WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIOMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 2-DA LUULYO 2017-KA

0
Sunday July 02, 2017 - 11:46:05 in Wararka by
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIOMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 2-DA LUULYO 2017-KA

    MADAXWEYNAHA OO MUNAASABADDA 1DA LUULYO AWGEED UBAX DHIGAY TAALADA DALJIRKA DAHSOON .. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Far maajo ayaa shalay ubax dhigay Taa lada Daljirka Dahsoon, iyadoo shalay loo dabaal degayo 57guuradii ka soo wareegatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO MUNAASABADDA 1DA LUULYO AWGEED UBAX DHIGAY TAALADA DALJIRKA DAHSOON .. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Far maajo ayaa shalay ubax dhigay Taa lada Daljirka Dahsoon, iyadoo shalay loo dabaal degayo 57guuradii ka soo wareegatay, xornimadii Gobol ada Koofur iyo is raacii Koofur iyo waqooyi. Munaasabad kooban oo ka dhacday Daljirka Dahsoon, ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne ka kala socday deg mooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasoo xirnaa dharka Cal anka, sidoo kale cutubyo ka tirsan ciidanka booliska iyo koox da muusikada baamb eyda ayaa iyana ka mid ahaa. Madax weyne Farmaajo ayaa ugu horeyn salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka, waxaa uu markii dambe ubax dhigay taala da Daljirka Dahsoon. Waa markii labaad ee uu Madaxweynu hu ubax dhigo taaladan, 26kii June ayay aheyd markii uu halkaas ubax dhigay, xilligaasoo ku beegneyd, markii uu horeysay ee Calan Soomaaliyeed la ta ago, iyo xoriyadii Gobolada Waqooyi. Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad kooban uu ka jeediyay munaasabada waxaa uu hamb alyo ugu diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in shalay ay tahay maalin taariikh weyn ku leh Soomaaliya, waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in midnimadii dib loo soo celiyo. 
BRITAIN OO SHEEGTAY IN XILLIGAN AY TAHAY DUULAAN SHABAAB LAGU QAADO 
     Danjiraha Britain u fadhiya dalka Somaliya, Amb. David Concar, ayaa waxaa uu ka hadlay arri maha ammaanka ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab. Danjiraha oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Laanta afka Somaliga ee BBC, waxna laga weydiiyay arrimaha ammaanka iyo la dagaalanka Al Shabaab, ayaa sheegay in amnigu uu ka mid yahay waxyaabaha ugu muhiimsan, ay tahay in laga hadlo."Amnigu waxa uu ka mid yahay arri maha ugu waaweyn ee tahay in laga hadlo Somaliya. Xaaladda dhawrkii sano ee la soo dhaafay wa xay ahayd is mariwaa u dhaxeeyay Xoogaga Midowga Afrika iyo Ciidamada Somaliya oo la wareega yay magaalooyinka ay dadka badani ku nool yihiin iyo kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab, oo weli haysta xoriyad ay ku dhaq dhaqaaqi karaan, gacantana ku haaya meelo badan ka mid ah dhulka miyiga, gaar ahaana Koonfurta & Bartamaha Somaliya. Sidaa daraadeedna waxaa loo baahan yahay in iminka horumar laga gaaro arrintaasi.” Ayuu yiri Danjiraha. Amb. David Concar, Danjiraha Britain ee Somaliya, ayaa tilmaamay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom, ay hadda jooggaan goob ay uga dhaqaaqi doonaan dhulka ay maamusho Al Sha baab, hadana waxaa uu qiray in hadda ay adag tahay in duulaan lagu qaado Shaba abka, sababo ku aadan abaaraha ka jira dhulkaasi iyo dadka oo xaalad ada g wajahaya. "Ciidamada Somaliya oo garab ka helaya Ciidamada Amisom waxay had da jooggaan meelay ka bilaabi karaan gacan ku haynta Koonfurta & Barta maha, balse way adag tahay dhawr sababood awgood, sababahana wax aa ka mid ah abaarta iyo xaaladda ban i’aadanimo.” Ayuu yiri David Co ncar. Amb. Concar, ayaa intaa ku daray "Sidaasi daraadeed waxay ila tahay in qof kastaa uu gar waaqsan yahay xaqiiqda ah in abaaraha si taxadar leh loola tacaamulo, wayna adag tahay, waayo Shabaabka deegaanadaasi jooggaa dadka ayay aad ugu dhex jiraan, xoog ayayna ku haystaan meelo badan oo dalka ka tirsan. Hadaba uma baahna dadaal militari keliya ee waxay u baahan tahay dadaal quluubta lagu hananayo iyo tan ugu muhiimsan oo ah damaanad in dadka la siiyo.” Shabaab waa awoodda keliya ee shalay dagaalka tooska ahi kula jirta Dowladda Federaalka Somaliya iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika.
 DHALINYARO LAGA SHAKIYAY OO LAGA REEBAY DIYAARAD USOO SOCOTAY MAGAALADA MUQDISHO..
Diyaarad usoo socotay Magaalada Muqdisho oo ka Timi magaalada Nairobi ayaa laga reebay shan Dhalinyaro Somaliyeed ka dib Markii laga shakiyay Diyaaradan oo ka soo kacaysay Magaalada Nairobi ayay ciidanka amaanku dhalinyarada kula hadheen Garoonka diyaaradaha halkaas oo la sheegay in su’aalo lagu waydiinayay Dhalinyaradan laga shakiyay ayaa qaarkood ka yimaadeen wadamada yurub. Dad goob joog ah ayaa idaacada Dalsan u xaqiijiyay in dhalinyarada haatan lagu hayo Magaalada Nairobi Diyaarada ayaa waxa la socday Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somaliya Me. Shariif Xasan Sh Aadan iyo Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Qayb Diid) Dhalinyaro badan ayaa inta badan ka yimaada Yurub ayaa falal Amni daro ka Gaysta gudaha Dalka 
NIN DAD KU DILAY, KUNA DHAAWACAY MAGAALADA NEW YORK 
     Nin hubeysnaa, ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii toogasho ka gaystay Isbitaalka BronxLebanon ee Magaalada New York ee Wadanka Mareykanka. Haweeney, ayaa waxaa la xaqiijiyay in toogashadaasi ay ku dhimatay, halka lix kalana ay ku dhaawacantay, shan ka mid ah dhibaneyaasha waxaa la sheegay in xaaladoodu culus tahay. Dr. Henry Bello, ayaa waxaa loo aqoonsaday inuu yahay ninka gaystay toogashadaasi, kaa soo qudhiisa mar dambe la sheegay in uu is toogtay, oo uu is dilay. Dhakhtarka falkani ku kacay oo madowga Mareykanka ah, ayaa waxaa la sheegay in uu horey kaga soo shaqeeyay Isbitaalka BronxLebanon. Henry Bello, ayaa shaqada isbitaalkaasi ka tagey sanadkii 2015ka, ka dib markii lagu soo eedeeyay in uu fara xumayn ku kacay. Ciidamada Booliska, ayay 15 daqiiqo ku qaadatay inay gaaraan isbitaalka ay toogashadani ka dhacday, iyagoona dabaqa 17aad ee isbitaalka ka helay meydka ninkaasi. 
QATAR OO KA CODSATAY GOLAHA AMMA ANKA IN XAL LOO HELO XIISADA KHALIIJKA 
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa ka Mohamed Bin Abdulrahman Al Thani ayaa la ku lmay Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada, isagoo kala hadlay xiisada u dhaxeysa dalalka Khal iijka. Mr Al Thani ayaa weydiistay xubnaha Golaha Ammaanka in Sacuudiga ka dalbadaan inay qa adaan xayiraada ay saareen Qatar, taasoo haatan ku dhow muddo bil ah. Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa ka dalbaday Golaha Ammaanka in xal loo helo khila afka siyaasadeed ee u dhaxeeya dalalka Khaliijka, waxaa uu u jeediyay inay golaha ammaanka ka dalbadaan Wadamada Sacuudiga uu hogaaminayo ka laabashada xiriir u jaridii Qatar. Mr Al Thani oo la hadlay TVga Aljazeera ayaa sheegay in Golaha Ammaanka uu u gudbiyay xaaladihii ugu dambee yay ee dalka Qatar, isagoo sheegay inay dhamaantood ka codsadaan in Qatar laga qaado Cunuqa bateynta dadban ee saaran. Waxaa uu sheegay in dowladda Qatar ay isku dayeyso inay ku dhiiri geliso dhamaan dhinacya da Qatar mucaaradsan inay ka qeyb qaataan wadahadal dhab ah, lana dhameeyo xiisada taagan, si da uu sheegay wasiirka arimaha dibadda Qatar. Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar ayaa 5tii bishii June xiriirka u jaray dowl adda Qatar, iyagoo ku eedeeyay inay taageerto ururo argagixiso, inkastoo dowladda Qatar ay beeni say eedeymahaas. Labo todobaad kadib ayaa dalalkan waxay Qatar ka dalbadeen inay fuliso 13 qodob oo shu ru udo ahaa, kaasoo Qatar looga dalbaday inay ku fuliso 10 maalmood, hadii ay rabto in xayiraada laga qaado, waxaa ka mid ah qodobadaas inay xirto Telefishinka Al Jazeera, inay xirto Saldhiga Milateri ee Turkiga ka furtay Qatar, iyo in xiriirka loo jaro Iiraan iyo lacago ganaax aan cadadkeeda la she egin. Xiisada siyaasadeed ee xilligan u dhaxeysa dalalka Khaliijka ayaa la sheegay inay tahay tii ugu weyneyd ee soo marta muddo Nus qarni ku dhow.
 TOOGASHO KA DHACDAY WAQOOYIGA MAGAALADA GAALKACYO
 Laba qof oo midi uu askari yahay, ayaa habeen hore lagu toogtay Waqooyiga Magaalada Ga alkacyo ee Gobolka Mudug, ka dib markii ay rasaas oodda kaga qaadeen niman bistoolado ku hubey snaa. Toogashadan, ayaa waxay ka dhacday xaafadda Garsoor, gaar ahaan Hotelka Kulmiye oo si da la sheegay ay wada fadhiyen askariga iyo ninka kale ee lala toogtay. Suxufiyiinta Magaalada Gaalkacyo, ayaa soo sheegaya in ninkii askariga ahaa uu goobtaasi u gu geeriyooday rasaastii lala dhacay, halka ninkii kale ee la fadhiyay oo ku dhaawacmay toogashada asi lagula cararay Isbit alka Gaalkacyo. Suxufiyiinta, ayaa ku waramaya in toogashada ka dib ay goobtaasi ka baxsadeen labadii nin ee falkaasi gaysatay, kuwaa oo aan si rasmi ahi loo garanayn cidda ay ka tirsan yihiin, balse uu jiro tu hun ah inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al Shabaab. Ciidamada ammaanka oo gaaray halkaasi, ayaan ku guuleysan inay gacanta ku soo dhigaan dembiileyaashii toogtay askarigan, oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska ee Waqooyiga Gaalkacyo. Tallaabada lagu dilay askarigaasi waxaa ay ku soo beegmaysaa, iyadoo Jimcihii Magaalada Boosaaso lagu toogtay toddobo nin oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab. 
XAAF "RAJO WEYN AYAA KA QABNAA INAAN IS FAHAMNO ANAGA IYO URURKA AHLUSUNA”
 Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in maamulki isa uu wada hadalo la geli doono Ururka Ahlusuna ee fadhigiisu yahay magaalada Dhuusa Mareeb. Xaaf oo la hadlayay Idaacada VOA ayaa sheegay in muddo dhow ay ku rajo weyn yihiin inay is hor fariistaan, si loo xaliyo khilaafka jira. "Anaga iyo Ahlusuna dad kala soocan oo kala fog ma nihin, waxaa rajo weyn ka qabaa muddo dhow inaan is fahano oo aan ka heshiino wixii jira”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug. Waxaa uu sheegay in wixii awood qeybsi ah laga hadli doono marka la heshiiyo oo la wada hadlo, hase ahaatee waxaa uu soo jeediyay in la isu furo labada dhinac ee ay ka kala taliyaan. "Waxaan soo jeedinayaa in la is dhex maro oo si caadi ah la isku dhex maro, hada ciidamadeena waxay joogaan Godinlabe, ayagana waxay joogaan Mareergur, marka in la kala qaado difaacaas yaala aad ayay muhiim ugu tahay wada hadalada”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug. Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay inay rajo ka qabaan in labada bilood ee soo socota lagu dhameyn doono wixii khilaaf ee ka dhex jira. Ahlusuna ayaa dhowaan sheegtay in aanay quseyn doorashadii Madaxwe yne Xaaf ee bishii May ka dhacday M/ Cadaado. Xukuumadda Soomaaliya ayaa bishii April ku guuldareysatay inay wada hada lsiiso labada dhi nac, si ay heshiis u wada gaaraan, hase ahaatee warqad ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa Urur Goboleedka IGAD waxaa looga codsaday inuu fududeeyo, gacana ka geysto wada hadals iinta Galmudug iyo Ahulsuna.
 ASKARI NISA KA TIRSANAA OO SHALAY LAGU DILAY MAGAALADA MUQDISHO
 Askari ka tirsanaa Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa waxaa shalay lagu dilay Deg mada Heliwaa ee Waqooyi Bari Muq disho. Askariga, ayaa waxaa lagu weeraray xaafadda Suuqa Xoolaha, gaar ahaan halka Dalcadda loo yaqaano, waxaana la sheegay in si gaadmo leh ay ku toogteen rag bistoolado ku hubeysnaa. Raggan oo lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab, ayaa goobtaasi horey kaga sii qaatay qori AK47 ahaa, oo uu askarigaasi watay. Dadka deegaanka, ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay goobtaasi soo gaareen, mar ay cagaha wax ka dayeen dembiileyaashii falkaasi gay stay. Dadka deegaanka waxay askari gaasi magaciisa ku soo koobeen Dhagacadde. Ciidamada Booliska & Nabad Suggida ee ka hawlgala Degmada Heliwaa, ayaa waxay wadaan baaritaan ay doonayan in ay kaga daba taggaan raggii wax dilay. Ciidamada Dowladda ee ka hawlgala Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa lagu dhali ilaa in ay ka wada siman yihiin iyagoo ay ku adag tahay inay gacanta ku soo dhigaan ragga dilalka ka wada magaalada. Dadka reer Muqdisho, ayaa kuu sheegaya in markasta oo dil uu ka dhaco Caasimadda, inay ciidamadu ku fashilmaan soo qabashada kuwa dilalka gaysanaya.
 CIIDAMADA AMISOM OO LAGU EEDEEYAY INAY U DHAQMAAN SIDII JABHAD OO KALE 
Ciidamada Midowga Afrika Amisom qaybta ku sugan Gobolka Shabellaha hoose, ayaa waxaa lagu eedeeyay inay u dhaqmaan sidii jabhadii kale sida uu sheegay masuul ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha hoose. Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Shabellaha ho ose Cali Nuur Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay ciidanka Amisom inay hadda la soo baxeen dhaqan cusub oo ku aadan inay u dhaqmaan sidii jabhad oo kale. Cali Nuur ayaa ku eedeeyay Amisom madaafiic ay tuureen inay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa Degmada Janaale, wuxuuna tilmaamay dhaqamada noocaasi ah inay muuji nayso in ciidamada Amisom ay ku xuubsiibteen sidii Jabhadihii oo kale. "Ciidamada Amisom oo dalka u yimid inay caawiyaan dowladda Somaliya shaqadooda laba ay eey noqotay kuwa ku sugan Gobolka Shabellaha hoose mar ay isaga jiraan xerooyinka ciidanka iyo marka ay soo baxaan oo Madaafiic ay ku laayaan shacabka, taasina waa dhaqamada lagu yaqaano Jabhadihii dalka soo maray.” Ayuu yiri Cali Nuur Amisom ayaa tacadiyada ugu badan waxa ay ka gaysatay Gobolka Shabellaha hoose sanadkii 2016kii mana jirin cid si rasmi ah ula xisaabtantay, maadaama ay laayeen qoysas badan oo Somal iyed oo Gobolkaasi ku nool. Dowladda Somaliya oo masuul ka ah dalka ayaanan ahmiyad badan siinin la xisaabtanka ciida mada Amisom, taasi bedelkeeda dowladda waxa ay Amisom ku amshalaya hawlgalka ay u joogto Somaliya. 
MARAYKANKA OO SHACABKA SOOMAAL IYEED UGU HAMBALYEEYEY MAALINTA XORNIMADA IYO ISRAACA 
Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa war uu soo saarey ku sheegay isaga oo ku hadlaya magaca Dowladda Maraykanka in uu hambalyo u dirayo shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay ku sugan yihiin. "…. Tan iyo markii aan imid Soomaaliya aniga oo noqdey safiirkii u horeeyey muddo 25 sano ah. Waxaan markhaanti u noqdey guulaha la yaabka leh ee dadka Soomaaliyeed sameeyeen ee dib u dhiska dalkooda. Inkasta oo ay barbarsocotey khatar badan sida Macaluul, weeraro ka imaanaya al Shabaab, Dakhliga dowladda oo yar, Caddaaladda oo aan tabar weyn lahayn iyo kuwo kale…..” ayuu yiri Denjire Stephen Schwartz. Warka ka soo baxay safiirka ayaa lagu sheegay in Dowladda Maraykanku aaminsan tahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi iyo Raysalwasaare Xasan Kheyre ay dhab ka tahay in ay dalka ku soo celiyaan nabad iyo dib u heshishiisiin, dadka Soomaaliyeedna dib ugu laabtaan shaqooyinko odi. – Anaga Maraykanka ah iyo qaar kale oo kamid ah Beesha Caalamku waxaan si dhaw ula shaqe yneynaa Dowladda Federaalka ah iyo maamulada gobolada ka jireyy, si isbeddel degdeg ah loogu sameeyo bulshada Soomaaliyeed. War saxaafadeedka Safiirka Maraykanku soo sarey ayaa lagu sheegay in siyaasiyiinta Sooma alida laga doonaayo in ay dhinac iska dhigaan khilkaafka keenaya khatar siyaasadeed diiradana ay saaraan horusocod dhab ah iyada oo muhimadda la siinaayo, jebinta argagixisada, kordhinta dakh liga iyo wadaaga kheyraadka dowladaha xubnaha ka ah federaalka, dib u eegista iyo dhamaytirka dastuurka, diyaar garowga doorasho hal qof hal cod ah, wadahadal dhab ah oo lala galo Somaliland, xoojinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo la dagaalnak Musuqa. Ugu danbeyntii ayaa lagu sheegay in shaqooyinka badan ee horyaala Dowladda Soomaaliya ee aan waxba laga qaban 30 sano ee u danbeeyey , aysan suurta gal ahayn in sanad wax looga qab to ama afar sano laakiin la iska doonayo in asaaskii guusha la asteeyo ka hor 2021, taasna waxay dooneysaa shaqo badan iyo dulqaad.AKHRISO:WAA WAX TAARIIKHDA SOOMAALIYA KU CUSUB XUKUUMAD IYADU MOOSHIN ISKA KEENAYSA!!! 
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah mudanayaasha BFS, ayaa ka hadlay Moo shinka ayXildhibaanada kawadaan Xukuumada Ra’isul wasaare Kheyre. Xildhibaan Mahad Maxamed, ayaa qoraal ku saabsan Mooshinka Xukuumada kusoo daab acay beejka uu ku leeyahay Barta Facebook HALKAAN HOOSE KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAAN MAHAD SALAAD {Waa wax taariikhda soomaaliya ku cusub xukuumad iyadu mooshin iska keenaysa}!!! Sanadihii lasoo dhaafay waxaa dhagaha Soomaalida ku badnaa Xildhibaano Mooshin ka keenaya Xukuumad markaasi jirta sabab kastaba haka danbeysee! Maalmahaan waxaa Magaalada Mogadishu ka shidan MOOSHIN XUKUUMADU IYADU ISKA KEENAYSO, sababtoo ah markii aan waraystay Xildhibaanada Golaha Shacabka wali la’iima sheegin Xildhibaano wada Mooshin Xukuumada Kheyre ka dhan ah!. Hadaba waxaa iga su’aal ah: 1. Ma Xildhibaano aan ahayn 276 Xildhibaan ee Golaha Shacabku ka koobanyahay ayaa jira oo Xukuumada Mooshin ka keeni kara? 2. Ma Xukuumada Kheyre ayaa isku og’ danbi ay ka gashay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed oo inta danbigaasi kusoo baxo ayay ka baqeysaa inlarido? 3. Ma BARNAAMIJKII iyo BALANQAADYADII Ra’iisul Wasaaruhu ka horjeediyay Golaha Shacabka ayuu ku fashilmay, marka fashilkii Xukuumadiisa ayuu rabaa inuu Golaha Shacabka dusha uga tuuro? 4. Ma dagaal Xukuumadu u xayd­xaydaneyso oo ay rabto inay Golaha Shacabka ku qaado ayaa jira? Su’aalahaas oo dhan waxaan rajeynaynaa in Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisu ka jaahil bixiyaan Golaha Shacbka marka uu furmo Kalfadhigiisa 8da bishaan inshaa’allaah DOWLADDA SOOMAALIYA OO WADAHADAL LA BILOOWDAY SHEEKH MUQTAAR ROOBOW Sargaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo lagu Magacaabo Col. Aadan Axmed islamarkaana la hadlay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegay in Wadahadal u dhexeeya Dowladda Feder aalka iyo Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Masuur Guddoomiye Kuxigeenkii Alshabaab ay bilo owdeen oo hadda meel fiican ay marayaan. Sargaalkaan u hadlay Dowladda ayaa sheegay in wadahadalka ay yihiin kuwo si Toos ah u so cda islamarkaana la doonayo in lagu soo xero geliyo Sheekh Muqtaar Rooboow. Sheekh Muqtaar Rooboow ayaa dhawaan Waxaa Liiska Argagixisada ka saaray Dowladda Ma reykanka oo ay horay Madaxiisa u dul dhigtay Adduun lacageed oo gaaraya 5 Milyan oo Dolarka Mar eykanka ah. Dhanka kale Wararka ka imaanaya degaanka Abal oo hoostaga degmada Xudur ee Gobolka Bakool islamarkaana uu ku sugan yahay Sheekh Muqtaar Roobow ayaa sheegaya in Xiisad dagaal ay ka taagan tahay halkaas.Alshabaab ayaa Ciidamo badan geeyay Aagga uu ku sugan yahay She ekh Muqtaar Roobow Abuu Masuur si ay u dilaan ama ay Gacanta ugu dhigaan. Muqtaar Roobow Abuu Masuur ayaa Ciidamo aad u badan oo lagu qiyaasay 700 illaa 800 ku haysta Degaanka Abal ee Gobolka Bakool. Dhanka kale saraakiisha Ciidamada Xoogga ayaa horay u sheegay in ay Difaacayaan Sheekh Muqtaar oo ay ka hortagayaan Weerarada Alshabaab ay ku soo qaadayaan Muqtaar Roobow.     XIGASHO:sIMBANEWS.NET
DALAL HAMBALYO USOO DIRAY SOOMAALIYA 
Qaar ka mid ah dowladaha Caalamka ayaa Soomaaliya ugu hambalyeeyay 1Luulyo oo ah maalintii ay xornimada qaateen gobolada Koonfureed ee Soomaaliya iyo sidoo kale ah israacii gobolada koonfurta iyo waqooyiga. Dowladahaasi oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta , Sucuudiga iyo Mareykanka waxa ay sheegeen in ay Farxada la qeybsanayaan Shacabka Soomaaliyeed. Qoraal kasoo baxay Wasaaradaha Arrimaha dibada ee dalalkaasi ayaa lagu sheegay in si gaara ay hambalyo ugu dirayaan Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Max amed iyo ra’iisul Wasaaradaha dalka Mudane Xasan Cali Kheyre. Sidoo kale dowladahaasi waxa ay sheegeen in sanadkaan sanadkiis ay u rajeynayaan uma dda Soomaaliyeed horumar iyo barwaaqo. Dhinaca kale Dowladda Maraykanka ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ugu hambalyeeysey 57 sano guuradii maalinta xornimada gobolada Koonfurta iyo israaca gobolada Wa qooyi ee 1da Luuliyo. Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa war uu soo saarey ku shee gay isaga oo ku hadlaya magaca Dowladda Maraykanka in uu hambalyo u dirayo shacabka Soomaali yeed meelkasta oo ay ku sugan yihiin. Soomaaliya ayaa shalay u dabaaldeggaysa 57guurada ka soo wareegatay markii gobollada koonfureed ay xornimada qaateen sidoo kalena ay israaceen labadii gobol ee Koonfur iyo Waqooyi. 
AL SHABAAB OO 90 ODAY KU XIDHAY DEEGAANKA XARAR DHEERE 
Al shabaab ayaa 90 oday ku xidhay deegaanka Xarar Dheere ka dib Markii ay diideen in ay ay qoraan dhalinyarada ku biirista Ciidan ay halkaasi ka qoranaayen kooxda Al Shabaab. Odayaasha ayaa si cad u hor istaagay in wiilashoodu ku biiraan ciidanka la rabay in loo qoro Al Shabaab, taasina waa ta keentay in dhamaan odayaasha laga soo xidh xidho Xarar dheere iyo degaanada ku dhow dhow Dad goob joogayaal ah ayaa idaacada Dalsan u xaqiijiyay xadhiga Odayaasha Shalay la xidhay 
QARAMADA MIDOOBAY OO DHINTAY KHARASHKA NABAD ILAALINTA 
Qaramada Midoobay ayaa isku raacday dhimista ku dhawaad lix boqol oo milyan oo doolar oo ah miisaaniyadda sannadlaha ah ee hawlgaladda nabad ilaalinta. Mareykanka oo ah bixiya taburacaha ugu badan ee miisaaniyada nabad ilaalinta ayaa soo dha weeyey tallaabadan, laakiin wuxuu ku baaqay in la sameeyo dhimis kale oo dheeraad ah. Miisaaniyada hoos loo dhigay ee 7.3 bilyan oo doolar ayaa waxaa isku afgartay Golaha loo dhan yahay iyadoo lagu maalgalin doono 14 hawlgallo nabad illaalin oo laga wado daafaha aduunka. Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric, ayaa sheegay in dadaal kasta loo sameey ey in lagu fuliyo socodsiinta nabadda inkastoo miisaaniyadda hoos loo dhigay. 
DABAALDEG XALAY LAGU QABTAY MUQDISHO 
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay boqol aal qof kula dabaal degay beerta Nabadda oo ka mid ah meelah ay isugu yimaadaan Bulshadda So omaaliyeed. Intii uu socday dabaaldega oo ahaa mid lagu xusaayay 1da Luulyo ayaa Mas’uuliyiintii ka qeyb galay waxa ay shacabka ugu baaqeen in ay dowladda kala shaqeeyaan xaqiijinta Amniga Muqdisho. Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo ka mid ah Mas’uuliyiintii ka qeyb galay dabaal dega ayaa Mas’uuliyiinta Beerta Nabadda ugu baaqay in ay Shacabka ka joojiyaan lac agaha laga qaado maadaama ay tahay goob dadweyne. Bulaleyr ay dadka reer Muqdisho ay ka argagaxeen ayaa muddo laga ridaayay Beerta Nabad da. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in lagu gudajiro todobaadkii xorriyadda Soomaa liya. 
QATAR OO DIIDAY DALABKII DALALKA CARABTA 
Wasiirka arimaha dibadda Qatar ayaa sheegay in dalkiisu diiday dalabaadka ay ku soo eede eyeen dhawr dal oo Carbeed, laakiin wuxu intaa ku daray in ay diyaar u yihiin wadahadal jawi caaf imaad qaba lagu kulmo. Iyadoo ay maalin keli ahi ka harsantahay mudadii ay u qabteen dalalkaas oo Sucuudiga iyo Imaraadka Carabtu ka mid yihiin, ayaa Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Jassim Al Thani, wuxuu ku celiyey in Qatar aanay aqbali doonin wax kasta oo qaranimadeeda faro gelin ku ah. maanta oo Axad ah ayey ku eg tahay ballantii goodiga ahayd ee ay dalalka Carbeed u qabteen inay kaga jawaab celiso liiska ay ku qoranyihiin arimaha loo gudbiyey. Hase ahaatee ilaa hadda, Qatar si cad umay muujinin in ay diyaar u tahay in ay fuliso arimahaa laga dalbday. Waxaanu wasiirka arimaha dibadda ee dalkaasi sheegay in dalabaadka loo soo gudbi yey yihiin kuwo albaabada oo dhan ka soo xidhay habkii lagu wada hadli lahaa, waxa keliya ee u ba nnaanina yahay in ay Qatar ku gacan saydho. In kasta oo ay hadallo isku mid ah oo ka soo yeedhayey madaxda caalamku ku baaqayeen in la isku tanaasulo, ayaa waxa muuqata in aan ilaa hadda halkii la isku seeganaa waxba laga dhaqa aqin. Wasiirka arimaha dibadda Sucuudiga, Caadil AlJubayr, ayaa mar labaad bartiisa Twitterka ku baahiyey liiska arimaha laga dalbaday Qatar ee ay ka mid yihiin in ay joojiso maal gelinta argag ixisadu ay yihiin kuwo aan gorgortan geli karin. 
BOGGA CAYAARAHA 
SANCHEZ OO XAQIIJIYAY INUU GO’AAN KA GAARAY MUSTAQBALKIISA KOOXDA ARSENAL
Alexis Sanchez ayaa shaaciyay inuu gaaray go’aanka ka dhanka ah Mustaqbalkiisa kooxda Ars enal balse wuxuu diiday inuu xaqiijiyo inuu joogayo iyo kale kooxdaan xilli ciyaareedyada soo aadan. 28sano jirkaan ayaa wuxuu qandaraaskiisa Gunnerska kaga harsan kalliya hal sano, wuxuuna kamid yahay bartilmaameedyadda ugu sareera ee kooxda Manchester City ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda. Pep Guardiola ayaa la fahansan yahay inuu ku kulsoon yahay inuu ku guuleysanayo saxiixiisa, waxaana Arsenal dhankeeda ay ku qasbanaan doonaa inay iska iibiyaan hadii weeraryahankaan uu diido inuu heshiis kordhin sameeyo. Sikastaba, Sanchez, ayaa la warinayaa in dooqiisa koowaad uu yahay ku biiritaanka City, halkaas uu kaga horeeyay macalinkii uu kasoo hoos shaqeeyay ee Guardiola waayhiisa Barcelona, si uu dib ula midoobo. Mar la weydiiyay in saaxiibkiisa ay kawadda tirsan yihiin Xulka Chile ee Claudio Bravo inuu kula biirayo City, xagaagan isagoo ku guda jira Shir jaraa’id ayaa wuxuu ku jawaabay Sanchez: ‘Su’aal wanagsan! Hadda waxaan diiradda saarayaa Koobka Confederations Cup, marka uu soo gaba gaboobo ayaan arki doonaa hadii aan joogayo iyo hadii aan baxayo hadda ma garan karo. Haddana waxaana la weydiiyay hadii uu go’aan ka gaaray go’aan shaqsi ahaantiisa ah, oo ku aadan Mustaqbalkiisa ayuu yiri: "Haa, waa uu ii cad yahay Mustaqbalkeyda Balse adiga kuuma sheegaayay! 
JURGEN KLOPP: HALKAN ARIN AYAA IGA GO,AN INTA LAGU JIRO ISKU DIYAARINTA XILLI CIYAAREEDKA CUSUB 
Tababaraha kooxda Liverpool ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee kooxdiisa u bilaabmi doona todobaadka dambe. Liverpool ayaa xilli ciyaareedka dambe ka soo muuqan doonta tartanka champions league ka dib markii ay xilli ciyaareedkii hore ku dhamaystay kaalinta 4aad ee kala saraynta horyaalka Premier league. Kooxda uu hogaamiyo tababare Klopp ayaa xilli ciyaareedka dambe gali doonta wakhti muhiim ah maadama ay ka qayb qaadan doonto 4 tartan oo muhiim ah. "xiddigaha kooxda ayaa si fiican isku baranaya iskulana qabsanaya qaab ciyaareedkooda inta ay garoonka ku jiraan waana Arinta muhiimka ka dhigtay” xiddigaha kooxda Liverpool qaar ka mid ah ku soo laaban doonaan tababarka kooxda 4ta bisha oo ku beegan Maalin salaasa ah.
 MBAPPE OO LA HORDHIGAY LABO DARAN MID DOORO, MAXAY YIHIIN, YAASE HORDHIGAY?
Kylian Mbappe, wuxuu kamid noqday xiddigaha loogu doon doonis ta badan yahay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee dhamaan horyaalad da Yurub, waxaana baacsanaya kooxo waa weyn. Kooxaha ila iyo haatan la xaqiijiyay inay doonayaan islamarkaana dalabyadooda ay yaaqaan kooxdiisa, ayaa waxaa kamid ah, Real Madrid, PSG iyo Liverpool iyadoona tartankaa ay isaga hartay Arsenal. Wiilkaan 18sano jirka ay ayaa waxaa hortaala labo daran mid dooro, taas oo ah inuu kasoo ta go kooxdiisa, islamarkaana uu yimaado mid kood, kooxahaan, isagoo aanan hubi booskiisa xilli ciya areedka cusub. Sidoo Kale, arinta kale ayaa waxay tahay in uusan hubi booskiisa Koobka aduunka, ee wadan kiisa Faransiiska ee 2018ka, si la markaana hadii uu ka dhaqaaqo kooxdiisa uu sii noqon doono mid aan lasii saadaalin karin.
 LEONARDO BONUCCI OO U SHEEGAY SAAXIBO KU DHAW KOOXDA UU DOONAYO IN UU KAGA WAREEGO JUVENTUS,CHELSEA ,UNITED MISE BARCELONA?.
Sida Tuuto Sport sheegeyso , ayaa door bidaya in kooxdiisa Juventus uu xagaagaan ugu war eego kooxda Barcelona ee horyaalka Italy Arintaan ayaa imaaneysa xilli laacibkaas uu bartilmaameed xooggan uu ahaa kooxda Chelsea oo illaa xagaagii hore baacsaneysay xilli ay ku wehlisay Man United Waxaa lala leeyahay, Leonardo Bonucci ayaa saaxibo ku dhaw oo Juventus ah u sheegay in haddii ay dhacdo in xagaagaan uu ka huleelo Juve in uu door bidayo Barcelona Juve kuma talo jiraan in ay iibiyaan balse waa ay u dhago nugul yihiin haddii laacibkaas uu toos u dalbado in la fasaxo xagaagaan waa ayna la xaajoonayaan kooxda uu isaga doorto Waxaa la filayaa in qiimaha 30 sano jirkaas reer Italy uusan ka yaraan doonin 70 milyan euro 
CHELSEA OO QARKA U SAARAN INAY 125 MILYAN GINNI KU SOO XEROGELISO SEDDEXDAAN XIDDIG
Chelsea ayaa diyaar u ah inay 125 milyan ginni ku soo gacangeliso seddexda xiddig ee diirada u saaran xagaagan, sida ay qortay jariirada The Sun ee ka soo baxda dalka Ingariiska. Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa doonaya inuu soo gabagabeeyo heshiisyada uu ku soo xerogelinayo Tiemoue Bakayoko, Antonio Rudiger iyo Alex Sandro ka hor xilli ciyaareedka ay ku difaacanayaan Premier League. Chelsea ayaa la fahamsan yahay inay ku dhow dahay inay 35 milyan ginni ku soo xerogeliso xiddiga khadka dhexe ee Monaco Bakayoko. Waxaana soo raaci doona daafaca Jarmalka Rudiger kaasoo la filayo inuu heshiis 30 milyan ginni ah uga soo tago kooxda Talyaaniga ee AS Roma. Conte ayaa dhameystiri doona seddexleyda saxiixyadiisa marka uu 60 milyan ginni kula soo wareego daafaca garabka ka ciyaara ee Juventus Alex Sandro bilowga isbuuca danbe sida ay shee gtay jariirada Telegraph. Waxaa jirta niyadsami ay ka qabaan kooxda heysata horyalka Ingariiska inay Sandro keeni kar aan kooxda xagaagan haddii qiimihiisa uu macquul yahay. Haddii heshiiskiisa lagu najaxo waxa uu Sandro noqon doonaa xiddiga ugu qaalisanaa taa riikhda Chelsea isagoo dhaafi doona lacagtii 50ka milyan ginni ee ay Chelsea uga soo iibsatay Fernando Torres kooxda Liverpool sannadii 2011. 26 jirkan daafaca bidix ayaa seddex sannadood ay uga harsan tahay qandaraaskiisa haatan ee Juventus, waxaana ay Bianconeri diyaar u tahay inay ka saxiixdo qandaraas cusub si ay meesha uga saaraan xiisaha Chelsea. 
CONFEDERATIONS CUP PLAYOFF JULY 
2 15:00Portugal? ? Mexico 21:00Chile? ? Germany



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip