Xubin Shabaab ka tirsan oo Muqdisho lagu soo bandhigay (SAWIRRO)

0
Monday July 03, 2017 - 12:23:53 in Wararka by
  • Visits: 494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubin Shabaab ka tirsan oo Muqdisho lagu soo bandhigay (SAWIRRO)

    Nin ka tirsan maleeshiyada Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa lagu soo bandhigay Magaalada Muqdisho, ka dib markii la sheegay in uu ka dambeeyay qarax bambaano oo gelinkii dambe ee Axadii ka dhacay Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qaybta khudaarta lagu iibiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin ka tirsan maleeshiyada Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa lagu soo bandhigay Magaalada Muqdisho, ka dib markii la sheegay in uu ka dambeeyay qarax bambaano oo gelinkii dambe ee Axadii ka dhacay Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qaybta khudaarta lagu iibiyo.

Ninkan, ayaa waxaa la sheegay in bambadaasi uu doonayay in uu ku dhibaateeyo askar ka tirsan kuwa ammaanka, oo xilligaa ku sugnaa goobtaasi, balse ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ahi.

 NinkaaAfhayeenka Wasaaradda Amniga Somaliya, Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab) oo Saxaafadda kula hadlay Xarunta Dembi Baarista (CID) oo xalay ninkaasi lagu soo bandhigay, ayaa sheegay in bambadii uu tuuray ay ku dhimatay laba qof oo rayid ah, halka saddex kalana ay ku dhaawacantay, sida uu yiri.

Hase ahaatee wararka laga helayo Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayan in gelinkii dambe ee shalay la soo gaarsiiyay meydadka afar ruux oo ku dhimatay qaraxa ka dhacay Bakaaraha.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga, ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan Xasan Axmed Cismaan, oo sida uu sheegay ka dambeeyay qaraxaasi.

Afhayeenka, ayaa Ciidamada Booliska iyo shacabkaba ku ammaanay in ay iska kaashadeen soo qabashada ninkaasi, isagoona reer Muqdisho ku ammaanay inay nabadda u hiiliyeen.

Sayid Carab, ayaa xusay in gacanta ninkaasi laga helay astaanta bambada, waxaana uu ku goodiyay in maalin kasta sidaan oo kale loo soo qaban doono xubnaha Shabaabka ka tirsan, ee xasiloonida diidan.

Ciidamada ammaanka ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa aallaaba lagu dhaliilaa in ay ku fashilmaan soo qabashada ragga Shabaabka ka tirsan, ee falalka liddiga ku ah amniga ka wada magaalada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip