WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 1-DA LUULYO 2017-KA

0
Saturday July 01, 2017 - 11:00:31 in Wararka by
  • Visits: 584
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 1-DA LUULYO 2017-KA

    KHAYRE "BEESHA CAALAMKA WAY U SOO JEESATAY WAX U QABASHADA SOOMAALIYA" Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay wad amada Caalamka in ay u soo jeesteen wax u qabashada Soomaaliya, loona baahan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KHAYRE "BEESHA CAALAMKA WAY U SOO JEESATAY WAX U QABASHADA SOOMAALIYA" Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay wad amada Caalamka in ay u soo jeesteen wax u qabashada Soomaaliya, loona baahan yahay shacabka Soomaaliyeed arrintaasi in ay taageeraan.

 

Waxa uu sheegay Soomaaliya mudo badan in ay ku soo jirtay dhibaato iyo Dagaalo, wixii hada ka da mbeeyana loo baahan yahay sidii looga wada shaqeyn lahaa sidii horey ay ugu sii socon laheyd.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay shacabka Soomaaliyeed in laga do onayo in ay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka, maadaama Beesha Caalamka ay taageero dhan walba ah Soomaaliya la garab taagan tahay.

"Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa aduunyadu way u soo jeedaa Soomaaliya, Aduu nyadu waxay diyaar u tahay in ay wax nala qabato oo ay nala shaqeysato, dadka Soomaaliyeed waxa ana ka codsanayaa in ay u istaagaan sidii dalka dib loogu dhisi lahaa” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kha yre.

Khayre wuxuu kaloo sheegay isaga, Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee Dowladda in ay u ist aageen sidii Soomaaliya ay horey ugu sii socon laheyd, si loo gaaro hormaro balaaran.

Hadalkan ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre sheegay xilli uu daraad la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibaddda dalka Norway, kaasi oo booqasho ku yimid Muqdisho.

MAXKAMADDA CIIDAMADA PUNTLAND OO DIL KU FULISAY TODOBO XUBNOOD OO ALSHABAAB KA TIRSANAA

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa shalay xukun dil ah ku fulisay todoba ruux oo lagu soo eedeeyay inay ka tirsanaayeen kooxda AlShabaab, halka qaarkood dilal ka geysteen magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ee shanta Gobol Puntland, Gaashaanle Sa re Cawil Axmed Faarax oo xukunka dilka ah lagu fuliyay ku dhawaaqay ayaa wuxuuna sheegay in rag an horey xukun dil ah loogu riday, balse shalay lagu fuliyay xukunkooda.

Shan ka mid ah raggaan dilka lagu fuliyay ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Boosaaso iya goo hub soo gelinayay, halka mid kamid ah uu ku eedeysnaa dilka 23 qof oo Gaalkacyo lagu dilay wa xaana uu sheegay guddoomiyaha maxkamaddu in uu qirtay eedeysanaha, halka kan ninka kale uu dil iyo dhaawac ka geystey Hotel Cagaar weyne ee Gaalkacyo, kaasoo isagoo dhaawac ah lasoo qabtay.

Shanta qof ee qaraxyada lagu qabtey bishii Abril 2017 ayaa magacyadooda lagu kala sheegay

Cabbaas Ibraahim Yare Adam

Ibraahim Maxamed Canshuur

Dhaqane Cabdi Aadan Xasan

Aadan Nuur Aada

Nuur Cabdi Aadan Isaaq

Labada nin ee kale ee dil sugayaasha ahaa ee muddada labada sano ah dilka ku xukunaa ee shalay la diley ayaa magacyadooda lagu sheegay

Cabdulqaadir Maxamed Cali, maxkamaddu waxay sheegtey in uu diley 23 marxuum oo ay ku jiraan masuuliyiin

Cabdixakiin Xasan Xaamud

MIDOWGA AFRIKA OO KA HADLAY XIISA DA WADAMADA KHALIIJKA

Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxweynaha dalka Guinea Alpha Conde ayaa ka hadl ay xiisada u dhaxeysa Dowladda Qadar iyo qaar ka tirsan dalalka Carbeed, Wuxuuna sheegay muhi im in ay tahay xiisada in loo bedelo wada hadal iyo nabadeyn.

"Argagixisada ma ahan arrin u taalla Sacuudiga iyo Abu Dabi, waa dhibaato caalami ah oo taab atay Afrika, waa waxa shalay ka socda dalalka Mali, Nigeria, Cameroon iyo kuwo kale” Ayuu yiri.

Wuxuu sheegay Boqorka Sacuudiga in ay isla garteen in ay la dagaalamaan Argagixisada, waxna la ga qabto dalalka maalgeliya.

Sidoo kale Alpha Conde ayaa yiri " Hadii dalal saaxiibo ah oo uu soo kala dhexgalo khilaaf, wax aa khasab nagu ah inaan xalino, waana taasi sababta aan u rabno inaanu dhexdhexaadino xiisada ka taagan khaliijka”.

QARAXYO KHASAARO NAFEED GEYSTAY OO MUQDISHO KA DHACAY

Laba qarax oo loo adeegsaday miinooyin kuwaasi oo mid lala eegtay gaadiidka AMISOM kan kalena baabuur ay la socdeen xubno ka tirsan milatariga dawladda, ayaa shalay ka dhacay magaal ada Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dawladda ayaa dhintay mid kalena wuu dhaawacmay kadib markii qarax loogu xiray baabuur ay la socdeen agagaarka isgoyska EXKontorool ee Afgooye.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijyay in qaraxa uu ahaa mid Baabuurka lagu soo xiray islamarkaasna qeybta darawalka ku aadan uu xoogiisa ka dhacay.

Sidoo kale Goobjoogayaasha waxeey xaqiijiyeen in markii uu qaraxa dhacay kadib ay arkeen mid kamid ah askartii saarneyd oo uu Hilibkiisa go go’ay.

Ilaa iyo hada majirto koox sheegatay qaraxyadan, balse inta badan alshabaab oo ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM dagaal kula jirta ayaa inta badan sheegata qaraxyada iyo dilalka qorshe ysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Sidoo kale qaraxyadaan ayaa kusoo aadaya xili amniga Caasimadda Muqdisho ay la wareegeen ciidamo gaar ah oo la magic baxay ciidamada Xasilinta.

MAAMULKA KOONFUR GALBEED OO CIIDAN GURMAD AH U DIRTAY ABUU MANSUUR

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Maamulka Koonfur Galbeed, ay ciidan gurmad ah u direen Mukhtaar Roobow Cali, oo xilligan la sheegay inay hareereeyeen dagaa lyahanada Ururka Al Shabaab.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo ciidan uu wato, ayaa ku sugan miyiga deegaanka Abal, oo qiyaastii 18km u jirta Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, waxaana la sheegay in deegaa nkaasi ay ku hareereeyeen dagaalyahanada Al Shabaab.

Ciidamada Koonfur Galbeed, ayaa gelinkii dambe ee daraad gaaray deegaanka Baano, oo 8km u jirta deegaanka uu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow Cali. Ujeedada ciidamadan ayaa ah inay ga can siiyaan Abuu Mansuur.

Rooboow, ayaa waxaa xilligan la soo sheegaya in deegaankaasi ay ku wehlinayan ciidan ku heyb ah. waanahalka uu ku dhashay.

Mareykanka, ayaa toddobaadkii hore la sheegay in liiska argagixisada uu ka saaray Abuu Man suur, ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in wada hadalo uu kula jiro Dowladda Feder aalka Somaliya.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan uu Abuu Mansuur ka dhaadhiciyay in uu wada hadalo la furo Dowladda Somaliya.

MIDOWGA AFRIKA OO KA HADLAY XIIS ADA WADAMADA KHALIIJKA

Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxweynaha dalka Guinea Alpha Conde ayaa ka ha dlay xiisada u dhaxeysa Dowladda Qadar iyo qaar ka tirsan dalalka Carbeed, Wuxuuna sheegay muh iim in ay tahay xiisada in loo bedelo wada hadal iyo nabadeyn.

"Argagixisada ma ahan arrin u taalla Sacuudiga iyo Abu Dabi, waa dhibaato caalami ah oo taabatay Afrika, waa waxa shalay ka socda dalalka Mali, Nigeria, Cameroon iyo kuwo kale” Ayuu yiri.

Wuxuu sheegay Boqorka Sacuudiga in ay isla garteen in ay la dagaalamaan Argagixisada, waxna la ga qabto dalalka maalgeliya.

Sidoo kale Alpha Conde ayaa yiri " Hadii dalal saaxiibo ah oo uu soo kala dhexgalo khilaaf, waxaa khasab nagu ah inaan xalino, waana taasi sababta aan u rabno inaanu dhexdhexaadino xiisada ka taagan khaliijka”.

AMARKII TRUMP OO XALAY DHAQAN GALAY

Amarkii uu Madaxweyne Donald Trump uu uga mam nuucay inay galaan dalka Mareykanka, qaxootiga iyo muwa adiniinta ka soo jeeda lix waddan oo ka mid ah dalalka Isla amka ayaa dhaqan galay xalay 8dii fiidnimo xilliga gobolada Bari ee dalka Mareykanka.

Xayiraada Madaxweyne Donald Trump ayaa waxa ay socon doontaa mudo 90 cisho ah, waxaana 90ka beri la filayaa in cadaadis la saaro dadka sharci darada ku galaya Mareykanka.

Amarkan ayaanan qaban doonin shakhsiyaadka Ma reykanka ay u joogan dad ka mid ah Qoyskooda iyo dadka ku leh Ganacsiga hadii ay heystaan dal ku gal sax ah.

Saraakiisha Socdaalka Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay sharcigan in ay ka badbaadi doo naan dadka mar hore loo sii sheegay in ay Mareykanka tagi doonaan ka hor 6da Bisha July.

Dadka bartilmaameedka u ah amarka Madaxweynaha Mareykanka ayaa ah muwaadiniinta u dhashay dalalka Iran, Libya, Somalia, Sudan, Syria and Yemen.

Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka ayaa u xaqiijisay dadka musaafurka ah in aysan la kulmi doonin iskdhaxyaacii ka dhacay garoomada diyaaradaha markii ugu horeysay ee uu dhaqan galay amarkii Madaxweyne Trump bishii March ee sanadkaan.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa Isniintii dib u fasaxday amarka Madaxweynaha Marey kanka uu si kumeel gaar ah ugu diiday in ay Mareykanka ku tagaan muwaadiniinta u dhashay lix wad dan oo ka mid ah dalalka Dunida Islaamka.

SOOMAALI LAGU HELAY ARGAGIXIS ANIMO OO LAGU XIRAY MAREYKANKA

C/raxmaan Sheekh Maxamuud oo Somaliamerican ah ayaa Maxkamad ku taalla magaalada Ohio wuxuu ka hor qiratay in uu ku biiri rabay koox lagu magacaabo Alnusra oo ah garab ka mid ah Alqaacida, Tababarna uu la soo qaatay.

Sidoo kale C/raxmaan wuxuu 2015kii Maxkamadda ka hor sheegay in koox Argagixiso ah uu siiyay Qalab iyo agabyo kale oo lagu tababarto.

C/raxmaan 2014kii ayuu helay Baasaboorka dalka Mareykanka, kadibna wuxuu safar ku aaday dalka Giriiga, halkaasi oo uu kaga sii safray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ugu dambeyna wu xuu galay Syria, halkaasi oo uu ku soo tababartay.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Guud ee Maxkamadda magaalada Ohio wuxuu sheegay ninkan in uu qor sheynayay in uu weeraro ka geysto qeybo ka mid ah Mareykanka.

Wuxuu kaloo sheegay Xeer ilaaliye ku xigeenka in marka hore FBIda ay ahmiyada koowaad siinayaan sidii ay u heli lahaayeen xogo dheeraad ah, kadibna uu soo bixi doono xukunka lagu ridayo C/raxmaan.

C/raxmaan ayaa dalka Mareyaknka wuxuu dib ugu soo laabtay kadib markii walaalkiisa uu ku dhintay Syria, kaasi oo qeyb ka ahaa ururka hada uu la tababaranayay C/raxmaan.

Gudaha dalka Mareykanka ayaa shakhsigii lagu helo dambi ah Argagixisanimo waxaa lagu xukumaa in ka badan 15 sano oo xabsi ah, balse weli C/raxmaan wax xukun ah laguma ridin oo baari taano dheeraad ah ayaa ku socda.

KENYA OO NOQOTAY WADANKII UGU HOR EEYAY EE LAGA ISTICMAALO DAAWADA CUSUB EE AIDS

Wadanka Kenya oo ka mid ah dalalka Afrika ee halista ku haaya cudurka dilaaga ah ee HIV/ AIDS, waxayna Kenya noqotay dalkii ugu horeeyay ee Afrika oo la gaarsiiyay daawada cusub ee HIV, kaasoo qofka ka saacidaaya inuu helo nolol dheeri ah.

Daawadaan oo lagu magacaabo DTG ayaa waxaa laga soo saaray dalka Mareykanka iyadoo la ansixiyay sanadkii 2013kii, waxaana la siiyay 20,000 bukaano ah oo reer Kenya, kuwaasi oo ku caa fimaaday, helayna awood aysan heysan ka hor inta aysan qaadan dawadaani.Doughtiest Ogutu oo mudo 15 sano la nool cudurka HIV ayaa sheegtay in ka hor inta aysan qaadan daawada DTG ay ah eyd qof bukaan ah oo aan cunto xitaa cuni jirin, markii ay bilowday qaadashada daawadaani ay u furantahay cuntadii.

Waxay intaa raacisay in xadiga dhiigeeda ee HIV uu hoos ugu dhacay 40,000 halkii markii hore uu ka ahaa 450,000.Laakiin dhibaatada jirta ayaa ah in dawadaani aysan qaadan karin dadka reer tab areedka ah ama dadka kale ee nolosha hoose ku cool, maadaama ay tahay mid qaali ah.Inkastoo ay jirto hay’adda UNITAID ay dadka ku tabarucdo daawada cusub ee DTG ee HIV, taasoo dabooli karin baahida iyo tirada dadka ku nool Kenya iyo dalalka kale ee Afrika.Sanad ka hor, dalalka Uganda iyo Nigeria ayaa lagu bilaabay daawadaan oo dad badan ay ku heleen nolol iyo niyad wanaagsan oo bulshada ay wax kula qeybsadaan.

SUCUUDIGA OO BEENIYEY IN BIN NAAY IF XABSI GURI LAGU SOO ROGAY

Kuwani waa bogag dibedda ah, waxayna ku furmayaan bog cusub La wadaag qodobkan Face book La wadaag qodobkan Twitter La wadaag qodobkan Messenger La wadaag qodobkan Email La wadaag

Masuul sare oo Sucuudi ah yaa beeniyey warbixin uu qoray wargeyska New York Times oo sheegaysay in Sucuudigu xabsi guri ku soo rogay Amiir Maxamed Bin Naayif isla markaana laga ma mnuucay inuu dalka dibaddiisa u safro ka dib markii Boqorka Salmaanka Sucuudigu ka qaaday xilkii dhaxal sugenimo kuna bedelay wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa masuulkaa Sucuudiga ah ka soo xigatay inuu yidhi "Max amed Bin Naayif, wasiirkii hore ee arimaha gudaha ee ruug caddaaga ahaa weli sidii buu u qaabilaa martida u timaad mana jirto wax xayiraad socdaal ah oo lagu soo rogay isaga iyo qoyskiisa toona".

Wargeyska Maraykana ahi wuxuu warbixin uu baahiyey Khamiistii isagoo soo xiganaya afar masuul oo iskugu jira kuwo hore iyo kuwo haatan xilal haya oo ay aad isugu dhawyihiin qoyska boqort ooyada Sucuudiga, ku sheegay in ay yidhaahdeen in Maxamed Bin Naayif "laga mamnuucay inuu boqortooyada ka baxo isla markaana lagu xukumay inuu xabsi guri ku joogo qasrigiisa" ku yaal mag aalada Jiddah.

Laakiin masuulkan sare ee Sucuudiga ah ee la hadlay wakaaladda wararka Reuters, ayaa shee gay in uu aad uga xunyahay warbixinta uu wargeyskaasi baahiyey waxaanu ku tilmaamay mid "been abuur ah" waxaanu hadalkiisa ku sii daray in "Maxamed Bin Naayif damacsanyahay inuu sharciga la tiigsadao wargeyskaa".

Wargeyska New York Times wuxu ku waramay in xayiraadda cusub ee lagu soo rogay Amiirka la casilay ee 57 jirka ah "looga gol leeyahay in laga hor tago mucaaradnimo suurto gal ah oo uu kala hor iman karo dhaxal sugaha cusub, Maxamed Bin Salmaan, oo 31 jir ah. Sidoo kalena ay tibaaxayso cabsida laga qabo in hadii Maxamed Bin Naayif shacabka dhex socdo ay keeni karto in dadka iyo qa ar ka mid ah qoyska boqortooyada ee ka cadhooday isbedelkani ay taageeraan amiirka la casilay".

FARMAAJO OO MUQDISHO UGA QAYBGALAY OLOLAHA NADAAFADDA ..

Maxamed C/laahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyad da Somaliya, ayaa daraad ololaha qashin uruurinta uga qaybgalay Magaalada Muqdisho.

Dowladda, ayaa mar sii horeysay ku dhawaaqday in bil kas taba 29keeda la qaban doono maalin ay ugu magacdartay ololaha nadaafadda, ayna qayb qaadan doonaan Shaqaalaha Dowladda.

Qashin uruurintan oo daraad laga bilaabay Xarunta Madaxto oyada Somaliya, ayaa waxaa Madaxweynaha kala qayb qaatay Shaqaalaha Dowladda iyo shacabka reer Muqdisho qaarkood.

Dhalinyaradii ka qaybgashay ololaha qashin uruurinta ee la ga sameeyay Villa Somalia, ayaa soo dhaweysay in si wada jira loo ga wada shaqeeyo billicda Caasimadda.

Waxay noqoneysaa dowladdii ugu horeysay oo bishiiba maa lin u muddeysa barnaamijka dib loogu soo noolleeyo billicdii Caasimadda Muqdisho, tan iyo markii ay dhacday Dowladdii Dhe xe.

DAACISH OO UGU DAMBEEN LAGA SAARAY MASAAJIDKA ALNURI ..

Ciidamada Militariga Ciraaq, ayaa muddo dheer ka dib gaa ray Masaajidka qadiimiga ah ee Alnuri ee Magaalada Mosul. Masa ajidkan waa halkii saddex sano looga dhawaaqay Ururka Daacish, oo isu magacaabay (Dowladda Khilaafada Islaamka).

Militariga Ciraaq, ayaa saakay gulufkii ugu dambeeyay oo ay ku qabsadeen Masaajidka Alnuri ku qaaday maleeshiyada Daacish, iyagoona ka saaray dhismaha Masaajidkaasi.

Waxaase soo baxaya in weli maleeshiyada Daacish ay ku sugan yihiin xaafadaha ku teedsan Masaajidka, oo muddo sideed boqol oo sano dhisan.

Daacish waxaa toddobaadkii hore lagu eedeeyay in ay burburisay dhismaha Masaajidka, balse Daacish oo eedeymahaasi iska fogeysay, ayaa sheegtay in burburka Masaajidka ay ka dambeeyan Dowladaha Mareykanka iyo Ciraaq.

Masaajidka Alnuri iyo dhismooyinka kale ee ku dhow dhow, ayaa waxaa ka muuqanaya burbur baaxad leh, waana dhul si weyn loogu dagaalamay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Marka laga hadlayo dagaalada ka soconaya Magaalada Mosul oo socday sideedii bilood ee la soo dhaafay, ayaa waxaa hadda la leeyahay waxaa ay ku dhow yihiin heer gebagebo ah.

Daacish marxalado kala duwan ayay soo martay, waxayse marxaladda hadda taagan u muuqat aa middii ugu adkeyd ee Daacish soo marta, mudadii ay jirtay.

91 NIN OO LAGA SII DAAYAY XABSIGA DHEXE XAMAR & LACAGO LA SIIYAY

91 nin oo maxaabiis ahaa, ayaa waxaa goor dhow laga sii daayay Xabsiga Dhexe Xamar, ka dib cafis uu u sameeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo.

Magacyada dadkan, ayaa waxaa soo gudbiyay guddi uu Madaxweynaha Somaliya u xil saaray inay soo qoraan magacyada dadka dembiyada fudud ugu xiran Xabsiga Dhexe.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliyeed, General Xuseen Xasan Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay Xabsiga Dhexe, ayaa tilmaamay in dadkan lagu sii daayay cafis uu u sameeyay Madax weynaha.

Taliyaha, ayaa sheegay in dadkaasi ay yihiin kuwa qaba dembiyo fudud, sida buu yiri caasi waalideen, isagoo intaa ku daray in qofkasta la siiyay labaatan dollar, oo gaari raac uu ka dhi gto.

Taliyaha, ayaa waxaa uu dadkaasi kula dardaarmay inay ka fogaadan in mar labaad lagu soo xi ro wixii ay hadda ugu xirnaayen Xabsiga Dhexe.

Maxaabiista oodda laga qaaday, ayaa soo dhaweysay cafiska uu u fidiyay Hogaamiyaha Wadanka, iyagoona kaga mahadceliyay naxariista uu u muujiyay.

Maalintii Talaadada, ayay ahayd markii sidaan oo kale Xabsiga Dhexe Xamar looga sii daayay 13 nin, oo uu cafis u fidiyay Madaxweynaha Farmaajo.

UHURU KENYATTA "CIIDAMADA KENYA KAMA BAXAYAAN SOOMAALIYA”

Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya kama bixi doonaan Soomaaliya waxaa sidaasi yiri Uh uru Kenyatta oo ah Madaxweynaha dalka Kenya, isaga oo ka jawaabayay hadal ka soo yeeray isb aheysiga Mucaaradka ah ee NASA, kaasi oo sheegay in Soomaaliya ay ka soo saari doonaan Cii damada Kenya.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Kenya in Mucaaradka aanan la aamini Karin, maadaama aysan heysan qorshe cad oo ay ku maamulayaan Kenya.

Kenyatta oo si hadlaya ayaa yiri "Markii aan shalay maqlay warka ka soo yeeray NASA, waan la yaa bay, waxa ay sheegeena waa wax aysan Kenya u qalmin”.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay Ciidanka Kenya ee joo ga Soomaaliya in ay qeyb ka yihiin Howlgalka AMISOM, sidaasi darteedna Soomaaliya ay ku sugnaan doonaan ilaa Ciidamada Dowladda Federaalka ay ka noqdaan kuwo la wareegi kara ammaanka dal kooda.

Mr. Uhuru sidoo kale wuxuu NASA ku eedeeyay in keliya Kenya ay u soo jiidayaan faqri iyo co laad aan dhamaad lahayn, isaga oo taa bedelkeeda taageerayaashiisa u balan qaaday in Kenya xaga sare uu gaarsiin doono.

Guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa si aad ah looga dareemayaa Ololaha Doorashada Ma daxtinimada Kenya, taasi oo mareysa heer gaba gabo ah, maadaama Doorashada ay dhaceyso Bisha August.

SAFIIRKA MAREYKANKA EE SOOMAALIYA OO TAGAY HARGEYSA

Magaalada Hargeysa ee caasimadda Maamulka Soomaaliland waxaa khamiistii socdaal ku tag ay Wafdi uu hoggaaminayay safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Nairobi Stephen Schwartz.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Hargeysa waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliland oo ay ka mid yihiin Wasiiro iyo xildhibaano.

Safiirka waxaa socdaalka ku wehlinayay Madaxa Hay’adda Maraykanka u qaabilsan caawimo oyinka dibadda ee USAID.Wafdigani waxay kulamo la yeesheen Kusimaha Madaxweynaha Soomaalil and, ahna Madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan C/laahi (Saylici), Golaha Wasiirada iyo sidoo kale Guddida Doorashada.

Kulanka kadib ayay warbaahinta u sheegeen ujeeddada socdaalkooda, waxayna sheegeen in uu la xiriiro Doorashooyinka la filayo inay qabsoomaan iyo arrimo kale.

MUNAASABAD LOOGU DABAAL DEGAYAY 1DA LUULYO OO XALAY LAGU QABTAY MUQDISHO .

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa xalay looga dabaal dagay xuska San adguurada 57aad ee ka soo wareegatay markii gobolada Koonfur 01dii July 1960Kii, ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga, Islamarkaana ku asteysan tahay Israacii Labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, ayaa waxaa ka qeyb galay, Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Guddoomiye ku xige enka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, xubno ka tirsan Labada Gole ee dowladda, Wakiilo ka kala socday dalalka Caalamka, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Gudoomi yaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, Gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo ururada Bulsha da.

Munaasabadda waxaa Qudbado ku saabsan taariikhda iyo halgankii dheeraa ee loo soo maray Xorriyadda Soomaaliya ka jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Dad waaya jog ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo ugu horeyn goobta ka hadlay wuxuu sheegay shacabka Soomaaliyeed in ay wajahayaan daruufo dhinacyo badan ah, oo ay ugu horeyso mid amni, wuxuuna tilmaamay in ay ku jiraan dadaaladii arrimahaasi looga gudbi lahaa.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye waxay dhankeeda sheegtay in la qabtay Tartan lagu maamuusayay 1da Luulyo, kaasi oo ugu dambeyn ay ku guuleysa tay kooxda Banaadir, oo ka adkaatay Horseed.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay shacabka Soomaaliyeed in uu saaran yahay waajib ah in ay cadowga dalkooda ka difaac aan, wuxuu intaasi raaciyay shacabka Soomaaliyeed in aysan waajibkooda ka soo bixin inta ay qar inayaan Shabaab, iyaguna aysan waxba ku qabsan Karin.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo khudbada ugu dambeysa ee Munaas abada ku soo dhaweynayay Madaxweynaha ayaa sheegay in ay na hortaagan yihiin Argagixso, Abaar, kala qu qubnaan iyo waxyaabo kale, si taasi looga gudbo ayuu dhalinyarada ugu baaqay in ay raacaan wadadii SYL.

Ugu dambeyn waxaa hadalka qaatay Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu shacabka Soomaaliy eed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Kowda Luulyo, isaga oo intaasi ku daray dhismayaasha Dow ladda in ay ugu magac dari doonaan dadkii gobonimada u soo halgamay.

BAARITAAN DEG DEG AH OO KU SOCDA MARINE LE PEN

Haweeneyda hogaamisa xisbiga midig fog ee National Front ee dalka Faransiiska, Marine Le Pen ayaa waxaa ku socda baaritaan ah in ay lunsatay lacag uu siiyay baarlamaanka Yurub.

Ms Le Pen ayaa xilligii uu socday ololaha doorashada waxa ay diiday in ay ka jawaabto su’aalo ku aaddan eedeymaha ah in ay ku tagri fashay maalka umadda.

Haweeneydan ayaa gaartay wareegga kama dambeysta ah ee doorashadii madaxtinimada ee Faransiiska ka dhacday bishii hore, ka dib markii musharraxa xisbiga Jamhuuriga, Francois Fillon uu saaxadda kaga baxay eedeymo ah inuu xaaskiisa siiyay mushaar aanay xaq u lahayn.

Dembi baarayaasha Faransiiska ayaa hadda baaritaan rasmi ah ku billaabay Ms Le Pen, oo loo haysto inay ku tagri fashay lacag dadweynuhu leeyahay oo lagu aaminay.

Ms Le Pen ayaa horay u beenisay in ay wax khalad ah gashay, waxaana ay sheegtay in baarit aanka uu yahay mid ay siyaasadaysan. Waxa ay intaa ku dartay in ay iska difaaci doonto dacwad kasta oo lagu soo oogo.

SHABAAB OO LAGA SAARAY DEEGAANO KA TIRSAN KOONFURTA SOOMAALIYA

Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegayaa in uu dagaal xoogan ku dhexmaray Ciidanka Xoogga Dalka iyo AlShabaab.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in AlShabaab ay kaga qabsadeen dagaalkaas deg mada Janaale iyo Deegaanka Murshaani.

Sidoo kale Saraakiisha dowladda ayaa sheegay inay khasaaro badan gaarsiiyeen AlShabaab oo dhibaato badan ku haayay shacabka ku nool deegaanada lala wareegay.

HALYAYADA MAN UNNITED OO DHIGOODA BARCELONA KU DUBTAY CAMP NOU, XILI RONALDINHO IYO DWIGHT YORKE AY INDHA XADEEN

Halyayada Manchester United ayaa awooday in ay guul wayn ku soo gaadhaan Camp Nou kadib markii ay 3:1 ugu awood sheegteen dhigooda Barcelona kulan samafal ahaa oo si wayn loo sugayay. Inkasta oo ay Barcelona u ciyaarayeen halyayo ay ka mid ahaayeen Ronaldinho, Rivaldo, Edgar Davids iyo Patrick Kluivert haddana waxaa guul raaxo leh Camp Nou ku soo gadhay odayaashii Manchester ka yimid.

Waxaa Manchester Unnited halyayadeeda guushan ku hogaamiyay Blomqvist, Karel Poborsky iyo Dwight Yorke oo gool xusuus leh ka dhaliyay Camp Nou kaas oo waliba soo kiciyay xusuustii finalkii Champions leaquega ee sanadkii 1999 kii markaas oo uu gool ku dhaliyay isla garo onkan Camp Nou ee uu goolka cajiibka ah ugu dhaliyay halyayada kooxdiisa Man United.

Blomqvist iyo Poborsky ayaa min hal go ol dhaliyay qaybtii hore iyo qaybtii danbe ee kulankan laakiin kabtankii Manchester United ee Dwight Yorke ayaa darbo uu ka soo tuuray meel ka baxsan xerada ganaaxa waxa uu ku ja maahiirta Man United ku xusuusiyay sanadkii 1999 kii markaas oo ay Man United saddexda koob kuwada guulaysatay.

Halyayada Barcelona ayaan kulanan u ciyaarin sidii looga bartay waxaana goolka cal anka xili danbe udhaliyay Frederic Dehu kaas oo ciyaarta ka dhigay 3:1 ay halyayada Man United guul ku gaadheen laakiin markale labadan halyay ayaa horaanta bisha September ku balansan Old Traffrod.

Inkasta oo ay halyayda Barcelona guuldaro kula kulmeen Camp Nou haddana Ronaldinho ayaa xirfadiisii layaabka lahayd waxa uu ku ceebeeyay halyayga Man United ee Blomqvist kaas oo uu dhulka ugu tuuray kadib markii uu kubbada si xarago leh uu lugihiisa uga dhex saaray wuxuuna ka soo jartay goolkii uu dhaliyay.

Ronaldinho in the Barca legends match v Man Utd today



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip