WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 3-DA LUULYO 20117-KA

0
Monday July 03, 2017 - 11:10:45 in Wararka by
  • Visits: 698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 3-DA LUULYO 20117-KA

    FARMAAJO:"QABIIL UGUMA HORTAGI KARNO DHALINYARADDA ALSHABAAB", Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ay aa ugu baaqay dhallinyradda Soomal iyeed inay Dowladda kala shaqee yaan sidii loo soo ce

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FARMAAJO:"QABIIL UGUMA HORTAGI KARNO DHALINYARADDA ALSHABAAB", Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ay aa ugu baaqay dhallinyradda Soomal iyeed inay Dowladda kala shaqee yaan sidii loo soo celin lahaa Nab adda iyo Xasiloonidii ka jirtay dalka.

Farmaajo ayaa ugu baaqay dhalin yradda Soomaliyeed in ay ku daydaan dhallinyaradii dalkaan soo gaarsiisay nabadda iyo xurnimadda kuwaasi oo xiligii ay u dagaalamay een xurnimadda aysan haysanin aq oonta ay haatan haystaan dhalli na yradda maanta joogto.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxa med (Farmaajo) ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya uu hogaami yo in dhallinyarada Soomaliyeed ay ka taageeri doonto wax walba ay u baahan yihiin, isla markaana ay me esha ka saari doonto firkaradaha qaldan ay aaminsan yihiin dagaaly ahanada Xarrakada Alshabaab.

"Dhallinyarro waxaan idin leen yahay dalkaan waxaa nabadda iyo midnnimmada soo gaarsiiyay dhall inyradda idin koo kala ah,waxaaan idin kaga fadhinnaa sidaas oo ka le, waxaa laydin ka doon ay aa in aad u istaagtaan sidii loogu adkaan lahaa dhallinayrada idinkoo kala ah ee Shabaab ka midka ah, Qabiil u guma hortagi karnno dhallinyaradda Shabaab ka midka ah”, ayuu yiri Madax weyne Farm aajo.

AL-SHABAAB OO RAG U DHASHAY DALKA INDIA KU DILAY DEGMADA JIL IB EE GOBOLKA J/DHEXE

Wararka laga helaayo Degmada Jilib ee Gobolka Ju/Dhexe ayaa sheegaya in AlShabaab gelinkii da mbe Axadd ay hal kaas ku dileen 2nin oo u dhashay dal ka India. Ra gga la dilay ayaa u dhashay India, ayaa iyagu ka mid ahaa Ajaaniibta la joogta AlShabaab,waxaana la sheegay in Shabaabka ay u qaabil sanaayeen Xariirka Caalamiga ah.

Dilka la dilay ragaan ayaa loo sa babaynayaa Khilaaf soo kala dhex galay iyaga iyo Madaxda AlSh aba ab, iya doo Khilaafka la sheegay in uu salka ku hayo in Raggaan u dha shay India ay wadeen qor she ay u gu biirayaan Kooxda isku magacoo wday Khilaafada islaamka ee Daa cish,faracooda Soom aaliya.

Dhanka kale dilka raggaan u dhashay India ayaa ka duwanaa Dil alkii ay horay u fulin jireen Al Shaba ab, wuxuuna ahaa mid si qarsoodi ah loo fuliyay sida ay noo sheegeen Dadka degaan ka Jilib ku sugan.

Xigasho: Somaliweyn.com

DOWLADDA IRAN OO DHAQAALE FARA BADAN KA HESHAY GANACSIGA AY KA WADO GUDAHA SOOMAALIYA.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ururka Ganacsiga u qaabilsan dal alka Carabta iyo Afrika dowladda Ii raan ayaa lagu sheegay inuu kor dhaydaqliga dowladda Iiraan ka soo gala Alaabaha ay u soo iib ge yso Soomaaliya.

Warbixin lagu daabacay wak aaladda Wararka ee dalka Iiraan ee IRNA ayaa lagu sheegay in dow lada Iiran Sanadkaan daqliga ka soo gala Alaabaha ay u dhoofiso Soom aaliya inuu kordhay 38% kiiba.

Dowladda Iiran ayaa la sheegay in Soomaaliya u soo dhoofiso Ala abo ay ka mid yihiin Shamiita da, Cabitaanada,Dawooyinka iyo Alaaba ha Maacuunta, mas’uuliyiin ka tirs an Wasaaradda Ganacs iga Iiran ay aa sheegay in dowladdaha Iiran iyo Soomaaliya uusan joogsan ganacsi ga ka dhaxeeyay tan iyo markii uu xumaaday xiriirka 2da dal. Iiraan ayaa sheegtay inaysan jir in waxya abo dowladda Iir aan kaga yimaada dhanka Soomaaliya ama looga soo dhoofiyo, sidoo kale Dowladda Soo maaliya ayaa xiriirka u jar tay dowl adda Iiran ka dib markii ay ku eede eysay inay Soomaaliya ka faafiso diinta Shiicadda.

MICHAEL KEATING "CAQABADAHA HO RYAALA DOWLADDA SOOMAALIYA WAX AA KOW KA AH LA DAGAALANKA ALSHABAAB IYO ABAARO SAAME EYAY..."

Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan soomaaliya Michael Ke ating ayaa sheegay in beesha caalamka ay si dhaw ula shaqeyn do onto dowlada fede ralka ee Soo ma aliya si looga gudbo caqab adaha wajahan dow lada Soomaa liya.

Michael Ke ating ayaa sheegay in dowlada uu hogaamiyo Farmaajo ay ragaadiyeen caqado kala du wan iyo madaxda maamul gobalee dy ada dalka isagoo tilmaamay in caqa badahaasi ay kow ka yihiin ladaga alanka AlShabaab iyo aba ara ha saameeyay guud ahaan dal ka Soomaliya.

Xoghayaha Qaramada Midoo bay u qaabilsan Soomaaliya in mur anada ka taagan xuduudaha iyo kheyraad ka dabiiciga looga gudbi karo iyada oo la marayo nidaamka dastuuriga iyo qawaaniin laga deji yay arrimaha asi.

Dhanka kale Danjiraha wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka go’an tahay nabad, xasilooni, is la xisabtan lala galo hay’adaha do wlada iyo kobaca dhaqaalaha Soo maaliya oo kor loo qaado isa goo u gu baaqay beesha caalam ka in si dhawdowlada federalka Soomaa liya ula shaqeeyeen.

LACAGTA SHILIN SOOMAALIGA OO LA DIIDAY IN LAGA ISTICMAALO BELEDWEYNE

Magaalada Beledweyne caasim adda Gobolka Hiiraan waxaa ka dhaqan galay ammar kasoo Baxay dagaalyahannada Xarakada Alsha baab oo ku Aaddanaa inaan laga isticmaali Karin Magaalada Lac agta Shilin Soomaaliga.

Mid kamid ah Ganacsatada ku Sugan Magaalada Beledweyne oo Shalay la hadlay idaacadda Si mba ee magaalada Muqdisho ayaa shee gay in caqa bad weyn ay jir to, isla markaana lacag aha haa tan la isti cmaalo ay yihiin ku wa Dolllar gaar ahaan kuwa EVC Pluska.

"Lacagtii Shilin Soomaaliga ee laga isticmaali jirey Magaalada Bel edweyne, gabi ahaanba waa la mamnuucay, lacagaha wax lagu kala badashao waa Dollar gaar ahaan EVC Plus, tusaale ahaan had aad u baahan tahay in aad 8Kun wax ku gadatid waxaa tuurey saa $0.5, ka dib lacagta kuu hartay wa xaa ku qa adanaysaa waxyaabo yar ooti ah”, ayuu yiri mid kamid ah Mid ka mid ah Ganacsatada ku Sugan Maga alada Beledweyne.

Dhanka kale Maamulka maga alada Beledweyne ee Hirshabeelle aynu la xiriirnay ayaa she egay in ar ntaan ay ka war qabaan islama rkaana ay sa acadaha soo socda ay ka hadli doonaa go’aana dda la ga soo saaray.

AL SHABAAB OO QARAXYADA U ADE EGSADAAN HUBKII AY KA QABSATAY AMISOM!

Baaritaan dhawaan lagu samee yey qaraxyada Al Shabaab ay ka geysato gudaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu ogaaday hubka u gubadan oo ay u adeegsadaan we erarada inay yihiin hubkii ay kooxd aasi ka furatay ciidamada AMIS OM.

Greg Robin oo ka mid ah khabii rrada dhanka Qaraxyada oo ka qe yb qaatay mashruuc baaritaan oo ay maalgelisay dowladda Ingiriis ka oo lagu baarayey qalabka loo adeegsado qaraxyada ay Al sha baab fuliso ayaa sheegay in xog badan ka heleen aaladaha iyo siyaabaha ay Al Shabaabo u sameyso qarax yada ay dadka badan ku disho.

"….60% Qaraxyada Al Shabaab koonfurta Soomaaliya iyo gudaha Kenya ka geysato waxaa laga sa meeyey hubkii iyo bambaanooy nkii ay ka heleen xeryaha AMISOM….” Ayuu yiri Greg Robin oo ware ysi siiyey jariirada Daily Nation ee ka soo baxda dalka Kenya.

Mr.Robin ayaa sheegay in Al Sha baab hub aad u badan ka hel een xeryihiin ciidamada Kenya oo ay weerareen sa nadihii lasoo dhaa fay, hubkaasina ay hadda u adeeg sadaan qaraxyada iyo miin ooyinka.

Aaladda wax qarxisa ee RDX expl osives oo sidoo kale loo yaq aan "cyc lonite”, ayaa u badan wax yaabaha qar xa oo ay Al shabaab hada adeegsato, waxaana laga sa meeyey hubkii ay ka qabsadeen cii damada AMISOM. Aal adan ayaa waxaa lagu sameeyaa da lka Brit ain waxayna ka xoog badan ta hay aalada wax qarxisa ee TNT, sida uu sheegay khabiirkan.

Ragga AL Shabaab u sameeya ba mbaanooyinka ayaa aaladan wa xqar xisa kusii dara (alumin ium pow der) si ay sare ugu siiqaadaan wax yeelada ay bambaanooyinkooda geystaan.AlShabaab ayaa qarxiyayaasha u adeegsada Telefoonada gacanta iyo Caralarm,oo ay ku sii xiraan batteriga boo tooyinka ee 12V battery, fiilooyin ka isku xiraa yey inta badan ka keensadaan Yemen, ayuu yiri khabi iran ka qeyb qaatay baaritaano ka dhacay gudaha Soomaaliya ee lagu eegayey bambaanooyinkii loo adeegsaday weeraradii Al Shabaab.

Xog aruurintan ayaa sidoo kale lagu ogaaday in AL Shabaab ay sanadkii hore 2016 laba jibaartay weerarada qaraxyada noocaan ah u adeegsadaan ka dib markii ay hub badan ka furatay Amisom. Wu xuu sidoo kale khabiirkan sheegay inaysan helin amaaysan jirin wax caddeyn ah oo muujineysa in Al Shabaab wax taageero ah ka hesho dalalka muslimiinta.

Waayadii hore Al Shabaab qaraxyada waxay u adeegsan jireen hubkii hore ee Soomaaliya balse mii nooyinka iyo qaraxyada waayadan da nbe waxay u adeegsadaan aala da han iyo hubka culus oo ay ka hele en xeryaha ciidam ada Amis om. Cadadka hubka galay ga canta Al Shabaab ayuu khabiirkan sheegay in ay muddo dheer kusii dagaa lami kara an.

XIL.C/LAAHI SH:"HALAGA FOGAADO KHILAAF SAAMEYN KU YEESHA DOWLADD CUSUB”,

Mid kamid ah Xildhibaanada Ba arlamanka Federaalka Soomaliya ayaa ku baaqay in laga fogaado khilaaf saameyn ku yeelan kara Dowladda Federaalka Soomaliya.

Xildhibaan C/laahi sheekh isma aciil oo kamid ah Baarlamaanka So omaliya oo la hadlay idaacadda Simba ee magalada muqdisho ay aa ugu baaqay Xildhibaanada qaar ee ka soo horjeeda Xukuumad da Ra’iuslwasaare Xasan Cali Kheyre inay u soo jey staan sidii Soomaliya loogu sa mata bixin lahaa dhibaatooyinka ay ku jirto, wixii Khiilaaf ah ee ka jira lagu xaliyo wada had al.

"Wixii Khilaaf ah ee jira waxaa In la gu xaliyaa Miiska wada hadalka, waxaan haysanaa Dowladd Cu sub oo Shacbaka Soomaliyeed ay jecel yiihiin, xil dhibaanada kasoo horje eda Dowladda Cusub ee mooshin ka kawada Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre waa in ay ka laabtaan mooshinkooda, wixii jirana lagu xa liyo wada hadal”, ayuu yiri Xildhib aan C/laahi sh.Ismaaciil.

137Xildhibaan oo ka Tirsan Ba arlamanka Soomaliya ayaa dhawa an shaaciyay in Mooshin ay ka gud bindoonaan Ra’isulwasaare Xukuu madda Soo maliya Xasan Cali Khe yre,waxayna ku eedeeye en siyaa sad Xummo.

CIIDAMADDA MAAMULKA PUNTLAND OO GAARAY TUULADA KARIMO

Ciidamadda Maamulka Puntl and oo Gaaray Tuulada Karimo Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa ku waramaya in Ciidamada Daraawishta Puntland ee Gobolkaas ay gaareen tuulada Kari mo oo 45­km u jirta magalaadaas, halkaasi oo la sheegay in ko oxda Daacish nin shacab horay dil ugu gaysatay.

Guddoomiyaha degmada Qan dala ee Maamulka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay gaaritaan ka ciidamada ee deegaankaasi in uu ahaa mid la gu xaqi ijinayay am maanka iyo ka bix ista kooxda Daacish.

GALMUDUG OO WAR KASOO SAARTAY WADAHADALKA AHLUSUNA WALJAMEECA.

Madaxweynaha Maamulka Gal mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in muddo 2bilood gudah ooda lagu soo gabagabeeyo khila afka siyaas ad eed ee u dhax eeya Galmu dug iyo Maamulka Ahlusuna Waljameeca.

Madaxweynaha oo ku sugan dalka Kenya islamakaana wareysi siiyay La anta afka Soomaliga ee VOAda ayaa waxa uu sheegay In Galmudug ay diir ada saari doonto sidii loo xalin lahaa tab ashooyinka maamulka Goolada Dhexe ee Ahl usuna Waljameeca isla marka ana ugu badnaan arrim ahaas xal lo ogu gaaro muddo 2bilo od.

"Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhaxeeya Galmudug iyo Ahlusuna waxaan rajeenaynaa in lagu soo ga baga beeyo muddo 2bilood ah, waxaa haatan kulamo kula qaatay Magaalada Nayrobi jaaliyadaha Galmudug ee dalkaan ku nool,rajada aan ka qabno in la qan ciyo walaa laheena Ahlusuna waa mid aad u wanaagsan”, ayuu yiri M/weynaha M/ulkaGalmudug Md. Xaaf

Waxaa Md.Xaaf uu yahay oday xogogaal ah arrimaha dadka walaal aha ah kala dhexeeye ee dhin aca siyaasadda waxaan uu sheegay in uu rajo weyn ka qabo in meel wax wanasan arrimuhu noqon doonaan kuwo ay ka soo baxaan xag siyaas ad iyo xag deegaan intaba insha allah.

RA’IISUL WASAARAHA KHEYRE OO KA QEYB GALAYA SHIRKA MIDOWGA AFRIKA

Waxaa Maanta lagu waddaa in Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya uu ka furmo Shirka Caadiga ee Madaxda Midowga Afrika , kaasoo soconaya 34 bishan July.

Shirkan caadiga ah ee Madaxda iyo dowladaha ee Midowga Afrika ayaa mid ka mid ah shirarka Ururka Midowga Afrika, waana shirka labaad ee ururka uu yeesho sanad walba, marka laga soo tago shirka guud ee Madaxweynayaasha ee sanadlaha ah.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya inta badan Madaxda Qaaradda Afrika, waxaana shalay gaaray Magaalada Addis Ababa Madax ay ka mid yihiin Madaxweynayaasha dhowr dal oo ku yaalla Qaaradda Afrika Sida Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Rwanda Pual Kagame.

Soomaaliya ayaa shirkaan waxaa uga qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxaana lagu waddaa in uu shirka ka jeediyo Khudbad dheer oo uu kaga hadlaa yo xaaladda Soomaaliya iyo sidoo kale dhibaatootinka ka jira Qaaradda Afrika.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaraya Xiisadda ka dhex taagan Jabuuti iyo Elataria.

BOQORKA SACUUDIGA OO KA CAROODAY AMMAAN XAD DHAAF AH OO LOO JEEDIYEY.

Boqorka Sacuudiga Boqorl Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa amray in shaqada laga eryo qoraa wargeys oo xamaasad badan, ka dib markii uu Boqorka barbardhigay ALLE, sida ay shaacisay saxaa fadda Sacuudigu.

Boqor Salmaan ayaa badiyaa ka helayey qorayaasha saxaafadda gudaha ammaan heer dhaq an ilaa xukun tan iyo markii 81 jirka uu talada Boqortooyada qabtay sanadkii 2015.

Laakiin Ramadaan AlAnzi oo qoraa ka ah wargeyska alJazirah newspaper ayaa ku tilmaamay Boqorka Salmaan "Haliim" ama "Naxariis badane" iyo"Shadeed alEqab" "Ciqaabtiisu kulushahay", lab adaasi erey oo Islaamku qabo inay yihiin kuwa u gaar ALLE, waxaana loo arkaa in uu ku talax tagay.

Waxaa loo arkaa dambi aad u culus oo ka soo horjeeda hannaanka ku dhaqanka sharceeda Isla amka ee Sacuudiga qof kasta oo sheegtay sagaal iyo sagaashanka magac ee ALLE.gu.

AL-QAACIDA OO SOO BANDHIGTAY MUUQAALKA DAD U AFDUUBAN

Haweeneydan Faransiiska ah waxa laga afduubtay Goa bishii Diisember

Urur AlQaacida xidhiidh la leh oo saldhigiisu yahay dalka Mali ayaa ku soo beegay booqashada Madaxweynaha Faransiiska Emannuel Macron ku joogo dalkaas, baahinta muuqaal fiidyow ah oo muujinaya lix qof oo ajaanib ah oo ay afduub ku haystaan.

Dadkaa waxa ka mid ah nin Faransiis ah oo u shaqeeya hay'ad aan dawli ahayn, dhakhtar ku takhasusay qalliinka oo da'ah una dhashay dalka Australia iyo haweenay baadariyad ah oo u dhalatay dalka Colombia.

Muuqaalkaa la baahiyey ayaa sheegay in aan wada xaajood "dhab ah" laga gelin soo daynta dadkaas.

Macron ayaa Mali ku jooga booqasho uu doonayo inuu dhidibadda ugu sii adkeeyo taageerada reer galbeedka ee xoogagga gobolka ee dagaalka kula jira midtidiintaa.

Dadka afduubka loo haysto ee muuqaalkaa lagu arkay waxa ka mid ah Sophie Petronin oo laga qafaashay bishii Diisember ee hore magaalada Gao, halkaas oo ay ka shqayso hay'ad ay madax ka ta hay oo caruurta nafaqo darradu hayso caawisaa.

Codka lagu ladhay muuqaalku wuxu sheegay in haweenaydaa Petronin ay rajo ka qabto in Mac ron gacan ka geysan doono sidii ay ugu noqon lahayd qoyskeeda.

Isagoo ka hadlayey caasimadda Mali ee Bamako, aya Macron wuxuu sheegay in Faransiiska iyo shanta dal ee la isku yidhaa "Sahel G5", oo kala ah Mali, Burkina Faso, Chad, Mauritania iyo Niger, ay tahay inay ka wada shaqeeyaan sidii loo cidhib tiri lahaa "argagixisada, tuugta iyo gacan ku dhiigleya asha".

Waxaanu intaa ku daray in Faransiisku "tamartiisa oo dhan iskugu gayn doono sidii loo cidhib tiri lahaa argagixisada" afduubay Petronin.

Muuqaalka waxa kale oo ku jira nin u dhashay Koonfur Afrika oo la yidhaa Stephen McGown oo isna ku cataabaya in dhibta haysataa soo gabogabowdo.

Waxaanu yidhi " waxaanu duubaynaa muuqaal cusub laakiin garan maayo wax aan idhaa. Had alkiib hortay la yidhi oo muuqaallo horoo la baahiyey ayaan waxaan odhan lahaaba ku dhameeyey."

DOWLADDA OO RUQSAYNAYSA DADKA LACAGTA QAATA EE AAN SHAQAALAHA DOWLADDA KA MID AHEYN

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Dacaale Beyle ayaa si kulul uga hadlay dadka dowladda lacagaha ka qaata ee sheega in ay yihiin Shaqaalle dowlad da ka tirsan , islamarkaana aan qaban shaqooyinka loo idmaday ama aan soo xaadirin shaqadda.

Waxaa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado in shaqsiyaad goobo kale ka shaqeysta ay dowladda Lacag Mushaar ah ay ka qaataan.

Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo dadaallo kala duwan oo lacagaha ay xaqdarada ku qaataan looga joojinaayo.

Mudane Beyle ayaa tilmaamay in dadkaasi qaarkood ay kunool yihiin dalka Dibadiisa, islamarka ana akoonadooda lacagta loogu shubo Markaste oo shaqaalaha dowladda ay Mushaar qaadanayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa walaac weyn ka muujisay boqolaal qof oo ku jira Liiska Shaqaalaha dowladda , kuwaa soo shaqooyin kale qabsada dowladdana aan u shaqeyn.

DUQEYN KA DHACDAY SH/HOOSE

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasadda degmada Baraawe oo Risaala u wara may waxaa uu sheegay in duqeyn lagu dilay Saraakiil ka tirsan AlShabaab in ay ka dhacday Shabee laha Hoose.

Bashiir Maxamed ayaa sidoo kale tilmaamay in duqeyntaasi ay la socdeen maamulka gobolka Shabeelaha Hoose , islamarkaana ay ka dhacday degaan 10 Km u jira Magaalada Baraawe.

Dhanka kale Waxaa uu sheegay in Ammaanka degmada Aad loo adkeeyay , islamarkaana ciida mada dowladda Soomaaliya ay waddaan howlgallo kala duwan.

MAXAABIIS SOOMALIYEED OO LAGA SII DEYN DOONO XABSIYADA DALKA ETHOPIA.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Xafiiska Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheye waxaa xabsiyadda dalkaas laga sii deyn doonaa labo maalin kadib Maxaabis Soomaliyeed oo la sheegay in wax dambi ah lagu waayay.

Maxaabista ku Xiran dalka Ethopia oo kor u dhaafaya 120Maxbuus ayaa la sheegay in ay kasoo mid noqon doonaan Wafdiga Raisulwasaaraha Soomaliya ee dhawaan kusoo laaban doonaa Magaala da Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.

"Nasiib wanaag Wafdiga Raiulwasaaraha Soomaliya ee kusoo laabanaya Magaalada Muqdisho waxaa kamid noqon dooona Maxaasib Soomaliyeed oo ku xirnaa dalka ethopia, Maxbuus kasta oo Soomaliyeed oo dal kamid ah wadamada aduunka ku xiran haku bishaareysto in uu helay dowladd Soomaliyeed oo aan raali ka aheyn in muwaadiniin Soomaliyeed ku xirnaadaan wamada Shisheeye”, ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xafiiska Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheye

DAVID CONCAR:"SOMALILAND UMA AQOONSANIN DAL MADAXBANAAN OO XOR AH”,

David Concar Safiirka dowladda Britain ee Soomaaliya oo wareysi gaar ah siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC ayaa ka hadlay mowqifka Britain ee Maamulka Soomaaliland.

Isagoo ka hadlayay Mowqifka Maamulka Soomaaliland iyo gooni isku taageeda ayuu sheegay Safiirka in UK David Concar iyo aduunka intiisa kale Soomaaliland marnaba u aqoosaneyn dal mada xbanaan oo xor ah.

‘’Sida aad ogtihiin ma aqoonsanin dalal badan oo kalana uma aqoonsana Soomaaliland dal xor ah oo madaxbanaan, laakiinse waan la dhacsannahay, waanan taageersannahay, Annaga oo sameyn doonna wax kasta oo horay u marinaya wadahadallada dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland’’ ayuu yiri safiirka.

Sidoo kale David Concar Safiirka dowladda Britain ee Soomaaliya waxaa uu sheegay in dowlad da dhexe looga baahan yahay in Soomaaliland la yeelato xiriir wax dhisaya gaar ahaan arimaha quse eya waxbarashada, caafimaadka, sirdoonka iyo wixii la mid ah.

Ugu dambeyntii Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa siweyn ugu amaanay dowladda Soomaaliya tallaabooyinka muuqda oo ay ka sameysay sida uu hadalka u dhigay la dagaalanka musuqmaasuqa iyo amniga.

PUNTLAND OO XABSI DHIGTAY WARIYE AXMED KILWE

Ciidamada amaanka Maamulka puntland ayaa xabsiga Dhigay wariye Wariye Axmed Kilwe oo kamid ah wariyaasha deeganada Maamulkaas.

Ilo Lagu kalsoonan karo ayaa waxa ay xaqiijiyeen in wariyaha ay xabsiga dhigeen Ciidamada la dagaalanta waxa loogu yeero Argagaxisada,waxaana uu haatan ku xiran yahay Xabsiga magaalada Garoowe.

Wariye Axmed Kilwe oo ah qoraa sidoo kalana ah milkiilaha Mareegta Puntland One ayaa la sheegay in uu baahiyeen warar wax u dhima karo Puntland dhanka amniga sababaasna loo xirey wari yaha.

GALMUDUG OO BEENISAY WARAR AY BAAHIYEEN WARBAAHINTA

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warb aahinta Soomaalida oo ku aadan in uu Magaaladaas kula shiray saraakiil ka tirsan Imaaraadka iyo Qatar.

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa sheegay in wararkaas ay yihiin kuwa been abuur ah , islamar kaana Nairobi isku soo arkeen saraakiil ka tirsan hay’addaha Qaramada Midoobay iyo deeq bixiy ayaasha caalamka.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu laabanayo magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug, si uu u sii wado howlaha shaqo ee u yaalla.

QARAX 19 QOF KU DILAY CAASIMADDA SUURIYA

Booliksu waxay sheegeen in dadka weerarka soo qaaday beegsanayeen goobaha dadku ku ba danyihiin Qof miidaame ah ayaa isku qarxiyey caasimadda Suuriya waxaanay wararku sheegayaan in ugu yaraan 19 qof ku dhinteen weerarkaa.

Telefishanka dawladda ayaa sheegay in booliska Suuriya ay eryanayeen saddex baabuur oo looga shakisanaa in lagu soo rakibay walxaha qarxa oo isku dayey in ay galaan caasimadda.

Boolisku waxay joojiyeen oo qarxiyeen laba ka mid ah gawaadhidaa laakiin kii saddexaad ayaa dirawalkii waday wuxu geliyey Fagaaraha Taxriir oo ku yaal bariga magaalada waxaanu qarxiyey mar kii la hareereeyey.

Suuriya waxay weli ka socda dagaal sokeeye oo lix jirsaday, magaalada Dimishiq ee caasimad da ah inteeda badanina waxay ku jirtaa gacnta dawladda.

Waxa aanay wararku sheegayaan in ugu yaraan 12 qof oo kale ku dhaawacmeen qaraxaa dhac ay Axaddii.

Telefishanka dawladdu wuxu sheegay in dadka weerarkaa soo qaaday ay u qorshaysnayd in ay qarxiyaan goobaha dadku iskugu yimaadaan maalintii shaqo ee ugu horraysay marka laga soo noqdo fasaxii ciidda ee ka dambeeyey dhamaadka bishii barakaysnayd ee Rabadaan.

"Qaraxaa argagixiso waxa ku dhintay oo ku dhaawacmay dhawr qof oo rayid ah, khasaare bad an oo burbur ahna goobta wuu gaadhsiiyey" ayuu yidhi sarkaal boolis ah oo la hdlay wakaaladda wararka Sana.

Qof ka mid ah dadka magaalada degan ayaa isna wakaalada wararka AFP u sheegay "waxaan maqalnay rasaas dhacaysa saacaddu markii ay ahayd 06:00 galabnimo [saacadda Suuriya], ka dibna waxaa dhacay qarax oo waxa muraayadihii ka daateen daaqadihii guryaha goobta u dhawaa".

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay in ay fulisay weerarkaa.

In ka baan 300,000 oo qof ayaa ku naf waayey dagaalka Suuriya ee ka bilaabmay dibad baxyo lagaga soo horjeeday dawladda sannadkii 2011kii.

Hay'ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in ilaa iyo intii ay colaaddu bilaabantay ay ku dhawaad 5.5 milyan oo qof dalka ka qaxeen, 6.3 milyan oo kalena dalka gudihiisa ku baro kaceen.

BOGGA CAYAARAHA

SIDEE LOOGU KALA GUULAYSTAY ABAALMARIHII SHAQSIGA AHAA EE UGU MUHIIMSANAA TARTANKA EE FIFA CONFEDERATIONS CUPKA DALKA RUSSIA LAGU SOO XIDHAY?.

Dalka Ruuska waxaa si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay tartankii qaaradaha aduunka ee FIFA Confederations Cupka kaas oo gogol xaadh u ah koobka aduunka ee Russia 2018 kaas oo waqtigan oo kale sanadka soo socda ka furmi doona isla dalka Russia. Xulka qaranka koobka aduunka haysta ee Jarmalka ayaa ku guulaystay koobka qaaradaha aduunka inkasta oo ay ahaayeen ciyaartoy da’yar ah oo aan khibrad badan lahayn.

Maalintii uu tababaraha xulka qaranka Germany ee Joachim Löw uu ku dhawaaqay liiska xulka qarankiisa tartankan uga qayb galayay waxay qof kasta ku noqotay lama filaan kadib markii liiska laga dhex waayay dhamaan ciyaartoydii magaca wayn lahaa ee xulka qaranka Germany wuxuuna ka soo buuxiyay ciyaartoy ay xataa dadka ku adag tahay in ay magacooda gartaan.

Laaliin tababare Joachim Löw ayaa muujiyay in xataa haddii uu soo kaxaysto caruurta ay da’ doodu ka yar tahay 21 sano jirada in uu ku garaaci karo xulalka kubbada cagta ugu awooda badan. Haddii uu xulka qaranka Chile laba jeer oo xidhiidh ah uu ku soo guulaystay Copa America oo uu wali ba labada jeerba ka qaaday Argentina waxay ku fashilmeen in ay dhaafaan caruurtii uu Joachim Löw kula soo shirtagay Russia.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa sida loogu kala guulaystay abaal marihii shaqsiga ahaa ee ugu muhiimsnaa ee laga bixiyay Confedrations Cupka uu xulka qaranka Germany ku guulaystay ee ay ka qaadeen Chile. Halkan kaga bogo shaxda xulka qaranka Germany ee koobkan aan ka soo muuqan ee aanu tababare Low la soo shirtagin.

Ugu horayn xidigii tartankan ugu fiicnaa waxaa loo aqoonsaday isla markaana abaal marinta kubbada dahabka ah ee Golden Ballka ku guulaystay kabtanka xulka qaranka Germany ee Julian Draxler kaas oo kooxda da’yarta ah ee Germany hogaamiye fiican u ahaa. Draxler ayaa ahaa xidiga weerarka iyo khadka dhexe ee Germany ugu khibrada badnaa wuxuuna hantay abaal marinta xiidgii tartanakn ugu fiicnaa.

Goolhayaha xulka qaranka Chile ee Claudio Bravo ayaa loo doortay in uu ahaa goolhayihii tartankan ugu fiicnaa wuxuuna ku guulaystay abaal marinta Golden Gloveka ama gacanta dahabka ah waxaana lagu xuusan doonaa saddexdii rekoodhe ee xidhiidhka ahaa ee uu xulka qaranka Portugal ka badbadiyay.

Ugu danbayn xidiga tartankan wacdaha ka dhigay ee Timo Werner oo ka tirsan xulka qaranka Germany ayaa ku guulaystay kabta dahabka ah ee gool dhalinta FIFA Confedrations Cupka kadib mar kii uu soo dhaliyay 3 gool laakiin waxay isku goolal noqdeen xidigaha qarankiisa ee Leon Goretzka iyo Lars Stindl balse waxa uu sidoo kale isagu sameeyay laba gool caawineed waxaana la gudoon siiyay Golden Bootka tartankan.

Si kastaba ha ha ahaatee, jiilka cusub ee Germany ayaa dalkooda ku soo laaban doona iyaga oo naftooda iyo qarankooda sarre uu qaaday isla markana soo hooyay guul aan markii hore sidan loo ga filayn. Tababare Low ayaa sidoo kale da’yartan ku helay magac sidiisii hore ka qiimo badan.

MAANTA OO KALE ZINEDINE ZIDANE OO BURBURIYAY BRAZIL, XIDDIGEE AYUU SI BAAS U GALAY

Zinedine Zidane ayaa maanta oo kale burbur ba,an u gaystay xulka qaranka Brazil isaga oo waliba ka cirib tiray koobka adduunka 2006.

Zidane ayaa kulankaas ahaa xiddiga garoonka isaga oo wacdaro ka dhigay waliba xiddigaha Barzil dhulka la dhacay farsamooyin cajiib ahna ku dhaafay.

Xiddigaha Ronaldinho ugu horeeyo ayuu bartamaha garoonka ku baaba,saday waana maalin ayna iloobin dadka xiiseeya kubada cagta

XILLIGA JOHN TERRY UU KU BIIRAYO ASTON VILLA OO LA HELAY ,IMISA SANO AYUU U SAXIIXAYAA ?.

Sky Sport ayaa shaaca ka qaadeysa in Aston Villa ay 48ka saac ee socda ay ku dhawaaqeyso hishiiska daaficii hore Chelsea ee John Terry

John Terry ayaa maaliyadda Chelsea soo difaacayay muddo 19 sano ah iyadoo uu la qaaday koobab kala duwan waxaana ugu dambeeyay horyaal ka Ingiriiska oo xili ciyaareedkii soo dhamaaday uu la qaaday

Laacibkaas ayaa go`aansaday in uu soo sameeyo tijaabo horyaalka heerka labaad ah waliba la soo ciyaaro kooxda Aston Villa oo xili ciyaareedkii soo dhamaaday u dhaadhacday heerkaas

Waxaa lagu wadaa in John Terry u saxiixo koxdaas hishiis gaaraya laba xilli ciyaareed

JohnTerry aya kooxdaas ugu biraya hishis xor ah maadamakiisii Chelsea uu dhamaaday xagaa gaan

PSG OO KA INKAARSANAYSA CHELSEA XIDDIG AY U WAALANAYSO AYAY DHEXDA U GALAYAAN LAAKIIN XIDDIGU KOOXDEE AYUU DOONAYAA

PSG ayaa diyaar ula ah kooxda juventus lacag dhan 65 Milyan oo euro si ay uga iibiso xiddiga qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore ee ay u waalanayso kooxda chelsea.

Xiddigan reer Brazil ayaa kooxda Juventus ku soo biiray xagaagii 2015 waxana uu kaga soo biiray kooxda FC porto iyada oo ka soo bixisay lacag dhan 26 Milyan oo euro.

Kooxda chelsea ayaa si xoogan loola xiriirinayay xiddigan iyada oo xitaa ay jiraan warar sheega ya in uu xiddigan heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda hanatay horyaalka Premeier league.

Wargayska La Repubblica ayaa sheegaya in kooxda PS ay diyaarinayso dalab waali ah oo dhan 65 milyan si Blues ugu garaacdo saxiixa xiddigan.

Si kasta ha ahaatee waxa jira warar sheegaya in uu xiddigan kaliya ku biiri doono kooxda chel sea taas oo la macno ah in ay Blues gacanta sare leedahay baacsiga loogu jiro xiddigan.

WARGEYSKA MIRROR SHAACIYAY QIIMAHA ARSENAL KU SOO AFJARAYAAN SAXIIXA LACAZETTE IYO HISHIISKA AY KA SAXIIXANAYAAN LAACIBKA

Weeraryahanka Lyon ee Alexandre ayaa u dhaw in uu ku biiro maalmaha soo socda kooxda Ars enal oo si weyn u baacsaneysay saxiixiisa

Wargeyska Mirror ayaa shreegaya in Arsenal ay hishiiska laacibkaas ku soo afjarayaan 44 mily an oo gini

Warka waxa uu intaas ku darayaa in Arsenal ay laacibkaas la meel dhigeen in uu saxiixo hishiis gaaraya illaa iyo xagaaga 2022ka

Waxa xusid mudan in Olivier Giroud uu dalabyo dhab ah uu ka haytso kooxaha Everon iyo West Ham oo doonaya in ay helaan xagaagaan

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip