Baaritaan deg deg ah oo ku socda Marine Le Pen

0
Saturday July 01, 2017 - 11:29:22 in Wararka by
  • Visits: 467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baaritaan deg deg ah oo ku socda Marine Le Pen

    Haweeneyda hogaamisa xisbiga midig fog ee National Front ee dalka Faransiiska, Marine Le Pen ayaa waxaa ku socda baaritaan ah in ay lunsatay lacag uu siiyay baarlamaanka Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweeneyda hogaamisa xisbiga midig fog ee National Front ee dalka Faransiiska, Marine Le Pen ayaa waxaa ku socda baaritaan ah in ay lunsatay lacag uu siiyay baarlamaanka Yurub.

Ms Le Pen ayaa xilligii uu socday ololaha doorashada waxa ay diiday in ay ka jawaabto su’aalo ku aaddan eedeymaha ah in ay ku tagri fashay maalka umadda.

Haweeneydan ayaa gaartay wareegga kama dambeysta ah ee doorashadii madaxtinimada ee Faransiiska ka dhacday bishii hore, ka dib markii musharraxa xisbiga Jamhuuriga, Francois Fillon uu saaxadda kaga baxay eedeymo ah inuu xaaskiisa siiyay mushaar aanay xaq u lahayn.

Dembi baarayaasha Faransiiska ayaa hadda baaritaan rasmi ah ku billaabay Ms Le Pen, oo loo haysto inay ku tagri fashay lacag dadweynuhu leeyahay oo lagu aaminay.



 

Ms Le Pen ayaa horay u beenisay in ay wax khalad ah gashay, waxaana ay sheegtay in baaritaanka uu yahay mid ay siyaasadaysan. Waxa ay intaa ku dartay in ay iska difaaci doonto dacwad kasta oo lagu soo oogo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip