Madaxweyne Farmaajo oo maanta shir guddoominaya shirka Golaha Amniga Qaranka

0
Wednesday July 05, 2017 - 12:32:13 in Wararka by
  • Visits: 452
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo maanta shir guddoominaya shirka Golaha Amniga Qaranka

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta shir guddoominaya Shirka Golaha Amniga Qaranka oo ay xubno ka yihiin madaxda Maamul goboleedyada dalka, iyadoo shirkan uu yahay kii u horeeyay tan iyo markii Golahan la dhisay bishii April

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta shir guddoominaya Shirka Golaha Amniga Qaranka oo ay xubno ka yihiin madaxda Maamul goboleedyada dalka, iyadoo shirkan uu yahay kii u horeeyay tan iyo markii Golahan la dhisay bishii April. Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in shirkan uu soconayo labo cisho, waxaana looga hadlayaa arrimaha ammaanka, dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo dhismaha ciidamo isku dhaf ah oo tiradooda gaareyso 18 kun oo askari. Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa shalay soo gaaray Muqdisho, iyadoo qaarkood ay horay ugu sugnaayeen. Golaha Amniga Qaranka ayaa lagu dhisay shirkii bishii April ee ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ay yeesheen Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada. Dhismaha Golahan ayaa bedelaya Madashii hoggaanka qaranka ee horay u aas aasay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, waxaana dad badan ay sheegayaan Golahan iyo Madashii hore aanay waxba ku kala duwaneyn, isla markaana mar kale xaalada dalka ka dhigi kara mid gacanta ugu jirta, iyadoo la xusuusto madashii hore in taladii dalka kala wareegtay Baarlamaankii hore.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip