Bilowgii shiicada: Qeybtii labaad

0
Sunday June 04, 2017 - 22:15:05 in Maqaallo by
  • Visits: 1151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bilowgii shiicada: Qeybtii labaad

    Bilowgii shiicada: Qeybtii labaadMacaawiye in uu maqli waayo warka Cali wuxuu sabab uga dhigay in marka hore la soo qabto raggii dilay Cismaan, hooyadeen Caaisha Ilaahay raali ha ka noqdee iyana waxay ku raacsanayd warka Macaawiye oo ahaa in la soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bilowgii shiicada: Qeybtii labaadMacaawiye in uu maqli waayo warka Cali wuxuu sabab uga dhigay in marka hore la soo qabto raggii dilay Cismaan, hooyadeen Caaisha Ilaahay raali ha ka noqdee iyana waxay ku raacsanayd warka Macaawiye oo ahaa in la soo qabto raggii gaystay dilka, waxayna xoogga saartay arrintaas Cali in uu dhaqso raggaas u soo qabto. Hasa yeeshe Cali waa diiday oo wuxuu yiri ilaa qof wax lagu cadeeyo qofna ma soo qabanaayo.

Halkaasna waxaa ka bilowday iska soo hor bax labo garab ah, garabka Cali Ilaahay raali ha ka noqdee iyo garabka Caa’isha Ilaahay iyo Macaawiye raalli haka noqdee, markii uu arkay Cali ciidan ay Caa’isha soo wado isagana ciidan wato ayuu is qabtay oo yiri sidee ayay ku dhici kartaa in aan hooyaday la dagaalamo, wuxuu go’aansaday in uu la xaajoodo Caa’isha Ilaahay raali ha ka noqdee, khilaafkana hadal lagu

dhammeeyo si uusan dhiig muslim u daadan, hasa yeeshee Yuhuudkii Cabdillaahi ibnu Sabca waa u dhadhami waayay xalka nabadda Cali keenay halkaas ayuu dagaal uusan Cali raali ka ahayn kana warqabin qaaday, isla markaana xeradii kale ee Caai’sha iyo ciidankeedu degganaa wax ka soo tuureen si loogu maleeyo in dhinaca Caai’shana wax laga soo tuuray.

halka xeredii ay degganaayeen CALI IYO CIIDANKIISANA WAX KA SOO TUURAY, halkaasna labadii garab ee Cali iyo Caa’isha la isku diray talona faraha ka baxday, markaas ayuu mid walba is yiri is daafac oo soo jawaab, halkaas oo walaalkii muslimka ahaa dilay walaalkisa kale oo dhiig badan la iska qubeen.

Waxay amakaag iyo lama filaan ku noqotay Cali, Caa’isha iyo macaawiye Ilaahay kuligood raali ha ka noqdee, falkaas foosha xun ee ka dhex dhacay muslimiinta walaalaha ahaa iyo sida argagaxa leh ee ay muslimiinta u kala qaybsameen, Caa’isha Ilaahay raali ha ka noqdee waxay garatay in ay qalad samaysay oo aysanba ahayn in ay ciidan soo ka xaysato waxayna tiri waxaan sameeyay qalad aanan waligeey naftayda ku cafinaynin

Cali iyo Macaawiye!

Xaaladii Xijaaz Makka iyo Madiina waxaa ka bilowday dhib iyo kala qaybsanaan taasna waxay ku qasabtay in Cali Ilaahay raali ha ka noqdee ka guuro Madiina una guuro Kufa ama Ciraaq, guuritaankii Cali nabad ma keenin ee xaalkii iyo qilaafkii u dhaxeeyay Cali iyo Macaawiye ayaa sii xumaaday, wuxuuna Macaawiye cadaystay in uusan Cali u aqoonsaneyn Khaliifnimada, halkaasna dagaal ku dhexmaray Cali yio Macaawiye, nasiib xumo dagaalkaas wuxuu ahaa mid lagu hoobtay oo dad badan ku dhinteen, waxaana loo kala baxay, shiicada Macaawiye iyo shiicada Cali, taas oo macnaheedu yahay garabkii ama kooxdii Cali iyo garabkii ama kooxdii Macaawiye marka ereyga shiica waa garab ama qayb ama koox, ama afka ingiriiska party, waana meesha uu ereyga shiica ka unkunmay ama ka dhashay.

Dagaalkii, Cali iyo Macaawiye wuxuu noqday mid barbar dhac ah ama aan laka guulaysan ilaa ay dhiig walaalo ku daateen mooyaane, waxaana Cali ilaahay raali ha ka noqdee qoonsaday Macaawiye meesha uu madaxda ka yahay ee Shaam.

Al-Khawarij

Shiicadii ama garabkii Cali Ilaahay raali ha ka noqdee raacsaneyd ayaa waxaa ka go’ay qolo la magac baxday Khawarji, waliba qaybtan khawarjiga isku magacaabay waxaa la sheegaa in ay ahaayeen kuwii mas’uulka ka ahaa dilkii Amiirkii muslimiinta Cismaan binu Cafaan Ilaahay raali ha ka noqdee, sababta ay uga go’een Cali waxay sheegeen in aysan raali ka ahayn aqoonsiga uu aqoonsaday Cali Macaawiye, waxay kale oo dideen in ay Cali u aqoonsadaan in uu yahay Khaliifkii ummada muslimiinta, Khaliifnimo waxaa ugu dambaysay ayay yiraahdeen Cumar binu Khadaab Ilaahay raali ha ka noqdee, wixii isaga ka dambeeyayna in aysan muslimiintu u baahneyn wax la yiraahdo khaliif ama wax la yiraahdo hoggaan, waxaa hoggaan noo ah ayay yiraahdeen Ilaahay, waxay kale oo diideen in ay aqoonsadaan Camaro ibnu Caas oo ahaa madaxii Masar iyo Mawaaciye oo isagana madax u ahaa waddanka Siiriya.

Kadib markii ay ka go’een Cali kana soo horbaxeen dhamaan madaxdii muslimiinta ayay waxay diyaariyeen rag dila Cali, Camro ibnu Caas, Macaawiye Ilaahay kulligood raali ha ka noqdee, ugu dambeyntii waxaa u suurta gashay in ay dilaan Cali ibnu Dhaalib Ilaahay raali ha ka noqdee, bishii Ramadaan 20keedii sanadka hijriga markuu ahaa 40, 5 sano ka dib dilkii Cismaan binu Cafaan Ilaahay raali ha ka noqdee, waxaa dilay Cali Ilaahay raali ha ka noqdee, nin la oran jiray ibnu Al-Muljim, wuxuuna soo mariyay seftii uu Cali ku dilay sun, halkaas waxaa ka cad in ay ahaayeen kuwii Cali dilay shiico.

Yaziid ibnu Macaawiye.

Reer Kufa waxay u arkeen in uu dabcan yahay Hassan ninkii beddeli lahaa aabbihiis Cali Ilaahay raali ha ka wada noqdee, laakiin waxaa ciriiri galiyay Hassan reer Macaawiye aad ayuu u xoog roonaa ciidan ahaan ,halkaas oo is kaga haray ama u daayay Macaawiye Hassan madaxtinimada, wixii markaas ka biloowdana waxaa dhalatay taariikhda Umawiyiinta, oo muslimiinta intooda badan maamulka u haayay ilaa 150 sano, Macaawiye 20kii sano uu talada u haayay dhibaato sidaas u weyn ma dhicin wuxuu markaas u magacaabay nin talada ka dhexli lahaa wiilkiisa Yazid,

Yazid nasiib xuma wuxuu caan ku yahay in uu dilay muslimiin aad u tiro badan oo raacsanaa dhankii Hassan iyo Xusseen ibnu Cali, Ilaahay raali ha ka wada noqdee, Yazid inkastoo ay dhashay hooyo masixii ama gaalo ah haddana waxaa la sheegay in uu isaga muslim ahaa, hasa yeeshee uu masuul ka ahaa dilkii Xusseen ibnu Cali iyo jabkii ama dagaalkii ka dhacay Karbala ee ay ku le’deen muslimiin fara badan, ilaa iyo maanta maalintaas shiicadu way xustaa maalintaa oo ay dhiig iska keenaa shiicada aadna isku murugeeyaan,waxay kale oo habaaraan Yaziid, waxay yiraahdaan "Habaara Yaziid, laakiin halkaas ha u dhaafinina taas oo ay ka wadaan, aabihiis ha habaarine ee isaga habaara”halka ay muslimiinta kale ay yiraahdaan "ma jeclin mana nebcin yaziid” taas oo macnaheedu tahay wixii uu dhib ninkaas gaystay isaga ayay u taalaa.


La soco haddii Eebe idmo qeybta seddaxaad

xIGASHO dAYNIILE.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip