Dowladda oo gacanta ku dhigtay nin bam ku dilay dad shacab ah

0
Monday July 03, 2017 - 12:12:24 in Wararka by
  • Visits: 428
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo gacanta ku dhigtay nin bam ku dilay dad shacab ah

    Dowladda Federalka Somaliya ayaa gacanta ku soo dhigtay nin shalay galab bam gacmeed ku tuuray goob ay ku badnaayeen dadka shacabka ah oo ku taallo Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federalka Somaliya ayaa gacanta ku soo dhigtay nin shalay galab bam gacmeed ku tuuray goob ay ku badnaayeen dadka shacabka ah oo ku taallo Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Ninkaan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa goobta Bambada uu ku tuuray oo aheyd Suuqa Khudaarta ee Bakaaraha, waxa uu doonaayay inuu ku dhibaateyo ciidamo ka tirsan Dowladda oo halkaasi ku sugnaa, balse dad shacab ah ayaa dhibaato ka soo gaartay.

Halwgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka ayaa lagu guulaystay in gacanta lagu soo dhigo Xasan Axmed Cismaan oo la sheegay inuu ahaa ninkii ka dambeeyay bambada la tuuray kadib markii dowladda ay ku soo bandhigtay xarunta Dambi Baarista ee C.I.D.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab) ayaa sheegay baaritaanka lagu sameeyay ninkaasi in lagu gartay astaamo muujinaya bambadii la tuuray, sidaasina lagu soo qabtay.

Qaraxii shalay ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya Afar ruux oo dhamaantood ahaa dad shacab ah oo rag iyo dumarba isugu jiray, waxaana maydkooda la geeyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxyada dhalinyarada ka tirsan Al Shabaab ay ku tuuraan goobaha ciidanka ay joogaan ayaa badanaa waxaa khasaare uu ka soo gaara dadka rayidka ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip