Askar ku dhimatay qarax ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho

0
Thursday June 29, 2017 - 15:38:16 in Wararka by
  • Visits: 387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar ku dhimatay qarax ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho

    Dhawr askari, ayaa ku dhintay, tiro kalana way ku dhaawacantay, ka dib markii barqanimadii maanta gaari ay la socdeen qarax lagula eegtay duleedka Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhawr askari, ayaa ku dhintay, tiro kalana way ku dhaawacantay, ka dib markii barqanimadii maanta gaari ay la socdeen qarax lagula eegtay duleedka Magaalada Muqdisho.
Gaarigan oo noociisu Cabdi Bille lagu sheegay, ayaa waxaa qaraxaasi lagula eegtay Deegaanka Tarey Disho, gaar ahaan agagaarka dabaqa DBG amaba Cumar Fiyaasko.
Qaraxan, ayaa burbur soo gaarsiiyay gaarigaasi, waxaana goobtaasi ku dhimatay ugu yaraan saddex askari, halka tiro kalana ay ku dhaawacantay.
Goobjooge-yaal, ayaa sheegay in ciidan gurmad ahaa oo goobtaasi soo gaaray, ay gacan u fidiyen askartan, oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.
Ciidamada oo hawlgal ka sameeyay Tarey Disho, ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen toban qof, oo la tuhunsan yahay in ay wax ka ogaayen qaraxaasi.
Gawaarida ay wataan Ciidamada Dowladda, isla-markaana ku socdaalaya wadada dhirirsan ee xiririisa Magaalada Muqdisho & Degmada Afgooye, ayaa xilliyada qaarkood qaraxyo lagula eegtaa wadadaasi.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip