Hirshabeelle oo ka hadashay Dagaalka Sh/Dhexe

0
Friday June 30, 2017 - 12:30:02 in Wararka by
  • Visits: 454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hirshabeelle oo ka hadashay Dagaalka Sh/Dhexe

    Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay Dagaalka maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay Dagaalka maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Mahadaay C/laahi Maxamed Xuseen oo la hadlay Risaala ayaa sheegay Dagaalkii shalay ka dhacay degaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe in lagu dilay 11 Dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab.

Sidoo kale wuxuu sheegay Shabaabka la dilay in uu ku jiray Sarkaal Ajanabi ah, sidoo kalena la dhaawacay qaar kale oo ururka Al-shabaab ka tiranaa.

"Gobolka Shabeellaha Dhexa maalmahan waxaa ka socda Howlgal ka dhan ah Shabaab, oo uu hoggaaminayo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka, waxaan adin xaqiijin karnaa in la dilay 11 Dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan oo ay ku jiraan saraakiil oo mid ka mid ah uu yahay Ajnabi, kuwo kalena waala dhaawacay”. Ayuu yiri Guddoomiye C/laahi.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka oo isagana goor sii horeysay Risaala la hadlay wuxuu sheegay Howlgalka Shabeellaha Dhexe in uu yahay mid sii soconaya ilaa Shabaab lagaga saaro degaanada ay kaga sugan yihiin Shabeellaha Dhexe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip