Ra'iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Wasiirka A. Dibadda Norway oo booqasho ku yimid Muqdisho

0
Friday June 30, 2017 - 07:34:24 in Wararka by
  • Visits: 359
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Wasiirka A. Dibadda Norway oo booqasho ku yimid Muqdisho

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Arrimaha Dibadda Norwey Børge Brende iyo wafdi uu horkacayo oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Arrimaha Dibadda Norwey Børge Brende iyo wafdi uu horkacayo oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo taageerada Norway ee dib u dhiska Soomaaliya, waxaa kulanka goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo heysta dhalashada Norway, marna Madax ka soo noqday Hey’adda Qaxootiga dalkaas ee NRC ayaa soo dhoweeyay sida ay dawladda Norway xilligan ugu heelan tahay inay gacan ka gaysato dadaallada lagu xasilinayo dalka iyo sidoo kale dhismaha dawladnimada Soomaaliya oo maraya meel aad muhiim u ah.

Mr Kheyre ayaa sheegay in dowladdiisa ay guul wax ku ool ah ka gaartay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay arrimaha mudnaanta sare u leh.

"Booqashada uu noogu yimid Wasiirka Arrimaha Dibadda Norwey, waxay cadeynaysaa horumarka ballaaran ee la sameeyey afartii bilood ee la soo dhaafay oo sii jiitay indhaha caalamka, waxaan isla soo qaadnay arrimo muhiim ah oo wax tar u leh dalkeena, iyaguna waxay qireen in Soomaaliya ay u heelan tahay sidii ay uga faaiideysan lahayd taageerada uu caalamku siiyo”ayuu yiri R.W Khayre.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey Børge Brende ayaa dhankiisa ka mahadceliyey sidii wanaagsaneyn ee loogu soo dhoweeyay Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay sameysay horumar baxaad leh 4-tii bilood ee la soo dhaafay, isla markaana loo baahan yahay in la sii adkeeyo.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dalkiisu sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan ee uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga dib u heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

Norway ayaa ka mid ah dalalka taageerada dhaqaale ku bixiya Soomaaliya, hase ahaatee dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa lagu eedeynayay inay taageersaneyd qorshaha Kenya ku dooneysay inay shidaal kaga qado dhul badeedka dhaca biyaha Soomaaliya oo la sheego inuu shidaal leeyahay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip