Maamulka Koonfur Galbeed oo ciidan gurmad ah u dirtay Abuu Mansuur

0
Friday June 30, 2017 - 11:05:34 in Wararka by
  • Visits: 462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Koonfur Galbeed oo ciidan gurmad ah u dirtay Abuu Mansuur

    Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Maamulka Koonfur Galbeed, ay ciidan gurmad ah u direen Mukhtaar Roobow Cali, oo xilligan la sheegay inay hareereeyeen dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Maamulka Koonfur Galbeed, ay ciidan gurmad ah u direen Mukhtaar Roobow Cali, oo xilligan la sheegay inay hareereeyeen dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo ciidan uu wato, ayaa ku sugan miyiga deegaanka Abal, oo qiyaastii 18km u jirta Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, waxaana la sheegay in deegaankaasi ay ku hareereeyeen dagaal-yahanada Al Shabaab.

Ciidamada Koonfur Galbeed, ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray deegaanka Baano, oo 8km u jirta deegaanka uu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow Cali. Ujeedada ciidamadan ayaa ah inay gacan siiyaan Abuu Mansuur.



Rooboow, ayaa waxaa xilligan la soo sheegaya in deegaankaasi ay ku wehlinayan ciidan ku heyb ah. waanahalka uu ku dhashay.

Mareykanka, ayaa toddobaadkii hore la sheegay in liiska argagixisada uu ka saaray Abuu Mansuur, ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in wada hadalo uu kula jiro Dowladda Federaalka Somaliya.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan uu Abuu Mansuur ka dhaadhiciyay in uu wada hadalo la furo Dowladda Somaliya.


 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip