Shabaab oo amaro dul dhigay Odayaashii Warshubo ay ka afduubteen

0
Monday July 03, 2017 - 11:32:34 in Wararka by
  • Visits: 412
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabaab oo amaro dul dhigay Odayaashii Warshubo ay ka afduubteen

    Xoogaga Shabaab ayaa amaro dul dhigay Odayaashii ay ka afduubteen deegaanka Warshubo oo ka tirsan Gobolka Mudug, Odayaashaasi oo la geeyay Magaalada Xarardheere ee isla Gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Shabaab ayaa amaro dul dhigay Odayaashii ay ka afduubteen deegaanka Warshubo oo ka tirsan Gobolka Mudug, Odayaashaasi oo la geeyay Magaalada Xarardheere ee isla Gobolkaasi.

Amarka Shabaab ay dul dhigeen Odayaashaan ayaa waxa uu ahaa in muddo afar bil gudahooda ah ay ku keenaan dhalinyaro lagu biiriyo Shabaab, si ay uga qayb qaataan dagaalka Shabaab ay kula jiraan Dowladda Somaliya iyo ciidanka Amisom.

Nin ka gaabsaday magaciisa in la adeegsado, ayaa u sheegay Warbaahinta amarkaasi inay u sheegeen Shabaabka Odayaashaasi oo ku xiran Magaalada Xarardheere.

Waxa uu tilmaamay in weli aanan la soo daynin Odayaasha oo ay u xiran yihiin Ururka Shabaab laakiin kaliya loo sheegay in muddo afar bil gudahood ah laga doonaayo dhalinyaro badan oo lagu biiriyo Shabaab, haddii arintaasi ay sameyn waayaan tallaabo laga qaadi doono.

Sabtidii ayeey aheyd markii Odayaashaan Shabaabka ay ka xir xireen deegaanka Warshubo oo dhaca duleedka Degmada Xarardheere, kadib markii Odayaasha ay diideen dalab ka yimid Shabaab oo ahaa inay keenaan dhalinyaro dagaalanta iyo hub intaba.

Shabaabka ayaa xilliyada ay dareemaan culeesaad Militari waxa ay dadka shacabka ah ku qasbaan inay keenaan dhalinyaro iyo qarash dagaalka lagu galo intaba.

Ciidanka Xoogga dalka Somaliya iyo kuwa Amisom ayaa Gobolka Shabellaha Dhexe ka wada hawlgal ka dhan ah Ururka Al Shabaab si guud ahaan Gobolkaasi looga saaro.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip