Al Shabaab Oo 90 Oday Ku Xidhay Deegaanka Xarar Dheere

0
Saturday July 01, 2017 - 23:07:58 in Wararka by
  • Visits: 390
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo 90 Oday Ku Xidhay Deegaanka Xarar Dheere

    Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in maamulkiisa uu wada hadalo la geli doono Ururka Ahlusuna ee fadhigiisu yahay magaalada Dhuusa Mareeb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in maamulkiisa uu wada hadalo la geli doono Ururka Ahlusuna ee fadhigiisu yahay magaalada Dhuusa Mareeb

Xaaf oo la hadlayay Idaacada VOA ayaa sheegay in muddo dhow ay ku rajo weyn yihiin inay is hor fariistaan, si loo xaliyo khilaafka jira.

"Anaga iyo Ahlusuna dad kala soocan oo kala fog ma nihin, waxaa rajo weyn ka qabaa muddo dhow inaan is fahano oo aan ka heshiino wixii jira”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.



Waxaa uu sheegay in wixii awood qeybsi ah laga hadli doono marka la heshiiyo oo la wada hadlo, hase ahaatee waxaa uu soo jeediyay in la isu furo labada dhinac ee ay ka kala taliyaan.

"Waxaan soo jeedinayaa in la is dhex maro oo si caadi ah la isku dhex maro, hada ciidamadeena waxay joogaan Godinlabe, ayagana waxay joogaan Mareergur, marka in la kala qaado difaacaas yaala aad ayay muhiim ugu tahay wada hadalada”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay inay rajo ka qabaan in labada bilood ee soo socota lagu dhameyn doono wixii khilaaf ee ka dhex jira.

Ahlusuna ayaa dhowaan sheegtay in aanay quseyn doorashadii Madaxweyne Xaaf ee bishii May ka dhacday magaalada Cadaado.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa bishii April ku guuldareysatay inay wada hadalsiiso labada dhinac, si ay heshiis u wada gaaraan, hase ahaatee warqad ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa Urur Goboleedka IGAD waxaa looga codsaday inuu fududeeyo, gacana ka geysto wada hadalsiinta Galmudug iyo Ahulsuna.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip