Farmaajo oo Muqdisho uga qaybgalay ololaha nadaafadda (SAWIRRO)

0
Friday June 30, 2017 - 11:24:40 in Wararka by
  • Visits: 576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo Muqdisho uga qaybgalay ololaha nadaafadda (SAWIRRO)

    Maxamed C/laahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa khamiistii ololaha qashin uruurinta uga qaybgalay Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed C/laahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa khamiistii ololaha qashin uruurinta uga qaybgalay Magaalada Muqdisho.

Dowladda, ayaa mar sii horeysay ku dhawaaqday in bil kastaba 29-keeda la qaban doono maalin ay ugu magac-dartay ololaha nadaafadda, ayna qayb qaadan doonaan Shaqaalaha Dowladda.

Qashin uruurintan oo khamiistii laga bilaabay Xarunta Madaxtooyada Somaliya, ayaa waxaa Madaxweynaha kala qayb qaatay Shaqaalaha Dowladda iyo shacabka reer Muqdisho qaarkood.

Dhalinyaradii ka qaybgashay ololaha qashin uruurinta ee laga sameeyay Villa Somalia, ayaa soo dhaweysay in si wada jira looga wada shaqeeyo billicda Caasimadda.

Waxay noqoneysaa dowladdii ugu horeysay oo bishiiba maalin u muddeysa barnaamijka dib loogu soo noolleeyo billicdii Caasimadda Muqdisho, tan iyo markii ay dhacday Dowladdii Dhexe.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip