WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 4-TA LUULYO 2017-KA

0
Wednesday July 05, 2017 - 11:04:51 in Wararka by
  • Visits: 774
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 4-TA LUULYO 2017-KA

    BEYLE:" SAXAAFADA UGA WARBIXIYEY BARNAAMIJKII BILAHA AHAA EE W/MAALIY ADDA, :"LACAGAHA XAWAALADA HA IN LA JOOJIYO AYAY QARKA U SAARAN YIHIIN", Wasiirka Maaliyadda XFS Md. Cabd iraxman Ducaale Bayle ayaa saxaafada uga warbixiyey barn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BEYLE:" SAXAAFADA UGA WARBIXIYEY BARNAAMIJKII BILAHA AHAA EE W/MAALIY ADDA, :"LACAGAHA XAWAALADA HA IN LA JOOJIYO AYAY QARKA U SAARAN YIHIIN", Wasiirka Maaliyadda XFS Md. Cabd iraxman Ducaale Bayle ayaa saxaafada uga warbixiyey barnaamijkii bilaha ahaa ee W/Maaliyadda, kaas oo looga hadlo wa xyaalaha u qabsoomay wasaaradda iyo caqabadaha u baahan in la xaliyo.

Wasiirka ayaa warfidiyeenada u shee gay in arinkaan uu ka hadlo bil walba uu daba socdo balanqaadkii Madaxweyne JFS Md.Maxamed C/hi Farmaajo iyo R/l Wasaare XFS Md.Xasan Cali Kheyre oo ahaa in siyaasada dowladda saldhig u tah ay daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo la dagaalanka musuqmaasuq, sidaas daraa deedna ay waajib ku tahay W/Maaliyadda in bil kasta u soo bandhigto Shacabka So omaaliyeed warbixino ku salaysan dakhli ga iyo kharashaadka dowladda.Ugu hore ynta Wasiirka ayaa ka hadlay heerarka kala duwan ee ay soo martay Misaaniyad da Sanadka 2017, taas oo aad uga duwan habraacii loo qoondeeyey in ay ku socoto miisaaniyadda dowladda.

"Misaaniyadu waxa ay ka turjumaysaa waxa ay dowladdu qaban karto iyo qaab ka ay u qabanayso. Habraaca miisaaniya da dal loo samaynayo waxaa ugu horeyn in la isu keenaa baahiyaha dalka horyaala sanadkaas, markaas ayaa la yiraahdaa mi saaniyada nagu filan sanadkaan waa inta as. lakiin inaga xaalka dalkeena ku sugan yahay hadeer arinku saas waa ka duwan yahay sababtoo ah waxa na soo gala ay aa aad u yar, waana dakhli kooban waxa soo gala dowladda, isku celcelis bishii wa xaa u soo xarooda 11 milyan, waxaan u baahanahy bil kasta 17 milyan si aan misa aniayda yare ee noo qoondaysan aan u daboolno” ayuu yiri Wasiir Bayle,

Wasiirka oo sii hadlayey ayaa sheegay "Miisaanyidii sanadkaan bartankiisa ayaan ku jirnaa, sanadkan wuxuu ahaa mid dowl ad cusub timid, qorshahana wuxuu ahaa in sanadkii hore aakhirkiisa la ansaxiyo, tani waa ka duwnayd oo laba dowaladood ayaa kala wareegayey.

Qanuunka maaliyaddu waaxaa uu she egayaa in lagu sii shaqayn karo misaaniy adii hore mudo 3 Bilood ah, waxaana hor geeynay golaha Baarlamaanka 31, March, 2017 weyna ansixiyeen si aan u isticmaa lno qoondadaan. Waxaana lagu heshiiyey in misaaniyadda inta sanadka ka dhiman aan horgayno Baarlamnaka, hadan waxa an sugaynaa furitaanka golaha shacabka maalmaha nagu soo aadan”

Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in dalka u baahan yahay soo celintii Astaan ka Qaranka oo ahayd lacagta Shilin Soom aaliga ah, samaynta lacagtaasna waxaa ay qayb ka tahay shuruudaha ay IMF ku xi rtay sidii Soomaaliya daynta looga cafin lahaa, waxaana laga rajo qabaa in lagu gu ulaysto dhamaadka sanakdaan in dib loo soo daabaco lacago shilin Soomaali ah oo cusub.

"Daymaha faraha badan ee nalagu lee yahay waa kuwo naga hortaagan inaan dib u dhis ku samayno kaabayaasha dha qaalaha dalka, waxaan hdada ku guda jir naa tirkoobka daymahaas, horaanta bishii June ayaan kala saxiixanay IMF qaabkii nalooga cafin lahaa daymahaas” ayuu yiri Wasiir Bayle

Ugu danbayntii Wasiirka ayaa ka warbi xiyey shirk ka dhacay dalka Isutaga Imar aatka Carabta bartamaha bishii hore kaas oo looga hadlayey nidaamka xawaalada ha dalku ku shaqeeyaan. "Lacago faro ba dan ayaa xawaalad ahaan lagu keenaa dalka, waxyna badankoodu ka yimaadaan dibadahawaan nolosha shacabka Sooma aliyeed, waxaana hadda qarka u saaran yihiin in la joojiyo, waxaana adduunku ka soo horjeedaa qaabka lacagtaas ku bax do, waxaana loo baahan yahay in helo qa ab lagu ogaan karo ilaa qofka u danbeeya ee lacagtaas ay gaarto. Waxaana cid wal ba kala hadalanay in lacagaahaas aan la jarin, waana lagama maarmaan ah in dad ka laga rabaa qof kasta inuu samaysto aqoonsi uu lacagta ku qaato, waana arin socoto qaabkii loo wajihi lahaa” ayuu yiri Wasiirku

DAD BADAN OO SOOMAALI AH OO CUDURKA DAACUUNKA U GEERIYOOTAY

In kabdan 700 oo ruux ayaa Kaloore u gu dhimatay dalka Soomaaliya, kaas oo ah midkii ugu xumaa muddo shan sano ah sida ay sheegtay hay’adda arrimaha qax ootiga ee dalka Norway ee NRC. Hay’a ddu waxay sheegtay in Suudaan ta K/fur eedna laga soo sheegay tiro aan caadi ahayn oo daacuun uu ku dhacay.

Dadka daacuunka ugu dhimanaya So omaaliya gaar ahaan carruurta ayaa ka ba dan kuwa colaadaha ugu dhimanaya.

Suudaanta Koonfureed ayaa sidoo kale diiwan galisay 160 ruux oo u dhimatay da acuun, taas oo aan caadiyan dhicin xilliy ada aan roobabku di’in. Sannadkii hore markii uu xilligan oo kale marayay hal ru ux oo daacun u dhintay lama soo shegin.

Hay’adda Norwegian Refugee Council waxay sheegtay in colaadda ka jirta laba daas dal ay dhibaato baaxad leh u gayst een nidaamyadii caafimaadka dadwayna ha, dhanka biyaha bulshada iyo waxyaa bihii kale ee aasaasiga u ahaa nadaaf adda. Xoghayaha guud ee hay’adda NRC Jan Egeland ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka la gaarsiiyo biyo nadiif ah, adeegyada nadaafadda aasaasiga u ah iyo dawo si loo joojiyo faafitaanka cudur kan laga hortagi karo, wuxuu intaas ku daray in cuddurkan uu istaahilo in buugaa gta taariikhda uun lagu arko.

K/ WAQOOYI OO TIJAABISAY GANT AAL KALE

Kuuriyada Waqoooyi ayaa tijaabisay ga ntaal kale oo ah kuwa riddada dheer sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalalka Japan iyo Kuuriyada Koonfureed. Waqaaladda wararka ee dalka Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap oo soo xiganaysa mas’uuliyin ka tirsan milatariga kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in tijaabadaasi ay ka dha cday gobolka Woqooyiga Pyongan oo ku yaala galbeedka dalkaasi.

Telefishinka dalka Japan ee NHK News oo soo xiganaya wasaaradda gaashaan dhigga Japan ayaa sheegay in ay suurtag al tahay in gantaalkaasi uu ku dhacay biya ha dhul lahaanshihiisu uu sheegto dalka Japan. Mas’uul ka tirsan dowladda Japan ay aa warbaahinta u sheegay in gantaal kaasi uu socday muddo 40 daqiiqo ah, is la mark aan ay suurtagal tahay in uu ku dhacay badda Japan. K/Woqooyi ayaa bili hii ugu dambeeyay dardar gelinaysay tijaa bada gantalada iyo hubkeeda niyuklerka.

Wax yar uun ka hor inta K/woqooyi aysan ridin gantaalkaasi tijaabada ah ayaa saf iirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Mido obey waxa uu ka dhigay cawaaqib xumo masiibo ay ka dhalan karto haddii aanan la dejin oo aan la qaboojin xiisadda u dha xeysa quwadaha caalamka iyo waddanka kuuriyada woqooyi. Tijaabada gantaalka ay haatan tijaabi say xukuumadda Pynog yang ayaa ku soo beegmeyso maalin uun kaddib markii mad axweynaha Mareykan ka Donald Trump uu qadka taleefoonka kula hadlay ra’iisalwas aaraha Japaan Shi nzo Abe iyo madaxwe ynaha Shiinaha, wa xa ayna ka wada had leen arrinta k/W/yi.

Shirkadda DP WORLD oo Bilaabaysa howlaha Dekeda M/Boosaaso

Shirkadda DP WORLD ee laga leeya hay dalka Imaaraatka Carabta, ayaa dhow aan si rasmi ah u bilaabaysa howlaha bal aarinta Dekeda M/Boosaaso ee G/Bari.

Wasiir ku xigeenkii hore ee W/ Maaliyad da Puntland Axmed Yaasiin Saalax, ayaa sheegay in lacag dhan Toban Milyan oo Doolar ay shirkadu soo gaarsiiyay Punt land, Lacagta ayaa wuxuu sheegay in 5 Milyan oo ka mid ah lagu bannayn doono Waddooyinkagala Dekeda, halka laba Mil yan iyo bar lagu kaabay dhismaha garoon ka Garowe, waxaa sido kale Hal Milyan la gu kaabay dhismaha Waddada isku xirta Ceeldaahir iyo Ceerigaabo.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenkii hore ee W/Maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin Saalax, ayaa sheegay in balantu ay ahayd in muddo 90 Cisho ah ay shirkaddu ka shaqo bilowdo Dekedda, balse uu waqtigu kuso beegmay Bil Ramadaan, wuxuuna xusay in sida ballantu ay tahay ay shaqa da Dekedu bilaaban doonto bishan ama bilowga bisha soo socota.

Waxaa ku baxaya dhismaha Wajiga 1aad ee ballaarinta Dekeda M/Boosaaso la cag dhan 200 oo Milyan doo doolar, wa xaana loo dhisi doona si casri ah.

SHARIIF XASAN OO KA HADLAY XAYIRAA DA LAGA QAADAY ABUU MANSUUR IYO XAALADIISA

Madaxweynaha M/KG Md.Shariif Xas an Sh.Aadan ayaa soo dhoweeyay xayir aada laga qaaday Sh.Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, ka dib markii bishii la soo dhaafay uu Mareykanka ka saaray liiska Argagixisada ee shaqsiyaadka aadka loo doon doonayo. Shariif Xasan oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa ku tilmaamay tallaabada xayiraada looga qaaday inay wax weyn ka bedeli doonto xasilooni, nab ad ku soo dabaalida deegaanada Koofur Galbeed, isla markaana jidadka xiran ay furmi doonaan, isu socodkana uu soo laab an doono.

Waxaa uu ugu baaqay dowladda Soo maaliya inay soo dhoweyso Abuu Mansu ur, lana xiriiraan, isagoo ugu baaqay inuu dowladda la shaqeeyo, isla markaana uu qaato tallaabada ugu wanaagsan oo dadki Isa, dalkiisa, dowladnimadeeda uu qaato ka rajeyneynaa.

"Mar haddii xayiraada laga qaaday in do wladda uu u tago wax dhibaato ay leedah ay ma lahan, dalka DFS u talisa, dalka wa a dalkiisa, meel walba waa u gudbi karaa, meeshaan wuu joogi karaa, wixii dowlad da la garato baa la sameynayaa,”ayuu yiri Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Mar la weydiiyay kaalinta maamulkiisa ka qaadan karo, haddii Qatar ay soo waj ahdo Abuu Mansuur ama AlShabaab we eraraan, ayuu sheegay in uusan aamins aneyn in AlShabaab ay weerari karaan, maadaama uu deegaanadiisa ku sugan yahay. "ShMukhtaar oo jooga goboladan, in kooxdaas wax ka qaadi karaan uma maleynayo, haddii wax nooga baahdo waa kaalmeyn doonaa, waxaa aaminsana hay inuu isaga filan yahay oo aan lagu we erari karin goboladan”ayuu yiri Madax weynaha Koofur Galbeed

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in isa ga uu maqnaa, markii xayiraada laga qa adayay, isla markaana wixii hadda ka dam beeya uu dar dar gelin doono, sidii inta dhi man loo dhameystiri lahaa, isagana uu la xiriiri doono sida uu hadalka u dhigay.

MAXKAMADD KU TAALA MAREYKANKA OO XUKUN KU RIDAY MUWAADIN SOMALIYEED

Maxkamad ku taala dalka mareykanka ayaa xukun xabsi oo gaaraya 2.5 ku riday Cabdirizaq moxamed warsame oo ah mu waadin soomaaliyeed oo ku dhashay da lka mareykanka oo 22 jir ah waxaaana la gu eedeeyay inuu gacan ku siiyay labo ka mid ah saaxiibadiisa inay ku biiraan dagaa lyanada lamagac baxay qilaafada islaami ga ee daacish gaar ahaan kuwa ka dagaa lama dalka Syria iyo in sidoo kale isaga qudhiisa uu qorsheeyay in uu aado dalka Syria.

Muwaadinkan soomaaliyeed ayaa qirt ay dhamaan eedaha maxkmadu ay u hey satay isagoo sharaxaad ka bixiyay sida ay ugu biiriyeen kooxda daacish ayaa waxa uu tilmaamay in internetka kuwada xiriira yeen waxaana 11 kamid ah dhallinyarada soomaaliyeed ee ku nool gobalka Minnes ota oo ah halka ugu badan ee qaxootiga soomaaliyeed ay ku noolyihiin uu sheegay in dhalinyaradaasi loo carbinayay ku bii rista kooxdaasi.

Mar wax laga weydiiyiyay in dagaalyan ahada daacish ee Syria uu ku biiri rabay ayaa waxa uu yiri” haa wan doonayay in aan kamid noqdo si aan ugu qeyb qaato ho wlaha ay qabtaan” Sanadii 2014 abri ziq warsame ayaa yuusuf jaamac iyo cab di nuur oo kamid ahaa asxaabtiisa waxa uu u sahlay helitaanka passaporada isaga oo ku xeray shaqsiyaad turkiga ku sugan si ay ugu sii gudbiyaan kooxda ISIL ee da lka Syria ka dagaalanta.

2aasi dhallinyaro ayaa ku dhintay dagaala da ka soconaya dalka Syria waxaana m uwaadinkan soomaaliyeed mar uu ku war eeray wareesiga xeer beegtada federalka maxkamad ku taala dalka mareykanka ay la yeesheen ayaa waxa uu sheegay in uu mas’uul ka yahay dhimashada saaxiibadi is oo ka dib markii ay kamid noqdeen da gaalamaayasha ISIL ee dalka Syria.

3 QOF OO KU DHAAWACANTAY XABBADDO KA DHACAY MALMÖ SWEDEN

Warar naga soo gaaray deegaanka Holma oo ku taala k/Magaaladda Malmö ka dib markii halkaasi laga soo sheegay xabaddo la is weeydaarsaday. 3ruux ayaa la runsan yahay ineey ku dhaacwameen tacshiirad ahaas, halka mid ka mid ah uu yahay dhaawac halis ah.

Boolisku waxaa ay sheegeen in saaca da 8:07 daqiiqoahyed (20.07), ay dad ba dan la soo xirriireen iyadoo u sheegay in dukaan ku yaala wadada Hyacingatan uu ka dhacay xabado la isku furay islamarka asina loo diray dhowr aambalaas oo gurm adka deg dega ah. Booliska ayaa sidoo kale ku raad joogo dhugdhugleey (mooto) si xowli ah meesha uga baxsatay sida ay dad goob joogeyaal ah u sheegeen boolis ka.

Dhacdadaan Malmö ka dhacday ayaa argagaax gelisay dadka deegaanka oo weli qaarkood dhagahooda ka guuxayaan falalkii ugu dambeeyey ee halkaasi ka dha ca.Mudooyinkii ugu dambeeyey ayaa M/ Malmö waxaa laga soo sheegayey xaba do ay oodda iskaga qaadaan kooxaha fal dmbiyeeda gala ee qaarkood dagaal xun ka dhaxeeyo iyo is ugaarsi. Somaliska.com.

MAREYKANKA OO XAQIIJIYAY INAY QAAD EEN DUQEYN KA DHAN AH ALSHABAAB

Mareykanka ayaa xaqiijiyay inay qaade en weerar cirka ah ah oo ka dhan ah AlShabaab, Axaddii iyadoo ay aad u yar ta hay faah faahinta buuxda ee laga heli ka ro duqeyntaas. Saraakiil maxali ah iyo dad ka deegaanka ayaa xaqiijiyay in diyaarado dagaal ay duq eeyeen kolonyo mareysay meel ku dhow deega anka Kuunyo Barow ee Gobol ka Shabeellaha Hoose.

Pentagonka Mareykanka ayaa sheeg ay in duqeynta ay dhacday Axadii ayna darsayaan xaalada Warar kala duwan ay aa ka soo baxaya duqeynta oo la sheega yo in lala beegsaday Sarkaal ka tirsan AlShabaab oo aan wali magaciisa la shee gin.

Inta badan Mareykanka kama hordha co weerarada duqeymaha ee ay ka fuliya an Soomaaliya, illaa ay ka soo bandhig ay aan faah faahin rasmi ah, sida horay u dhac day. AlShabaab ayaa wali ka hadlin duqeynta ka dhacday aagga K/ Barow oo ah deegaan ay aad ugu xooggan yihiin.

Mareykanka ayaa horay duqeymo uu ka fuliyay Soomaaliya ku dilay Saraakiil ka tirsan AlShabaab, waxaa ka mid ahaa Hoggaamiyihii hore Axmed Godane oo la dilay 2014 duqeyn ka dhacday meel ku dhow Baraawe.

KHASAARAHA KA DHASHAY DAGAALKA KA DHACAY GEDO

Warar dheeraad ah ayaa ka soo bax aya Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciida mada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helayay Ciidanka AMISOM iyo Shabaab, kaasi oo ka dhacay duleedka Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa barqanimadii shalay ka qarxay Degaanka Birta Dheer oo 11KM u jira M/Garbahaarey, ka dib mar kii ay Sha baabku soo weerareen Ciidanka Xoogga Dalka, oo waddada ka saaraayay Miinoo yin ay Shabaabka ku aaseen.

Taliyaha Guutada 9aad ee Qaybta 60aad ee XDS Maxamed Caddow Cali (San ka), ayaa horkacayay Ciidankii goobtaasi u tagey inay Miinooyinka ka saaraan, bal se uu weerarku qabsaday.

Sarkaalasi ayaa warbaahinta Risaala u sheegay in Ciidanka xoogga dalka ay iska difaaceen Shabaabkii weerarka soo qaad ay. Sidoo kale sarkaalkan ayaa inoo shee gay Dagaalkaasi inay ku dileen 2 Dagaa lyahan oo Shabaab ka tirsan, maadaama markii horeba ay ku tala galeen inuu wee rar qabsan karo sidiu hadalka u yiri.

Warar kale oo madax bannaan ayaa sheegaya in khasaare kala duwan uu soo kala gaaray 2da dhinac ee halkaasi ku dagaalamay, maadaama Dagaalka uu ah aa mid aad u culus.


KHEYRE: "WAXAAN KU GUULEEYSANAY IN ITOOBIYA NAGU SOO WAREEJISO 120 MAXAABIIS AH”

Md,Xasan Cali Kheyre {R/W DFS}, oo had da ku sugan M/AddisAbaba ee Dalka Ito obiya, ayaa sheegay inay ku guuleeyst een in Itoobiya ay kasoo daayaan 120 Maxaabiis Soomaaliyeed ah.

Qoraal lasoo dhigay barta uu Twitterka ku leeyahay R/wasaare Kheyre, ayaa lagu xaqiijiyay warkan. "”Waxaan ku guuleysa nay inay Itoobiya nagu warejiso 120 Max abiis Soomaali ah iyadoo fulinaysa heshiis kii ay Soomaaliya la gashay”Waxaan ku guuleysanay inay Itoobiya nagu warejiso 120 Maxabiis Soomaali ah iyadoo fulinay sa heshiiskii ay Soomaaliya la gashay Soomaaliya”

— SomaliPM (@SomaliPM) July 3, 2017

Maxaabiistan ay Itoobiya kusoo ware ejisay Soomaaliya, ayaa waxaa kamid ah wariyaha caanka ah ee Boqorka Bartama ha, kaasoo horay loogu xukumay Xabsi mudo dheer ah. Tallaabada ay qaaday Doowlada Soomaaliya ayaa waxaa si aad ah u soo dhaweeyay dhammaan shacab ka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ehelada Maxaabiista, waxaana lagu wadaa in maa lmaha soo aadan loo soo duuliyo magaal ada Muqdisho.

WIIL SOOMAALIYEED OO LAGU DILAY LO NDON

wararka ka imaanaya M/London ee dal ka Ingariiska ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo Gaangiistarro ah ay tooreey ku dil een Wiil Soomaal iyeed oo lagu magacaa bo Mahad Cali oo 18 jir ahaa . Wiilkaan Soomaaliyeed ayaa la sheegay inuu u dhi ntay Dhaawac kas oo gaaray Weerar Koo xahaasi ay ku soo qaadeen goob ay ku sugnaayeen dad ka badan 200 oo ruux.

Ciidamada Booliska Magaalada Lond on ayaa waxa ay sheegeen in ay wadda an Baaritaano ku aaddan dilka loo geyst ay Mahad. Mahad ayaa la sheegay inu ka mid ahaa Kooxaha Feerka Cayaarta W/ M/ London iyadoo ay Soomaalida kunool M/London ay aad uga naxeen Geerida Mahad

MADAXWEYNE FARMAAJO OO MAALM AHA SOO SOCDA KU WAJAHAN PUNTLAND

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C//hi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu ma almaha soo socda safar ku tago M/Garo we ee xarunta maamul goboleedka Punt land iyo deegaanada kale ee maamulkaas hoosyimaada, iyadoo booqashadan qeyb ka tahay safarro uu ku kala bixinayo xar umaha maamul goboleedyada.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrim aha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiis iinta Cabdi Faarax Juxa ayaa safar ku mar aya deegaanada Puntland, isagoo sheeg ay in safarkiisa uu gogol xaar u yahay bo oqasho la filayo in Madaxweynaha uu maalmaha soo socda ku tago.

Wasiir Juxa ayaa shalay gaaray M/Boo saaso, halkaasoo si weyn loogu soo dhow eeyay, waxaa uu horay u soo maray Gaal kacyo, Garowe, Qardho iyo deegaanada kale ee Puntland ka tirsan.

"Safarkeyga wuxuu horu dhac u yahay booqasho uu Madaxweynaha DFS Md.Ma xamed C/hi Farmaajo uu ku imaan doono deegaanada Puntland, haddii alle idmo, waxaan idinka codsanayaa inaad u diyaar garowdaan soo dhoweynta Madaxweynah a”ayuu yiri Wasiir Juxa.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Far maajo iyo wafdigiisa ay safar dhulka ah ku mari doonaan deegaanada Puntland, si ay ugu kuur galaan xaalada nabadgelyo ee deegaanada ka jirta. Madaxweyne Farm aajo ayaa horay booqasho ugu tagay xar umaha maamul goboleedyada Koofur Ga lbeed, Galmudug iyo Jubbaland, iyadoo safarkii ugu dambeeyay uu ku tagay magaalada Kismaayo, halkaasoo habeen uu ku hoyday.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ku taga yo Puntland ayaa noqonaya tii u horeys ay, tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo doortay, iyadoo safarkan ku soo aadayo, iyadoo Madaxweynuhu dhowaan shaaca ka qaaday inay Puntland ka gacan siin do onaan dagaalka ka dhanka ah AlShab aab.

SHABAAB OO AMMARO DUL DHIGAY ODAY AASHII WARSHUBO AY KA AFDUUBTEEN

Xoogagga Shabaab ayaa ammaro dul dhigay Odayaashii ay ka afduubteen deeg aanka Warshubo oo ka tirsan G/Mudug, Odayaashaasi oo la geeyay M/Xarar dhe ere ee isla Gobolkaasi. Amarka Shabaab ay dul dhigeen Odayaashaan ayaa waxa uu ahaa in muddo 4 bil gudahooda ah ay ku keenaan dhallinyaro lagu biiriyo Shaba ab, si ay uga qayb qaataan dagaalka Sha baab ay kula jiraan Dowladda Somaliya iyo ciidanka Amisom.

Nin ka gaabsaday magaciisa in la ade egsado, ayaa u sheegay Warbaahinta am markaasi inay u sheegeen Shabaabka Od ayaashaasi oo ku xiran M/Xarardheere.

Waxa uu tilmaamay in weli aanan la soo daynin Odayaasha oo ay u xiran yihiin Uru rka Shabaab laakiin kaliya loo sheegay in muddo afar bil gudah ood ah laga doonaa yo dhallinyaro badan oo lagu biiriyo Shab aab, haddii ari ntaasi ay sameyn waayaan tallaabo laga qaadi doono.

Sabtidii ayeey aheyd markii Odayaa shaan Shabaabka ay ka xir xireen deega anka Warshubo oo dhaca duleedka Deg mada Xarardheere, ka dib markii Odayaa sha ay diideen dalab ka yimid Shabaab oo ahaa inay keenaan dhallinyaro dagaalanta iyo hub intaba.

SH.CUMAR:"WAAN KU BIIRI DO NAA SOM ALILAND HADDII SAAMI QEYB SIGA LOO SIMO BEELAHA”,

G/Baarlamaanka maamulka Khaatumo Maxamuud Sh.Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in haddii beelaha So maliland si siman loogu qeybiyo xukunka ay diyaar u yihiin iney ku biiraan maam ulkaasi. Sh.Cumar ayaa tilmaamay in sa babta keentay in wadahadalla furaan Som aliland ay tahay ka dib markii xaqii ay la haayeen ka waayeen gobollada kale ee Soomaaliya Sida Puntland.

"Waan ku biiri donnaa Somaliland haddii saami qeybsiga xukuumadda loo simo be elaha, tan kale annaga muddo badan ba an halgan wadnay, Federaalkiina namuu san aqoonsan, dadka Khaatumo waa ay waayeen xuquuqdii ay lahaayeen,” ayuu yiri Maxamuud Sheekh Cumar.

2da Maamul ee Khaatumo iyo Somalila nd waxaa u socda wadahadal ay ku doon ayaan in 2da dhinac ay kumidoobaan sida ku cad heshiis dhowaan ay ku kala saxiixd een M/Hargeysa ee Caasimaddda maamu lka Somaliland, dhawaana waxaa lagu bal lansan yahay kulan ka dhaca M/Burco.

GANACSIGA M/BELEDWEYN OO SHALAY LA XIRAY IYO BANNAAN BAXRABSHADO WATA..

Waxaa shalay gebi ahaanba xiran ga nacsigii M/Beledweyn, iyadoo uu jahwar eer ka taagan yahay isticmaalka lacagaha shiling Soomaaliga oo la diiday in la qa ato. Bannaan bax rabshado wata ayaa shalay ka dhacay Magaaladaas, kaasoo looga soo horjeedo diidmada lacagaha shi ling Soomaaliga, iyadoo dadka ka caban ayaan lacagaha la diiday iyo xay iraada ganacsi ee ka jirta magaalada.

Maamulka M/Beledweyn ayaa ku am ray ganacsatada inay fura an goobahooda ganacsi, isla marka ana ay qaataan laca gaha shiling Soomaaliga. Hase ahaatee Ganacsatada ayaa diiday qaadashada lac agta shil ing Soomaaliga oo ay sheegeen in lac ago been abuur ah ku jiraan.

AlShabaab ayaa deegaanada ay kaga sugan yihiin G/Hiiraan ka mamnuucay lac agaha shiling Soomaaliga, iyadoo taas ay sabab u tahay in ganacsiga Beledweyn uu xan ibmo.

Ganacsiga Magaalada ayaa ku xiran deegaanada Shabaabka maamul aan oo laga keeno qudaarta, xoolaha, isla mark aana ay soo maraan gaadiid ka ganacsi ee ka yimaada G/ Dhexe iyo Puntland.

Xirnaanshaha Ganacsiga ayaa saam eyn ku yeelatay dadka dan yarta ah ee ka xamaasha magaalada, iyadoo arrinta laya abka leh ay tahay, in adigoo heysta laca go shiling Soomaali ah aanay waxba ku iibsan karin. Ganacsatada ayaa ogol kali ya inay qaataan lacagaha dollarka, waxa ana sar u kac ku yimidsarifka&macishad .

R.W KU XIGEENKA "SI CADAALAD AH AYAA LOO QEYBIN DOONAA GARGAARKA”

R/Wku xigeenka DFS Md.Mahdi Max amed Guuleed, W/Masaaradda Cadaalad da, Wasiir ku xigeenka W/Gargaarka iyo sidoo kale Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ayaa shalay Booqday Dekedda weyn ee Muqdisho, halkaasi oo ay ku jir aan gargaar dowladda Turkiga ay ugu dee qday Shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo sidoo kale Mas’uuliyiintii dowladda ee goobta tagay oo si wadajir ah Saxaafadda ula hadlay waxa ay sheegeen in dhawaan la qeybin doono deeqdaasi gargaarka ah ee dowladda Turkiga ay ugu deeqday Shacabka Soomaaliyeed.

Sh.Nuur Baaruud Gurxan Guddoomiya ha Guddiga Abaaraha oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in deeqdaa si dhawaan la bilaabi doono qeybinteeda, islamarkaana si wadajir ay bulshada Soo maaliyeed u gaarsiin doonaan Guddiga Gurmadka Abaaraha iyo sidoo kale Wasa aradda Gargaarka Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Garga arka Cilmi Cumar Ceysane ayaa dhanki isa sheegay in deeqdaasi sidii loogu tala galay loo qeybin doono, isagoona sheeg ay in Hay’adda Bisha Cas ee dalka Turk iga ay deeqdaasi kala wareegeen, waxaa na uu sheegay Madaxda dowladda ay la socon doonaan sida deeqdaasi loo qeyb iyo.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda So omaaliya Xuseen Xasan ayaa sheegay in ay la xisaabtami doonaan Guddiga loo xils aaray qeybinta gargaarka, hadii ay si cad aalad ah u bixin waayaan. Ugu dambeyntii R/Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya sameyn doonto Keydadka Biyaha si looga baxo Ab aaraha ka jira Soomaaliya, wuxuuna tilm aamay gargaarkan ka yimid Dowladda Tu rkiga in si cadaalad ah loogu qeybin do ono shacabka dhibaateysan.

SOMALILAND IYO IMAARAAD KA CARABTA OO HESHIIS KALA SAXIIXDAY

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyo Xub no Xukuumaddiisa ka tirsan oo Wasiirro ah ayaa dhawaan gaaray dal ka Isu­tagga Imaaraadka Carabta, wax ayna heshiiska la galeen madaxda dalkaas. Heshiiska la saxiixay aya u badan kuwa Mashaariic ah.

Heshiiskaas waxa lagu sheegay War ­Sa xaafadeed uu ku Saxeexnaa Af hayeenka Madaxtooyada Somaliland oo naga soo gaaray Xafiiska War ba ahinta u qaabbil san Madaxtooy ada.

"Xukuumadda JSnd iyo dawladda Imaa raadka car abta oo kale saxeexday heshii ska taar iikhi ah oo lagu fulin doono mash aariic horumarineed oo ay Somaliland ka ful lin doonto dawladda Imaaraadka car abtu qaybo ka mida Somaliland.

Mashaariicdaasi oo ay ka mid yih iin wa ddada marinka ganacsi ee is ku xidhi doo nta Magaalo marseedka Ber bera iyo Dal ka Itoobiya (Berbera Cor ridor) iyo dhism aha madaar cusub oo ay yeelan doonto caasimada gobolka saaxil ee berbera.

Heshiiskan ayaa noqon doona mid wa xweyn ka tari doona kaabayasha dhaqaa le ee Jamhuuriyadda Somali land isla mar kaana kor u qaadidoona isticmaalka dek adda Berbera iyo ganacsiga soo jireenka ah ee ka dhex eeya labada dawladood ee Itoobiya iyo Somaliland, sidoo kalena hor seedi doona shaqo abuur.

Waxaana heshiiskan Somaliland u sax eexay Wasiirka arrimaha dibedda Somalil and Dr. Sacad Cali Shire, iyadoo ay goob joog ahaayeen dham aan Wasiirradii haw laha shaqo u joog ay maalmahan halkaa s.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Mada xtooyada Somaliland ka soo baxay.

Dekedda Berbera lagu wareejiyey mu ddada 30­ka sano ah ee Somaliland iyo Shirkadda DP World dhex­maray sanna dkii hore.Mashaariicda ay kala saxeexde en Shalay Somaliland iyo Imaaraadka Car abtu, waxaa ka mid ah Dhismaha Wadda da Berbera iyo Waj aale isku xidhi doonta, dhismaha Ma daar cusub oo Imaaraadku ka hirgeliyo Berbera oo isaguna qayb ka ahaa He shiiskii Saldhigga Millateri Mada ar ka Berbera iyo DhulXeebeedka ku bee gan ee dhinaca Badda Somaliland ku sii say Dawladdaas.

XULAFADA SACUUDIGA OO MUDDO 48SAAC U KORDHIYAY QATAR INAY KU AQBASHO DALABKOODA

Xulafada uu hoggaamiyo Sacuudiga ay aa muddo 48 saac u qabtay dowladda Qat ar inay ku aqbasho dalabkoodii ka koob naa 13 qodob, ka dib markii ay dhamaat ay 10 maalmood oo ay horay ugu qabt een. Dowladda Kuwait oo dhex dhexaad ineysa Xulafada Sacuudiga iyo Qatar ay aa dalbatay in waqti dheeraad ah lagu da ro, ka hor inta uusan dhicin waqtigii horay loogu qabtay ee 10ka maalmood ahaa.

Bayaan ay si wada jir ah usoo saareen Kuwait iyo Sacuudiga ayay ku sheegeen in waqtiga loo kordhiyey Qatar. Sacuudi ga, Imaaraadka, Bahrain iyo Masar ayaa shantii June xiriirka u jaray Qatar, iyaga oo ku eedeeyey inay taageerto argagixis ada, isla markaana xulufo la tahay Iran.

Dowladda Qatar ayaa gebi ahaanba beeni say eedeymaha loo soo jeediyay, waxay na ku sheegtay kuwo aan sal laheyn.

Shuruudaha ay hor dhigeen Sacuudi ga, Bahrain, Imaaraadka Carabta iyo Mas ar ayaa waxaa ka mid ahaa inay Qatar xir iirka u jarto Iran, ayna xirto Telefishinka Al Jazeera iyo Telefishinada kale ee hoos yimaada.

Shuruudaha oo ka koobnaa 13 qodob ayaa waxaa ku jiray in Qatar ay xirto sal dhiga milateri ee Turkiga, isla markaana ay meesha ka saarto Ciidamada Turkiga ee ku sugan dalkaas. Qatar ayaa gebi aha anba ku gacan sertay dalabkan, waxaana ay ku tilmaamtay kuwo aan caqli gal aheyn. Xulafada Sacuudiga ayaa xayiraad ganacsi iyo mid diblomaasiyadeed ku soo rogtay dalka yar ee ku yaalla Gacanka Khaliijka, waxaana haatan bil ka soo ware egatay markii ay ka dhex qaraxday dalalk an Carbeed xiisada diblomaasiyadeed

CIIDAMADA AMMAANKA OO SOO BAN DHIG AY NIN BAM KU TUURAY SUUQA BAKAARAHA

Hey’addaha Ammaanka Soomaaliya ayaa soo bandhigay nin la sheegay inuu shalay gelinkii dambe uu Bam Gacmeed ku tuuray Suu qa Bakaaraha, goob ay ku sugnaaye en Ciidamada amniga.

Afhayeenka W/Amniga Axmed Carab ayaa oo Xalay saxaafada kula hadlay xaru nta dambi baarista ee CID ayaa sheegay in ciida mada booliska ay ku guuleystaan inay ninkan gacanta ku soo dhigaan.

Waxaa uu sheegay in ninkan uu ka mid yahay AlShabaab, waxaa uu sheegay in cid kasta oo falalka amniga lid ku ah la soo qaban doono, sharcigana la horgeyn doono. Ninka la soo qabtay ayaa magaci isa lagu sheegay Xasan Axmed Cismaan, kaasoo lagu soo qabtay howl gal laga sa meeyay gudaha Suuqa Bakaaraha.

Axmed Carab ayaa sheegay in ninkan lagu sameeyay baaritaan, laguna arkay gacantiisa astaamo cadeynaya bamkii uu ku tuuray suuqa bakaaraha. Labo ruux ay aa ku geeriyooday, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen bam gacmeedkii shalay lagu tuuray suuqa bakaaraha

Sida afhayeenku shegay hase yeeshee waxaa warar kalena ay sheegayaan in dad dhaawac ah la geeyey cisbitaalada m.muqdisho

JABUUTI OO CODSATAY IN GOOB JOOGAYAAL LOO DIRO XUDUUDA ERITREA AY WADAAGAAN

Dowladda Jabuuti ayaa ka codsatay Midowga Afrika in goob joogayaal caalami u diraan xuduuda ay wadaagaan iyaga iyo Eritrea, halkaasoo uu ka jiro muran u dhax eeya labada dal.

Jabuuti ayaa dhowaan ku eedeysay Erit rea inay qabsatay dhulka buuraleyda du meria ee ku yaala xuduuda labada dal ay wadaagaan, kaddib markii ay isaga bax een Ciidamadii nabad ilaalinta ee ka soc day Qatar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Ma xamuud Cali Yuusuf ayaa u sheegay Wak aalada wararka ee Reuters in Midowga Afrika ka dalbadeen in guddi xaqiiq raadin loo diro, isla markaana la buuxiyo kaalintii Qatar baneysay.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cum ar Geelle ayaa ka qeyb galaya shir madax eedka Midowga Afrika oo shalay ka fur may Addis Ababa, waxaana uu hordhigi doonaa sidii guddi kormeera xuduuda loogu diri lahaa.

Qatar ayaa ciidamadeeda kala baxday xuduuda labada dal u dhaxeya, kaddib markii Jabuuti iyo Eritrea ay taageereen xulafada uu hoggaamiyo Sacuudiga.

Arrintan ayaa keentay inuu dib u soo cub oonaado xiisada u dhaxeysa dalalka Jab uuti iyo Eritrea oo sanadkii 2008dii ku dagaalamay xuduuda labada dal ay wad aagaan.Golaha Ammaanka ee Q/M ayaa 2da dal ugu baaqay inay xaalada dejiy aan, isla markaana wax wal ba lagu dha meeyo wada xaajood iyo is faham.

UGAAS MAXAMED WELI OO SOO JEEDIYEY IN FURSAD LABA SANNO AH LA SIIYO DOWLADDA FEDERAALKA

"Haddii uu wax qaban waayo Madaxwe yne Farmaajo Labadaas Sanno waxaan siinayaa Dardaarankii Xasan Shiikh Max amud ee uu Kursiga ku Waayey”

Ugaas Maxamed Weli Shiikh Axmed oo ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka Soomaa liyeed ayaa wax ka weydiiney Mowqifkiisa ku aadan Khilaafka soo kala dhex galey Dowladaha Khaliijka waxaana mar uu ka hadlayey arrintaa uu yiri "Waxaan u Ma had clinayaa Mowqifka Wanaagsan ee ay Dowlada ka istaagtey Khilaafka ama mur an Dowlaha Khaliijka taasina waxay keentey in Umadda Soomaaliyeed ku Qan acdo soona dhaweyso, sidaa darteed Dal ka uma baahna Dhaqaale Shisheeye ee waxaa uu u baahan yahay Hogaan Wan aagsan”.

Ugaas Maxamed Weli Shiikh Axmed waxaan Weydiiney sida uu u arko DFS ee uu Hogaamiyo Madax weyna Maxamed C/hi Farmaajo waxaana isagoo Su’aasha as ka jawaab aya yiri " Waxaan ugu baa qayaa Dowlada inay ka dhabeyso waxya abihii lagu doort ey oo ahaa in ay wax ka qabato Fargelinta Shisheeye gaar ahaan kuwa Deriska ah , Amniga, Musuqmaasu qa iyo Qabyaalada sidaa darteed aniga waxaan Siinayaa Do wladda Fursad labo Sanno ah in ay wax ka qabto arimahaas, hadii ay wax ka qab ato Taageeradeyda waa sii soconeysaa , laakiin hadii ay Wax ka qaban weydo halkaa baan uga harayaa waxaana sii nayaa mid la mid ah Dardaarankii Xasan Shiikh Maxamuud ee uu kursiga ku waa yey.

Ugaas Maxamed Weli waxaa uu ka codsadey Shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan Taageerida Dowlada Federa alka sidoo kale hadii ay wax qaban weydo Shacabka waxaan leeyahay mar kale aan u Midowno sidii aan isku dhaafin lahayn.

Ugu Dambeyn mar uu ka hadlayey Ugaas Maxamed Weli arrimaha Garsoorka wa xaa uu u mahadceliyey Dowlada Federaal ka markii ay u u qabatey Gudi Garsoor Maxaabiista ku jirta Xabsiga Dhexe, sidoo kale waxa uu Madaxweynaha Dowlada Federaalka u soo jeediyey in Garsoorka Soomaaliya uu ku jiro Muqdi sidaa Dar teed Madaxweyne adiga ayaa lagu weyd iin doonaa adduun iyo Aakhira hadii aad an wax ka qaban Garsoorka Dalka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

EMail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

FAAHFAAHIN SARKAAL KA TIRSAN ALSHAB AAB OO LAGU DILAY SHABEELAHA HOOSE

Sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab ay aa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhac day duleedka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha hoose, sida masu uliyiin ay xaqiijiyeen. gudoomiye ku xigeen ka dhanka ammaanka Degmada Baraawe Bashiir Maxamed Yuusuf, ayaa wuxuu sheegay Sarkaalka duqeynta lala beeg sa day inuu madax ka ahaa Saraakiisha Sha baab ee Buuraha Galgala ka daga alanta.

Magaca Sarkaalkaan ayaa waxaa lagu soo koobay Dheereye, waxaana lala dilay Afar nin oo ilaalo u aheyd.

Duqeynta ayaa waxaa fuliyay diyaarad Drone ah, waxaana ay dhacday shalay ga lab sida masuuliyiinta Maamulka Degma da Baraawe ay sheegeen.

Bashiir Maxamed Yuusuf Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Baraawe ayaa sheegay duqeynta inay ka war hay een Maamulka Degmada Bara awe.

Al Shabaab ayaanan illaa hadda ka ha dlin duqeyntaan lala beegsaday Sark aal ka ka tirsanaa Al Shabaab.

15 Qof Oo Ku Dhimatay Daadad Xooggan

Inta la xaqiijiyay 15 qof ayaa ku dhima tay ka dib markii daadad xoog gan ay ku dhufteen gobolka Guangxi ee Waqooyiga dalka Shiinaha. Daadadka ayaa waxaa sa babay roobab xooggan oo dhowrkii Maa lmo od ee lasoo dhaafay ka da’aayay go bolkaasi.

Gudoomiyha gobolka Guangxi ay aa Wakaalada Wararka Xinhua u shee gay in Daadadka ay la tageen dad ka badan 5 qof, 15 qofna ay dhint een, 23,000 ay ku ba akaceen.

Kooxaha Gurmadka deg deg ah ay aa ku howlan badbaadinta dad bad an oo la aaminsan yahay in ay wali ku jira an goob aha ay daadadku ku dhufteen.

GUDDOOMIYE WAAXEED XALAY LAGU DILAY MUQDISHO

Kooxo hubeysan ayaa xalay gudaha de gmada Deyniile ee gobolka Banaadir wa xa ay ku dileen Guddoomiye Waaxeed ka tirsan degamadaasi, sida ay inoo xaqiij iyeen maamulka degmada Deyniile.

Guddoomiye waaxeedka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cusmaan Ca li Wehliye, kaasi oo ahaa Guddoomiye wa axeedkii Saddexaad ee degmadaasi.

Dadka degaanka ayaa Risaala u she egay Dhalinyaro ku hubeysan Bastoolado in ay toogteen Marxuum Cusmaan, ka dibna ay goobta ka baxsadeen dilka ka dib, iyada oo daqiiqado kadib ay halkaasi soo gaareen Ciidamada ammaanka.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta ka qaaday Meydka Marxuum Cusmaan, wax aana xalay xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Deyniile ka wadaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo. Cusmaan Cali Wehliye ayaa Todobaad ka hor ka badba aday weerar Qarax loo adeegsaday, kaasi oo lagula eegtay degmada Deyniile, balse Qaraxaasi ayaa wuxuu qabsaday Mooto Bajaaj, taasi oo sababtay in ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah.

HAWEENAY LOO MAXKAMADAYNAYO IN AY JACAYLKEEDA TAHRIIB KU GALISAY BRITAIN

Haweenay horay u taageeri jirtay xi sbiga siyaasaddiisu midigta fog jiro ee Nat ional Front ee ka dhisan dalka Faransiiska ayaa maxkamad la soo taagay iyada oo loo haysto in ay gacan siisay nin ay kula kulantay xerada qaxootiga ee Calais, kaas oo ay ka caawisay in uu ka talaabo xadka si uu Britain u gaaro.

Béatrice Huret ayaa lagu soo oogay in ay gacan ka gaysatay xad ka tallaabid sha rci darro ah iyada oo doon u iibisay lama anaheeda oo lagu sheegay nin heer Iiraan ah oo magaciisa lagu sheegay Mokhtar.

Isaga iyo labo ruux oo kale ayaa ku gu ul aystay in ay ka tallaabaan gacanka Eng lish iyaga oo caawimaad ka helay iyada.

Haddii lagu helo dambigaas waxaa Hu ret lagu xukumi doonaa ilaa 10 sano oo xa bsi ah. Waxyaabaha ay maxkamaddu ka baaraan dagayso waxaa ka mid ah in Hu ret oo uu ka dhintay askari xadka ilaalin jir ay ay qayb ka tahay dad abaabulan oo

dadka tahriibiya.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip