Bilowgii shiicada!.Waxaa shiicada udubada u taagay nin yahuud ah oo la oran jiray Cabdillaahi ibnu Sabca oo Yaman ka yimid Jun 1, 2017 -

0
Saturday June 03, 2017 - 12:01:02 in Maqaallo by
  • Visits: 1001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bilowgii shiicada!.Waxaa shiicada udubada u taagay nin yahuud ah oo la oran jiray Cabdillaahi ibnu Sabca oo Yaman ka yimid Jun 1, 2017 -

    Bilowgii shiicada!.Waxaa shiicada udubada u taagay nin yahuud ah oo la oran jiray Cabdillaahi ibnu Sabca oo Yaman ka yimid Bilowgii shiicada: Hordhac!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bilowgii shiicada!.Waxaa shiicada udubada u taagay nin yahuud ah oo la oran jiray Cabdillaahi ibnu Sabca oo Yaman ka yimid Bilowgii shiicada: Hordhac!

Shiicada waxay u kala baxaan qaybo fara badan, marka laga reebo shiicada 12ka iimaam, 7 iimaam iyo 5 iimaam waxaa jira kuwa kale oo aan rasuulka sallallaahu calayhi wasallama u aaminsaneyn in uu xaq u lahaa rasuulnimada Ilaahay u gartay Jibriilna calayhissalaam ku qalday oo farriintii Alle kor ahaaye ugu soo dhiibay Cali u dhiibay Muxammad, intaas waxaa u dheer shiicadaas in aysan salaad iyo soonkaba sidaas ugu weynayn, kuwa figradaas aaminsan waxay yihiin Calawiyiinta, Daruziyiinta iyo nosayrisiinka, intaas waxaa u dheer qolodaan in aysan salaad iyo soonkaba sidaas ugu weynayn, gaar ahaan calawiyiintu ma soonto.

Amiirkii Mu’muniinta Cismaan binu Cafaan Ilaahay raali ha ka noqdo!



Waqtigii uu khaliifnimada haayay ama madax u ahaa islaamka Cismaan binu Cafaan Ilaahay raalli ha ka noqdee ayaa ummddii muslimiinta ahayd la soo dhex geliyay buuq iyo degganaan la’aan, qarkana u saarmeen in uu kala jabo midowga muslimiintii, buuqaas iyo degganaan la’aantaas waxaa ka faa’iidaystay labo nin oo la kala yiraahdo Abdullah Ibn Saba’ oo Yuhuud ahaa iyo Abu lu’lu’a oo reer Beershiya ahaa isla markaana ahaa kuwa dabka caabuda, waxayna labadaas nin bilaabeen in ay iyaga oo wata rag ay duufsadeen in ay waddooyinka ka qayliyaan iyaga oo ku andacoonaya inaysan raalli ka ahayn maamulka Cismaan Ilaahay raalli ha ka noqdee.

Waxaa ugu dambayntii u suurta gashay raggaas in ay helaan dad badan oo muslimiin ah hasa yeeshee shaydaan u maro haatiyay oo maqla dacaayada iyo eedeynta laga faafinaayay Cismaan iyo dawladiisa, Cismaan binu Cafaan Ilaahay raali ha ka noqdee wuxuu lahaa awood aad u balaaran waxayna xukunkiisa gaartay Marooko ilaa qaar ka mid ah badwenta Hindiya, awoodna wuu u lahaa in uu qab qabto raggaas qaylinaayay oo jeelka ku guro waase diiday oo wuxuu ka baqay in ay fidnadu sii balaarato, Ugu dambayntii raggii Cismaan ku kacsanaa waxaa u suurta gashay in ay soo galaan gurigiisii halkaasna ku dilaan isaga iyo xaaskiisii, sanadkii hiriyada 35 ahaa, markii Cismaan la dilaayay wuu soomanaa islamarkaana kitaab ayuu akhrisanaayay ama dhabta u saarnaa.

Dilka amiirkii muslimiinta Cismaan Ilaahay raali ha ka noqdee muslimiintii waa ka murugoodeen aadna uga xumaadeen.

Waxaa laga codsaday in uu Cali binu abu Dhaalib Ilaahay raalli ha ka noqdee qabto hoggaanka muslimiinta waase diiday markii hore, Cali markii uu arkay sida xaalku iskugu murgay hasa yeshee markii dambe waa yeelay halkaasna uu ku noqday khaliifkii afraad ee musliinta.

Cali Ilaahay raali ha ka noqdee wuxuu sheegay in dilka Cismaan uu ahaa mid fool xun oo aadna uga xunyahay wuxuuse taas raaciyay in maamulka Cismaan ay jiraan dad maamulka Cismaan u dhiibay ay qalad sameeyay oo aysan daacad u noqonin bulshadii, shaqadii ugu horaysa uu uu Cali Ilaahay raali ha ka noqdee markaas sameeyayna ay ahayd in uu casilo oo xilka ka qaado dhammaan dadkii uu maamulka u dhiibay Cismaan Ilaahay raali ha ka noqdee, dadka uu xilka ka qaaday waa oggolaadeen waxaase diiday Macaawiye abu Sufyaan ee ay ehel ahaayeen Cismaan binu Cafaan Ilaahay raali ha ka noqdee, Macaawiye wuxuu madax u ahaa dhulka Siiriya (Shaam) Dimishiq.


La soco qeybta labaad hadii alle idmo

Xigasho:-Dayniile.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip