Muqtaar Roobow oo shuruud ku xiray Dowladda

0
Wednesday July 05, 2017 - 13:11:55 in Wararka by
  • Visits: 387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqtaar Roobow oo shuruud ku xiray Dowladda

    Muqtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa shuruud ku xiray wada hadal uu la galo Dowladda Federalka Somaliya iyo inuu isku soo dhiibo Dowladda, xilli ay socdeen dadaalo ku aadan sidii Roobow, dhanka Dowladda loo keeni lahaa, maadaama dhawaan Dowladda Mareykan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa shuruud ku xiray wada hadal uu la galo Dowladda Federalka Somaliya iyo inuu isku soo dhiibo Dowladda, xilli ay socdeen dadaalo ku aadan sidii Roobow, dhanka Dowladda loo keeni lahaa, maadaama dhawaan Dowladda Mareykanka ay ka saartay liiska waxa loogu yeero argagixisada.
Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Dhacdo.com u sheegay wada hadal dhanka taleefoonka ah oo ay wada yeesheen Muqtaar Roobow iyo Odayaal ku hayb ah inuu u sheegay Shuruudo ku aadan haddii Dowladda si dhab ah u fulinayso arintaasi inuu isku soo dhiibaayo.

Muqtaar Roobow, ayaa muujinaayo kalsooni daro ku aadan in loola dhaqmo sidii loola dhaqmay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo laga soo kaxeeyay Magaalada Cadaado, iyadoo balamo adag lala soo galay, kadibna markii laga soo dajiyay Garoonka Aadan Cadde looga baxay balantii illaa iminkana uu yahay Xabsi guri.


Xubno ku dhaw dadka Muqtaar Roobow uu taleefoonka kula hadlay ayaa inoo sheegay Shuruudaha uu soo gudbiyay Roobow inay ka mid tahay.

1: In Dowladda Federalka Somaliya aysan xirin haddii uu dhanka Dowladda isku soo dhiibo, balantaasi oo loo fuliyo si dhab ah

2: In aanan loo dhiibin Saraakiil Ajaanib ah (Sirdoonka reer Galbeedka) ee Muqdisho jooga

3: In aanan Warbaahin laga wareysan sidoo kalena aysan Wareysan Ajaanib oo xittaa aysan u soo dhawaan

Qodobadaasi ayaa la sheegay in Roobow uu u sheegay xubnaha dhexdhexaadinta wada hadalka wada, laakiin loo balan qaaday in si dhab ah loo fulinaayo arimahaasi oo dhan, balse wadaadka ayaa shaki ka muujinaya fulin dhab ah oo lagu sameeyo qodobadaasi, maadaama Xasan Daahir Aweys horay balantii loogaga baxay.

Inkastoo Shuruudaha Roobow uu soo bandhigay aysan aheyn intaan kaliya, ayaa haddana Ilo Wareedyada Dhacdo.com la hadlay waxa ay inoo sheegeen inay jiraan qodobo kale oo Roobow uu soo bandhigay, balse weli arinta wada hadal ay ku socoto.

Muqtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa ku nool dhulka miyiga ah ee deegaanka Abal oo ku yaallo duleedka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, halkaasi oo uu ku haysto ciidan ku hayb ah isaga, una taagan ka difaacida weerar kasta oo kaga yimaada dhanka Ururka Al Shabaab, maadaama Shabaab ay isku dayayaan inay nolol ku soo qabtaan Roobow.

Roobow, ayaa Sanadkii 2013-kii isaga tagay Ururka Al Shabaab, kadib markii ay isku dhaceen Hogaamiyihii Shabaabka ee xilligaasi Axmed Cabdi Godane.
xigasho:-dhacdo.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip