Uhuru Kenyatta "Ciidamada Kenya kama baxayaan Soomaaliya"

0
Friday June 30, 2017 - 08:53:33 in Wararka by
  • Visits: 437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Uhuru Kenyatta "Ciidamada Kenya kama baxayaan Soomaaliya"

    Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya kama bixi doonaan Soomaaliya waxaa sidaasi yiri Uhuru Kenyatta oo ah Madaxweynaha dalka Kenya, isaga oo ka jawaabayay hadal ka soo yeeray isbaheysiga Mucaaradka ah ee NASA, kaasi oo sheegay in Soomaaliya ay ka soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya kama bixi doonaan Soomaaliya waxaa sidaasi yiri Uhuru Kenyatta oo ah Madaxweynaha dalka Kenya, isaga oo ka jawaabayay hadal ka soo yeeray isbaheysiga Mucaaradka ah ee NASA, kaasi oo sheegay in Soomaaliya ay ka soo saari doonaan Ciidamada Kenya.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Kenya in Mucaaradka aanan la aamini Karin, maadaama aysan heysan qorshe cad oo ay ku maamulayaan Kenya.

Kenyatta oo si hadlaya ayaa yiri "Markii aan shalay maqlay warka ka soo yeeray NASA, waan la yaabay, waxa ay sheegeena waa wax aysan Kenya u qalminā€¯.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay Ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya in ay qeyb ka yihiin Howlgalka AMISOM, sidaasi darteedna Soomaaliya ay ku sugnaan doonaan ilaa Ciidamada Dowladda Federaalka ay ka noqdaan kuwo la wareegi kara ammaanka dalkooda.

Mr. Uhuru sidoo kale wuxuu NASA ku eedeeyay in keliya Kenya ay u soo jiidayaan faqri iyo colaad aan dhamaad lahayn, isaga oo taa bedelkeeda taageerayaashiisa u balan qaaday in Kenya xaga sare uu gaarsiin doono.

Guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa si aad ah looga dareemayaa Ololaha Doorashada Madaxtinimada Kenya, taasi oo mareysa heer gaba gabo ah, maadaama Doorashada ay dhaceyso Bisha August.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip