Faahfaahin Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Shabeelaha hoose

0
Monday July 03, 2017 - 12:46:55 in Wararka by
  • Visits: 377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faahfaahin Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Shabeelaha hoose

    Sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday duleedka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha hoose, sida masuuliyiin ay xaqiijiyeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday duleedka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha hoose, sida masuuliyiin ay xaqiijiyeen.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Degmada Baraawe Bashiir Maxamed Yuusuf, ayaa wuxuu sheegay Sarkaalka duqeynta lala beegsaday inuu madax ka ahaa Saraakiisha Shabaab ee Buuraha Galgala ka dagaalanta.

Magaca Sarkaalkaan ayaa waxaa lagu soo koobay Dheereye, waxaana lala dilay Afar nin oo ilaalo u aheyd.

Duqeynta ayaa waxaa fuliyay diyaarad Drone ah, waxaana ay dhacday shalay galab sida masuuliyiinta Maamulka Degmada Baraawe ay sheegeen.

Bashiir Maxamed Yuusuf Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Baraawe ayaa sheegay duqeynta inay ka war hayeen Maamulka Degmada Baraawe.

Al Shabaab ayaanan illaa hadda ka hadlin duqeyntaan lala beegsaday Sarkaalka ka tirsanaa Al Shabaab.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip