso argagixisada.

Safaaradda Sucuudiga ee London ayaa beenisay eedeymahaasi, waxayna ku tilshalayy mid be enabuur ah. Hase yeeshee qoraaga warbixintan ayaa sheegay in uusan la yaabeyn jawaabta Sucuu diga.

Sacuudigu waa saaxibka ugu weyn ee Britain iyo jaalka xagga baayac mushtarka ee Britain ku leedahay Bariga dhexe. Xisbiga ugu weyn mucaaradka Britain wuxuu ugu baaqay xukuumadda inay shaaca ka qaaddo warbixinteeda sirta ah ee xagjirnimada.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar waxaa lagu wadaa inuu dhawaan shaaca ka qaado jawaa bta waddankiisa ee ku wajahan liiska dalabaadka ee ay soo bandhigeen dalalka uu Sacuudigu hogaaminayo, kaasoo la xiriira in Qatar ay taageerto argagixiso.

Wasiirrada A dibadda ee Masar, Sacuudiga, Iimaaraadka iyo Baxrayn ayaa iyagana isugu ima anaya Qaahira si ay mushaakilkan uga arrinsadaan, ka dib markii ay 4 todobaad ka hor aad u wiiqeen xiriirkii ay la lahaayeen Qatar.

Isagoo hadlayey maalin ka hor kulanka ayuu wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caal amiga ee imaaraadka Sheekh Cabdalla Bin Zayed wuxuu sheegay in loo baahan yahay in Qatar ay qaabkeeda wax ka beddesho.

Madaxda sirdoonka ee 4ta dal ee ku kacsan Qatar ayaa iyagana ayaa Talaadadii kulmay.

WASIIR YARIISOW OO CISBITAALKA KU BOOQDAY AGAASIME BAHLAWI

wasiirka Warfaafinta dawladda Soomaaliya Eng C/raxman Cumar Cusmaan (Yarisow ) oo ay wehliyaan agaasimayaal ka tirsan wasaarada Warfaafinta iyo suxufiyiin aya cisbitaalka Madiina ku bo oqday agaasimihi hore ee wasaarada Warfaafinta C/risaaq Bahlawi oo habeen hore ku dhaawacmay qarax lo dhigay gaarigiisa.

Wasiirka oo suxufiiyinta kula hadlay cisbitaalka ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin wasaarad ahaan dhaawaca Bawlahi waxuuna cambaareeyey weerarka ay kooxda Shabab. Ku dhaawaceena Bahlawi .

Kooxda Shabab ayaa sheegatay weerarkaas,Bahlawi ayaa shaqada Agaasimanimada laga qaa day 2 bil ka Hor.

MIDOWGA AFRIKA OO SHEEGAY IN UU WAFDI U DIRAYO JASIIRADDA DUMEYRA OO AY KU MURANSAN YIHIIN WADDAMADA JABUUTI IYO ERITREA.

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Muusa Faki Maxamed ayaa shalay ku baaqay deganaan isagoo dhinaca kale tilmaamay in wafdi ay u diri doonaan Jaziiradda Dumeyra oo ay ku muransan yihiin lab ada dal ee dariska ah ee Jabuuti iyo Eritrea.

Eritrea ayaa lagu eedeeyay in ay degdeg ciidamo ugu dirtay deeganka buuraha ee Dumayra ka dib markii Qadar ay kala baxday ciidamadii nabad ilaalinta ee halkaas ka joogay.

Qadar ayaa labada dal dhexdhexaadineysay muranka u dhexeeya Jabuuti Eritrea, waana tan keentay in ay ciidamo geyso Jaziiradda Dumayra kaddib markii uu dhacay heshiiskii xabbad joojinta sannadkii 2010ka.

Dalka ku yaalla Khaliijka ayaa ciidamadiisa kala baxay kaddib markii labada dal ay la safteen Sacuudiga iyo seddax dal oo kale oo carbeed oo xiriirka u jaray dowladda Qadar.

Qadar ayaa la baxday ciidamo gaaraya 450 askari oo nabad ilaalin ahaa kaddib markii xiirka loo jaray xukuumadda Dooxa. Eritrea waxa ay sheegtay in aysan xog ka heynin go’aanka Qadar sidaas waxaa sheegtay wakaaladda wararka Reuters.

BAHLAAWI OO FAAH FAAHIYAY XAALADIISA CAAFIMAAD

Waxaa soo hagaageysa xaalada caafimaad ee Agaasimhii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi, kadib markii habeen hore Gaarigiisa Qarax Miino lagula eegtay xaafada Taleex ee degmada Hodan.

C/risaaq Bahlaawi ayaa dhaawicii soo gaaray waxaa hada lagu dabiibayaa Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdsho ee caasimadda Soomaaliya.

Sidoo kale Qaraxan waxaa ku dhaawacantay qaar ka tirsan ilaalada Agaasime Bahlaawi, iyo dad shacab ah oo xilliga uu Qaraxa dhacayay marayay hareeraha wadada.

Qaar ka tirsan Masuuliyiinta Dowladda iyo shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ayaa ku boo qday Isbitaalka, iyaga oo ka wareystay xaaladiisa caafimaad.

Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi ayaa warbaahinta u sheega xaaladiisa caafimaad in ay tahay mid wanaagsan.

Bahlaawi ayaa dhowaan laga qaaday xilkii Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, ka dib markii lagu eedeeyay Musuq maasuq, booskiisa waxaa si ku meel gaar ah loogu dhiibay C/raxmaan Alcadaala.

WARIYE CALI NUUR SALAAD OO KU BIIRAY TELEFISHINKA BBC SOMALI

Wariye Cali Nuur Salaad oo horay uga tirsanaa Telefishinka Maxalliga ee Universal TV ayaa ku biiray Telefishinka Laanta Afka Soomaaliga ee BBC oo la daah furay bishii April ee sanadkan.

Cali Nuur Salaad ayaa ka mid ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed ee xirfada warbaahinta, isagoo horay uga baxay Kulliyada Warbaahinta ee Jaamacadda Afrika ee dalka Suudaan, sidoo kalena tab abaro dhanka Telefishinka ah ku qaatay xarunta TVga Al Jazeera ee magaalada Doxa.

Sidoo kale waxaa uu Soomaaliya uga warami jiray Telefishinka Sky News, waxaa lagu tilmaa maa wariyeyaasha xirfadooda sareysa ee aadka u taxliiliya arrimaha taagan.

Waxaa uu Barnaamij soo saare iyo soo jeediye muddo labo sano ka ahaa Barnaamijka Dab agalka Wararka ee ka baxa Telefishinka Universal, kaasoo ahaa barnaamij maalinle siyaasadeed ah oo ka baxayay Telefishinka

Telefishinka BBC Somali oo ayaa sidoo kale dhowaan waxay shaqaaleysiiyeen Wariye uga soo warami doona Somaliland.

Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda ayaa dhowaan yeelatay Tifaftire cusub, kaddib markii la kala saaray laamaha Soomaaliga iyo Sawaaxiliga oo sandihii ugu dambeeyay lahaa hal tifaftire.

Laanta Af Soomaaliga BBCda oo todobaadkan u dabbaal dageysa 60 sano guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay ayaa waxa ay u muuqataa in ay dardar gelineyso howlaheeda dhanka Soomaaliya, kaddib markii hoos u dhac laga dareemay tirada dhageystayaasheeda oo u weecday dhanka VOA qeybteeda Soomaaliga oo todobaad walba baahisa barnaami muuqaal ah.

Wariye Cali Nuur ayaa caan ku ahaa daadihinta Barnaamijka Dabagalka Wararka ee Telefish inka Universal, kaasoo su’aalo adag uu ku weydiin jiray Siyaasiyiinta iyo Mas’uuliyiinta dowladda.

ALSHABAAB OO WEERAR CULUS KU QAADAY GOBOLKA LAMU EE DALKA KENYA

Weerar ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed intaba .

AlShabaab ayaa la sheegay inay weerareen islamarkaana ay burburiyeen anteennada Telefo onnada ee deegaanka taasoo meesha ka saartay sidii loo heli lahaa xog sax oo ku saabsan khasaar aha dhabta ah ee ka dhashay weerarka.

Booliiska dalka Kenya ayaa xaqiijiyey weerarka in uu dhacay waxayna sheegeen in dagaal uu socdo, ururka AlShabab ayaa iyaguna sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.

Gobolka Lamu oo u dhaw xuduudda Soomaaliya ayaa ka mid ah deegaananada ay AlShabaab ka gaystaan weerararada oo beryihii ugu dambeeyey u badnaa kuwo loo adeegsado miinooyinka lagu aaso waddada dhinaceeda.

QARAX KA DHACAY MUQDISHO OO LAGU DHAAWACAY SARKAAL BOOLIS AH

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Gaari oo casir liiqii shalay ka dhacay xaafada Afasiyooni ee degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxan ayaa Gaarigiisa loogu xiray sarkaal Boolis ah, kaasi oo ka shaqeeya Garoonka Diyaa radaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida uu Risaala u sheegay sarkaal ka tirsan Garoonka.

Sarkaalka ayaa dhaawac culus uu ka soo gaaray Qaraxa loogu xiray Gaarigiisa, waxaana loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla ma[gaalada Muqdisho, si xaaladiisa caafimaad loo dabiibo.

Maamulka degmada Waaberi iyo Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qar axa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano, ku aadan Qaraxa dhacay iyo Howlga llo amni xaqiijin ah.

ISDKU AADKA HORYAALKA INGARIISKA 

WAR CUSUB OO LAGA HELAYO DADAALADDA AY RED DEVILS KU DOONEYSO INAY KU HESHO MORATA…

Naadiga Manchester United ayaa waxaa laga soo diiday dalab lacageed oo gaaraya £79m oo ay ka gudbisay bartilmaameedka koowaad ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Alvaro Morata..

United ayaa waxay rajeyneysaa inay weeraryahan Morata uu bedal wanagsan unoqon karo xidd iga ay iska fasaxeen ee Zlatan Ibrahimovic iyo wiilka aan la hubin mustaqbalkiisa ee Wayne Rooney.

Balse, Real Madrid ayaa geeska gillisay sida ay dhawaanahaan sameyneysayba dalab lacage ed oo gaaraya £70.2m ilaa iyo £61.5m, sida laga soo xiganayo Majaladda Goal, ee Ingiriiska kasoo ba xda.

Sikastaba ha ahaatee, arinkaan ayaa wuxuu dhibaatadda kusii badinayaa maamulaha United, kaas oo haatan ay haysato Mushkilad kooxda dhaxdeeda ah, waxaana arinkaan ay sarre usii qaadey saa suurta galnimadda inuu kooxda ka tago.

SABTI, 9 DECEMBER, 2017

Burnley v Watford

Crystal Palace v AFC Bournemouth

Huddersfield Town v Brighton

Liverpool v Everton

Manchester United v Manchester City

Newcastle United v Leicester City

Southampton v Arsenal

Swansea City v West Bromwich Albion

Tottenham Hotspur v Stoke City

West Ham United v Chelsea

SABTI, 12 DECEMBER, 2017

Burnley v Stoke City

Crystal Palace v Watford (8pm)

Huddersfield Town v Chelsea

Manchester United v AFC Bournemouth (8pm)

Swansea City v Manchester City

West Ham United v Arsenal

SABTI, 13 DECEMBER, 2017

Liverpool v West Bromwich Albion (8pm)

Newcastle United v Everton

Southampton v Leicester City

Tottenham Hotspur v Brighton (8pm)

SABTI, 16 DECEMBER, 2017

AFC Bournemouth v Liverpool

Arsenal v Newcastle United

Brighton v Burnley

Chelsea v Southampton

Everton v Swansea City

Leicester City v Crystal Palace

Manchester City v Tottenham Hotspur

Stoke City v West Ham United

Watford v Huddersfield Town

West Bromwich Albion v Manchester United

SABTI, 23 DECEMBER, 2017

Arsenal v Liverpool

Brighton v Watford

Burnley v Tottenham Hotspur

Everton v Chelsea

Leicester City v Manchester United

Manchester City v AFC. Bournemouth

Southampton v Huddersfield Town

Stoke City v West Bromwich Albion

Swansea City v Crystal Palace

West Ham United v Newcastle United

SABTI,26 DECEMBER, 2017

AFC Bournemouth v West Ham United

Chelsea v Brighton

Crystal Palace v Arsenal

Huddersfield Town v Stoke City

Liverpool v Swansea City

Manchester United v Burnley

Newcastle United v Manchester City

Tottenham Hotspur v Southampton

Watford v Leicester City

West Bromwich Albion v Everton

SABTI, 30 DECEMBER, 2017

AFC Bournemouth v Everton

Chelsea v Stoke City

Crystal Palace v Manchester City

Huddersfield Town v Burnley

Liverpool v Leicester City

Manchester United v Southampton

Newcastle United v Brighton

Tottenham Hotspur v West Ham United

Watford v Swansea City

West Bromwich Albion v Arsenal

ISNIIN, 1 JANUARY, 2018

Arsenal v Chelsea

Brighton v AFC Bournemouth

Burnley v Liverpool

Everton v Manchester United

Leicester City v Huddersfield Town

Manchester City v Watford

Southampton v Crystal Palace

Stoke City v Newcastle United

Swansea City v Tottenham Hotspur

West Ham United v West Bromwich Albion

SABTI, 13 JANUARY, 2018

AFC Bournemouth v Arsenal

Chelsea v Leicester City

Crystal Palace v Burnley

Huddersfield Town v West Ham United

Liverpool v Manchester City

Manchester United v Stoke City

Newcastle United v Swansea City

Tottenham Hotspur v Everton

Watford v Southampton

West Bromwich Albion v Brighton

SABTI, 20 JANUARY, 2018

Arsenal v Crystal Palace

Brighton v Chelsea

Burnley v Manchester United

Everton v West Bromwich Albion

Leicester City v Watford

Manchester City v Newcastle United

Southampton v Tottenham Hotspur

Stoke City v Huddersfield Town

Swansea City v Liverpool

West Ham United v AFC Bournemouth

TALAADA, 30 JANUARY, 2018

Huddersfield Town v Liverpool

Swansea City v Arsenal

West Ham United v Crystal Palace

ARBACA, 31 JANUARY, 2018

Chelsea v AFC Bournemouth

Everton v Leicester City

Manchester City v West Bromwich Albion (8pm)

Newcastle United v Burnley

Southampton v Brighton

Stoke City v Watford (8pm)

Tottenham Hotspur v Manchester United (8pm)

SABTI, 3 FEBRUARY, 2018

AFC Bournemouth v Stoke City

Arsenal v Everton

Brighton v West Ham United

Burnley v Manchester City

Crystal Palace v Newcastle United

Leicester City v Swansea City

Liverpool v Tottenham Hotspur

Manchester United v Huddersfield Town

Watford v Chelsea

West Bromwich Albion v Southampton

 

SABTI, 10 FEBRUARY, 2018

Chelsea v West Bromwich Albion

Everton v Crystal Palace

Huddersfield Town v AFC Bournemouth

Manchester City v Leicester City

Newcastle United v Manchester United

Southampton v Liverpool

Stoke City v Brighton

Swansea City v Burnley

Tottenham Hotspur v Arsenal

West Ham United v Watford

SABTI, 24 FEBRUARY, 2018

AFC Bournemouth v Newcastle United

Arsenal v Manchester City

Brighton v Swansea City

Burnley v Southampton

Crystal Palace v Tottenham Hotspur

Leicester City v Stoke City

Liverpool v West Ham United

Manchester United v Chelsea

Watford v Everton

West Bromwich Albion v Huddersfield Town

SABTI, 3 MARCH, 2018

Brighton v Arsenal

Burnley v Everton

Crystal Palace v Manchester United

Leicester City v AFC Bournemouth

Liverpool v Newcastle United

Manchester City v Chelsea

Southampton v Stoke City

Swansea City v West Ham United

Tottenham Hotspur v Huddersfield Town

Watford v West Bromwich Albion

SABTI, 10 MARCH, 2018

AFC Bournemouth v Tottenham Hotspur

Arsenal v Watford

Chelsea v Crystal Palace

Everton v Brighton

Huddersfield Town v Swansea City

Manchester United v Liverpool

Newcastle United v Southampton

Stoke City v Manchester City

West Bromwich Albion v Leicester City

West Ham United v Burnley

SABTI, 17 MARCH, 2018

AFC Bournemouth v West Bromwich Albion

Burnley v Chelsea

Huddersfield Town v Crystal Palace

Leicester City v Arsenal

Liverpool v Watford

Manchester City v Brighton

Stoke City v Everton

Swansea City v Southampton

Tottenham Hotspur v Newcastle United

West Ham United v Manchester United

SABTI, 31 MARCH, 2018

Arsenal v Stoke City

Brighton v Leicester City

Chelsea v Tottenham Hotspur

Crystal Palace v Liverpool

Everton v Manchester City

Manchester United v Swansea City

Newcastle United v Huddersfield Town

Southampton v West Ham United

Watford v AFC Bournemouth

West Bromwich Albion v Burnley

SABTI, 7 APRIL, 2018

AFC Bournemouth v Crystal Palace

Arsenal v Southampton

Brighton v Huddersfield Town

Chelsea v West Ham United

Everton v Liverpool

Leicester City v Newcastle United

Manchester City v Manchester United

Stoke City v Tottenham Hotspur

Watford v Burnley

West Bromwich Albion v Swansea City

SABTI, 14 APRIL, 2018

Burnley v Leicester City

Crystal Palace v Brighton

Huddersfield Town v Watford

Liverpool v AFC Bournemouth

Manchester United v West Bromwich Albion

Newcastle United v Arsenal

Southampton v Chelsea

Swansea City v Everton

Tottenham Hotspur v Manchester City

West Ham United v Stoke City

SABTI, 21 APRIL, 2018

AFC Bournemouth v Manchester United

Arsenal v West Ham United

Brighton v Tottenham Hotspur

Chelsea v Huddersfield Town

Everton v Newcastle United

Leicester City v Southampton

Manchester City v Swansea City

Stoke City v Burnley

Watford v Crystal Palace

West Bromwich Albion v Liverpool

SABTI, 28 APRIL, 2018

Burnley v Brighton

Crystal Palace v Leicester City

Huddersfield Town v Everton

Liverpool v Stoke City

Manchester United v Arsenal

Newcastle United v West Bromwich Albion

Southampton v AFC Bournemouth

Swansea City v Chelsea

Tottenham Hotspur v Watford

West Ham United v Manchester City

SABTI, 5 MAY, 2018

AFC Bournemouth v Swansea City

Arsenal v Burnley

Brighton v Manchester United

Chelsea v Liverpool

Everton v Southampton

Leicester City v West Ham United

Manchester City v Huddersfield Town

Stoke City v Crystal Palace

Watford v Newcastle United

West Bromwich Albion v Tottenham Hotspur

AXAD, 13 MAY, 2018

Burnley v AFC Bournemouth

Crystal Palace v West Bromwich Albion

Huddersfield Town v Arsenal

Liverpool v Brighton

Manchester United v Watford

Newcastle United v Chelsea

Southampton v Manchester City

Swansea City v Stoke City

Tottenham Hotspur v Leicester City

West Ham United v Everton

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip