Akhriso:-Somali-land iyo Imaaraadka Carabta oo Heshiis Kala Saxiixday+Sawirro

0
Monday July 03, 2017 - 11:41:56 in Wararka by
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:-Somali-land iyo Imaaraadka Carabta oo Heshiis Kala Saxiixday+Sawirro

    Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyo Xubno Xukuumaddiisa ka tirsan oo Wasiirro ah ayaa dhawaan gaaray dalka Isu­tagga Imaaraadka Carabta, waxayan heshiiska la galeen madaxda dalkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyo Xubno Xukuumaddiisa ka tirsan oo Wasiirro ah ayaa dhawaan gaaray dalka Isu­tagga Imaaraadka Carabta, waxayan heshiiska la galeen madaxda dalkaas.

Heshiiska la saxiixay aya u badan kkuwa Mashaariic ah.

Heshiiskaas waxa lagu sheegay War­Saxaafadeed uu ku Saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo naga soo gaadhay Xafiiska Warbaahinta u qaabbilsan Madaxtooyada.

"Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Imaaraadka carabta oo kale saxeexday heshiiska taariikhi ah oo lagu fulin doono mashaariic horumarineed oo ay Somaliland ka fullin doonto dawladda Imaaraadka carabtu qaybo ka mida Somaliland.

Mashaariicdaasi oo ay ka mid yihiin waddada marinka ganacsi ee isku xidhi doonta Magaalo marseedka Berbera iyo Dalka Itoobiya (Berbera Corridor) iyo dhismaha madaar cusub oo ay yeelan doonto caasimada gobolka saaxil ee berbera.

Heshiiskan ayaa noqon doona mid wax weyn ka tari doona kaabayasha dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana kor u qaadidoona isticmaalka dekadda Berbera iyo ganacsiga soo jireenka ah eek a dhexeeya labada dawladood ee Itoobiya iyo Somaliland, sidoo kalena hor seedi doona shaqo abuur.

Waxaana heshiiskan Somaliland u saxeexay Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, iyadoo ay goob joog ahaayeen dhamaan Wasiirradii hawlaha shaqo u joogay maalmahan halkaas.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Madaxtooyada Somaliland ka soo baxay.

Dekedda Berbera lagu wareejiyey muddada 30­ka sano ah ee Somaliland iyo Shirkadda DP World dhex­maray sannadkii hore.Mashaariicda ay kala saxeexdeen Maanta Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu, waxaa ka mid ah Dhismaha Waddada Berbera iyo Wajaale isku xidhi doonta, dhismaha Madaar cusub oo Imaaraadku ka hirgeliyo Berbera oo isaguna qayb ka ahaa Heshiiskii Saldhigga Millateri MadaarkaBerbera iyo Dhul‐Xeebeedka ku beegan ee dhinaca Badda Somaliland ku siisay Dawladdaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip