Puntland oo bilowday hawlgal ay ku baacsanayso Daacish

0
Saturday July 01, 2017 - 23:53:22 in Wararka by
  • Visits: 453
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo bilowday hawlgal ay ku baacsanayso Daacish

    Ciidamada Daraawiishta Puntland, ayaa maanta bilaabay hawlgal maleeshiyada Daacish looga sifeynayo duleedyada Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Daraawiishta Puntland, ayaa maanta bilaabay hawlgal maleeshiyada Daacish looga sifeynayo duleedyada Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Ciidamada Daraawiishta, ayaa maanta gaaray Deegaanka Karimo oo 45km u jirta Degmada Qandala, halkaasoo ay laba toddobaad ka hor maleeshiyada Daacish ku dishay dad rayid ah.

Maleeshiyada, ayaa waxaa la sheegay in ay isaga baxeen deegaankaasi, ka hor intii aanay soo gaarin Ciidamada Daraawiishta, oo u qalab qaatay in ay cagta mariyan kooxaha nabadiidka.

Gudoomiyaha Degmada Qandala, Jaamac Maxamed Quurshe, ayaa xaqiijiyay in Karimo ay u taggeen, sidii ay uga sifeyn lahaayen dagaal-yahanada taabacsan Ururka Daacish.

Gudoomiyaha, ayaa ku waramaya in ay ku wajahan yihiin dhammaanba dhulka ay Daacish kaga sugan tahay deegaanada hoos-tagga Degmada Qandala, si looga badbaadiyo in ay dadka ku waxyeeleeyan, sida uu yiri.

Quurshe, ayaa dadka deegaanka kaga digay in ay gacan siiyaan maleeshiyada Daacish, isaga oo ku hanjabay ciddii ay ku hellaan inay gacan u fidisay Daacish, ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Wasiirka Amniga Puntland, Cabdi Xersi Cali (Qarjab), ayaa maalintii Khamiista ku dhawaaqay inay markaan duulaan ku yihiin Shabaabka iyo Daacishta ku sugan Buuraha Gobolka Bari.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip