Khayre "Beesha Caalamka way u soo jeesatay wax u qabashada Soomaaliya"

0
Friday June 30, 2017 - 10:34:23 in Wararka by
  • Visits: 451
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khayre "Beesha Caalamka way u soo jeesatay wax u qabashada Soomaaliya"

    Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay wadamada Caalamka in ay u soo jeesteen wax u qabashada Soomaaliya, loona baahan yahay shacabka Soomaaliyeed arrintaasi in ay taageeraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay wadamada Caalamka in ay u soo jeesteen wax u qabashada Soomaaliya, loona baahan yahay shacabka Soomaaliyeed arrintaasi in ay taageeraan.

Waxa uu sheegay Soomaaliya mudo badan in ay ku soo jirtay dhibaato iyo Dagaalo, wixii hada ka dambeeyana loo baahan yahay sidii looga wada shaqeyn lahaa sidii horey ay ugu sii socon laheyd.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay shacabka Soomaaliyeed in laga doonayo in ay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka, maadaama Beesha Caalamka ay taageero dhan walba ah Soomaaliya la garab taagan tahay.

"Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa aduunyadu way u soo jeedaa Soomaaliya, Aduunyadu waxay diyaar u tahay in ay wax nala qabato oo ay nala shaqeysato, dadka Soomaaliyeed waxaana ka codsanayaa in ay u istaagaan sidii dalka dib loogu dhisi lahaa” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Khayre wuxuu kaloo sheegay isaga, Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee Dowladda in ay u istaageen sidii Soomaaliya ay horey ugu sii socon laheyd, si loo gaaro hormaro balaaran.

Hadalkan ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre sheegay xilli uu shalay la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibaddda dalka Norway, kaasi oo booqasho ku yimid Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip