Ma taqaannaa ciyaaryahankii u horreeyay ee Afrikaan ah ee ka dheela Premier League?

0
Friday June 30, 2017 - 10:32:24 in Wararka by
  • Visits: 672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma taqaannaa ciyaaryahankii u horreeyay ee Afrikaan ah ee ka dheela Premier League?

    Ndlovu ayaa noqday Afrikaankii u horreeyay ee ka dheela naadi Horyaalka Ingiriiska ka tirsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ndlovu ayaa noqday Afrikaankii u horreeyay ee ka dheela naadi Horyaalka Ingiriiska ka tirsan

Xirfaddiisa kubaddu waxay ka billaabatay in uu kubad baco ka samaysan ku laadlaado wadooyinka Bulawayo oo ah magaalada labaad ee ugu wayn dalka Zimbabwe.

Mid ka mid ah ciyaarihii uu wadooyinka busta badan ku dheeli jiray ayuu ka dhaliyay 11 gool, si dhakhso ah ayuuna u soo jiitay indhaha tababarihi kooxda Highlanders ee da’yarta ahayd taas oo ka dhisnayd Bulawayo.

Wakhtigaas ayaana noqday billawgii xirfadda kubadda ee Peter Ndlovu oo markii dambe noqday ciyaartoygii koobaad ee Afrikaan madaw ah oo ka dheella Horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

Wakhtigaas kooxda Coventry City ayaa booqatay Zimbabwe si ay ciyaar is diyaarin ah ula soo yeeshaan kooxda qaranka ee Zimbabwe iyo kooxda Highlanders.

Labada kooxoodba wuu u saftay masuuliyiintii kooxda Coventry City ayaana jeclaystay wixii ay indhahooda ku arkeen.

"Waxaan xasuustaa in tababarihii kooxda Coventry City, John Sillett uu yiri wiilkan yar halkan kagama tagayo sidaas ayayna ahayd sidii ay ku bilaabatay hawshu, ayuu yiri Ndlovu

Khariidad

Ndlovu ayaa sheegay in uu dareemay "in ay wax cajiib ah tahay” in uu noqday ciyaaryahnkii koobaad ee Afrikaan ah ee ka dheela horyaal ay u badan tahay in u yahay kan ugu wanaagsan adduunka.

"Markaas waxaa jiray ciyaaryahanno badan oo Afrikaan ah laakiin marka aad ka soo dhex baxdo ee aad noqoto Afrikaankii u horeeyay ee ka dheela Horyaalka Ingiriiska. Xaqiiqatan wax wayn ayay ka dhigan tahay. Kayd ayay ii tahay. Ma garanayo erayo aan ku cabiro wax wayn ayayna ahayd,” ayuu yiri Ndlovu oo jidka u xaaray ciyaaryahanno badan oo Afrikaan ah oo isaga ka dib ku soo biiray Horyaalka Ingiriiska kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Didier Drogba, Samuel Eto, Michael Essien iyo qaar kale oo badan.

Ciyaaryahankan reer Zimbabwe ciyaartii u horaysay ee waxay ahayd middii Coventry City ay isku arkeen Arsenal xilli ciyaareedkii 1991/1992, wuxuuna dhaliyay goolkii ay guushu ku raacday kooxdiisa.

"Ciyaaryahanka muhiim ayay u tahay in uu gool dhaliyo ciyaartiisa koobaad. Ciyaar wanaagsan ayaad dheeli kartaa balse waxaa la xisaabsadaa markaad gool dhaliso. Ciyaartii koobaad ee aan Arsenal la yeeshay waan xasuustaa.

Peter Ndlovu ayaa 43 u dhaliyay 176 ciyaarood oo uu u saftay naadiga Coventry City, intii u dhaxaysay 1991 ilaa 1997.Peter Ndlovu ayaa 43 u dhaliyay 176 ciyaarood oo uu u saftay naadiga Coventry City, intii u dhaxaysay 1991 ilaa 1997.

Badal ahaan ayaan ku soo galay gooshii guusha ayaana dhaliyay, marka dareen wanaagsan ayay ahayd. Markaad gool dhaliso waxaad dareemi in sidaad rabtay ay wax u socdaan,” Ayuu yiri

Ndlovu ayaa 43 gool u dhaliyay kooxda Coventry City oo uu u dheelay 176 ciyaarood intii u dhaxaysay 1991dii ilaa 1997dii.

Wuxuu sheegay in uu muhiim ahaa gooshiisii koobaad ee uu Arsenal ka dhaliyay, laakiin wakhtigiisii ugu wanaagsanaa wuxuu ku tilmaamay saddexdii gool ee uu ka dhaliyay garoonka Anfield 14 Maarso 1995tii. Goolashaas ayaana ka dhigay ciyaaryahankii koobaad ee isaga oo kooxda Liverpool kula ciyaaraya garoonkooda Anfield ka dhaliya saddex gool tan iyo sannadkii 1962dii. Coventry ayaa markaas ku badisay 3-2.

"Xasuus badan ayay igu reebtay in aan goolal ka dhaliyay Liverpool oo ahayd koox aan yaraantii taageeri jiray,” ayuu yiri Ndlovu oo sidoo kale loo yaqaanno "xabbaddii Bulawayo”

Ndlovu ayaa ku biiray ciyaaraha Ingiriiska iyadoo ay u badan tahay in ay cunsuriyad ku jirtay qaar ka mid ah taageereyaasha laakiin wuxuu sheegay in uusan caqabad kala kulmin dhankaas.

"Caqabado badan igama hor imaanin. Anigana waxaan diiradda saaray ciyaaridda kubadda.

Peter NdlovuPeter Ndlovu

Waligay lama kulmin dad cunsurinimo ii dhibaateey, laakiin dabcan taageereyaashu mararka qaar magacyo ayay kuugu yeeri laakiin waad taqaannaa waxa ay tahay in aad samayso, shaqadaada ayaadna ahmiyadda saari markaad gool dhalisana shib bay dhihi,” ayuu yiri Ndlovu.

Hadda wuxuu tababare u yahay naadiga Mamelodi Sundowns oo haysta horyaalnimada koxaha Afrikaanka oo fadhigeedu yahay magaalada Pretoria, ee dalka Koonfur Afrika.

Waxa kali ah ee uu hadda ka shalaytoonayo waa in uu jeclaan lahaa in uu hadda ka dheelo Horyaalka Ingiriiska ee lacagta badan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip