Maamulka G/Banaadir oo ka jawaabay warbixin ay baahisay Risaala "SAWIRRO"

0
Friday June 30, 2017 - 07:44:15 in Wararka by
  • Visits: 411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka G/Banaadir oo ka jawaabay warbixin ay baahisay Risaala "SAWIRRO"

    11-kii Bishan ayey aheyd markii Idaacada Risaala ay baahisay warbixin la xiriirta dhibaatada ka taagan wadada isku xirta Isgoysyada Black Sea iyo wadada Bakaaraha, halkaasi oo muddo ka badan 20-sano go'doon aheyd gaadiidna uusan mari jirin, ayna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

11-kii Bishan ayey aheyd markii Idaacada Risaala ay baahisay warbixin la xiriirta dhibaatada ka taagan wadada isku xirta Isgoysyada Black Sea iyo wadada Bakaaraha, halkaasi oo muddo ka badan 20-sano go'doon aheyd gaadiidna uusan mari jirin, ayna u sii dheerayd nadaafad daro ka taagan wadadaasi.

Ganacsatada wadadaasi ku ganacsada ayaa dhibaato aanan la soo koobi karin ku qabay Nadaafad darada wadada ka taagan iyo go’doonka ka jira wadada Isku xirta Black Sea iyo Bakaaraha, waxaana ay cabirayaan dhibaatada ay ku qabaan wadada.

Ciise Axmed Wehliye oo waayo joog ah u ahaa labaatan sano ka badan wadadaasi ayaa ka sheekeynaya dhibaatada ay kala kulmi jireen wadada Cirtoogte, xilliga uu da’o roobka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 18 maalin kadib ka jawaabay warbixinta ay baahisay Idaacada Risaala ee cabashada Bulshada ku aadan wadada Black Sea iyo Bakaaraha, waxaana maanta dowladda hoose ay sameysay olole ku aadan dib u furista wadada Bakaaraha.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka ayaa maanta tagay wadada isku xirta Black Sea iyo Isgoyska Bakaaraha oo indhahooda ku soo arkay waxa meesha ka jira, waxaana ay ku dhaqaaqeen dib u hawlgalinta wadada iyo dayactirkeeda.

Taabit Cabdi Maxamed Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay ahmiyad weyn inay u leedahay dib u hawlgalinta iyo nadaafada wadada Black Sea iyo Isku xirta Bakaaraha.

Dadka ku ganacsadada hareeraha wadada Cirtoogte ayaa si weyn u soo dhaweeyay tallaabada Maamulka Gobolka Banaadir uu maanta dib ugu hawlgaliyay wadada Cirtoogte oo muddo ka badan 20 sano go’doonsaneyd.

 

xigasho:- risaal.net
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip