Qarax AMISOM lagula eegtay Muqdisho

0
Friday June 30, 2017 - 10:52:35 in Wararka by
  • Visits: 523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax AMISOM lagula eegtay Muqdisho

    Qarax Miino ayaa kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM waxaa lagula eegtay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, sida ay warbaahinta Muqdisho qaar ka mid ahi ay u sheegeen dad goob joogayaal ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax Miino ayaa kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM waxaa lagula eegtay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, sida ay warbaahinta Muqdisho qaar ka mid ahi ay u sheegeen dad goob joogayaal ah.

 Qaraxa oo dhacay saakay Abaare 08:00 Subaxnimo ayaa waxaa laga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan degmooyinka ka ag dhowaa halkaasi  Dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay Qaraxa in lagu aasay waddada dhinaceeda uuna haleelay mid ka mid ah kolonyadii ay wateen Ciidanka AMISOM, balse ilaa hadda aanan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee gaaray Ciidanka AMISOM.

 

    "Mar Qura ayaan maqalnay jug xooggan, oo Qarax Miino u ekeyd, taasi oo ka dhacday waddada Warshadaha, cabbaar ka dib waxaan ogaanay in lala eegtay Ciidamada AMISOM, ka dib waxaan maqalnay Rasaas fara badan oo ay fureen Ciidanka AMISOM”. 

sidaasina waxaa yiri gabar  dadka deegaanka ka mid aheyd

Ururka Al-shabaab ayaa Qaraxyada nuucaan oo kale ah waxa ay Ciidanka AMISOM kula eegtaan waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo inta badan ay istcimaalaan Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

 weli wax masuul ah oo Amiso iyo dowldda ahba kama aysan hadlin qaraan oo weli faahfaahintiisa aan la helin ee xagga qsaraaha la xiriira




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip