Biloowgii Shiicada qeybtii seddexaad Kala go'ii shiicada

0
Monday June 05, 2017 - 10:55:12 in Maqaallo by
  • Visits: 971
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biloowgii Shiicada qeybtii seddexaad Kala go'ii shiicada

    Kala go'ii shiicadaIntii ay taariikhda soo jirtay shiicada waa ay kala go'go' day, waxayna u kala baxday qaybo badan,qaybta shiicada ugu weyn waxaa la yiraahdaa 12ka imaamley, waxaa kuwaas ku xiga Ismaaciiliyada oo la yiraahdo 7da ley,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kala go'ii shiicadaIntii ay taariikhda soo jirtay shiicada waa ay kala go'go' day, waxayna u kala baxday qaybo badan,qaybta shiicada ugu weyn waxaa la yiraahdaa 12ka imaamley, waxaa kuwaas ku xiga Ismaaciiliyada oo la yiraahdo 7da ley, ka dibna Zaydi oo la yiraahdo 5 ley, kuwa la yiraahdo Zaydi oo loogu magac daray ninkii aas aasay Zayd ibnu Cali ayaa meesha ugu badan ee ay dagaan tahay Yaman, waxaa la sheegaa in ay xoogaa sunnaha u dhow yihiin, asbaabta oo ah waxay aqoonsan yihiin Abubakar, Cumar iyo Cismaan, Ilaahay raali ha ka noqdee, halka ay shiicada kale ay ka dafiraan raggaas Ilaahay aktiisa iyo ummadda muslimiinta aktooda qiimaha ka leh

Faraqa u dhexeeya shiicada iyo sunniyiinta


Faraqa ugu weyn ee u dhexeeya shiicada iyo sunniyiinta marka laga reebo fikradda qalafsan ee ay ka qabaan shiicadu asxaabtii waaweynaa ee rasuulkeena sallallaahu calayhi wassalam u dhawaa waxaa weeye shiicada oo cibaadadooda ku kooba ama u badiya waxa ay ugu magacdareen "ehlu bayd” taas oo macaheedu tahay rasuulka Ilaahay korkiisa nabad iyo naxariis ha yeelee Faaduma bintu rasuululaah, Cali bin abu Dhaalib iyo 2 wiil ee uu u ahaa rasuulku awoowaha Xassan iyo Xuseen dhammaantooda Ilaahay haka raalli noqdee.

Waxaa soo diyaarisay Zahra Abdi Hersi




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip