Maqaal: Xayaakallah! Xumaanta Jooji! Xoosh Jibriil. Qormadii Mocalimu

0
Friday June 02, 2017 - 15:29:09 in Wararka by
  • Visits: 981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqaal: Xayaakallah! Xumaanta Jooji! Xoosh Jibriil. Qormadii Mocalimu

    Waa ka xumahay in uu waqti iga galo inaan ka jawaabo dacaayad raqiis ah oo uu baraha bulshada la dhex wareegayo Wasiir jahawareersan Abdi Xoosh Jibriil oo inta uu shaqadii loo igmaday dayacay shaqo ka dhigtay Wariyayaasha dhexdeeda waqti baddanna ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa ka xumahay in uu waqti iga galo inaan ka jawaabo dacaayad raqiis ah oo uu baraha bulshada la dhex wareegayo Wasiir jahawareersan Abdi Xoosh Jibriil oo inta uu shaqadii loo igmaday dayacay shaqo ka dhigtay Wariyayaasha dhexdeeda waqti baddanna ku bixiya ,sidan oo kale Soomaali ayuunbaa lagu arkaa.
Ka waran hadii aan magaalada Muqdisho dhexdeeda aan ka furto xafiis Wasaaradda Dasuurka iyo Arimaha Federaalka aniga oo aan aheyn Wasiirkii sharciga ahaa balse kaliya damac adduun iyo doqonnimo ay igu riixday oo aan dabadeed la soo baxo qodobo dastuurka ku yaal oo aan arinkaaba quseyn oo aan iraahdo qodobadaas ayaa ii fasaxaya, tallow dowladda maxey oran laheyd ama fali laheyd,hadii aan aniga oo Macalimuu ah sidaa sameeyo ?

Xaqiiqdii ma jiro qodob ku yaal dastuurka oo fasaxaya in qofku uu sheegto darajo uusan laheyn taa badalkeeda sharciga wadankeena u yaal waa danbi .

Maxaa dhacay?

Sadaxdii bisha May Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa ay xuska Maalinta Saxaafadda Caalamka ku qabteen magaalo madaxyda maamul goboleedyada taas oo ay si ballaaran uga qeyb galeen suxufiyiinta ,waxa Muqdisho xafladii lagu qabtay ka qeyb galay wasiiro iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo martisharaf kale ,laakiin maalintaas ayaa nin la yiraahdo Cumar Faaruuq uu hotel Diblomaatik ee magaalada Muqdisho si qarsoodi ah waqti kooban oo isugu yeeray toboneeyo qof oo ay ku jiraan gabdhaha shaqaalaha nadaafadda ee hoteelka isaga oo sheegtay in uu isaguna uu xus ku qabtay Muqdisho.

Arintaa markii ay dhacday Ururka NUSOJ waxa ay warqad ashtaka ah geeyeen xeer ilaalinta Qaranka oo hadda uun u yeertay Cumar Faaruuq si loo weydiiya sheegashada darajo been oo uusan laheyn . Xaq baanu leenahay in aan sharciga waddanka u yaal u marno cid kasta oo magaceena dadka ku aflagaadeyneysa ama sheeganeyso . Ma jirin Wasiir iyo Wasaarad dacweysay toona ,waana laga xaqiijin karaa Xeer Ilaalinta Qaranka . Balse waxa wariyayaasha Soomaaliyeed ay la yaaban yihiin Wasiir dowladeed oo inta badan waqtigiisa ku lumiya arimo u dhaxeeya wariyayaasha Soomaaliyeed ,waa yaabe maxaa ka quseeya wixii dhexdooda ah ,tiiyoo ay dheer tahay in uu yahay Wasiir dowladeenna ku jira oo xumaantiisa ay innagu soo noqoneyso " Garan weysaye waa laguu garan”.

Xumaan badan ayaan runtii u heynaa Xoosh Jibriil oo marqaatiyo cad cad leh laakiin annagu waxa aan nahay dad muslim ah oo ku jira xilli Ramadaan ,waxaa jira wax badan oo inna xakameynaya balse laga yaabo isagu in uu u bareerayo oo aanay ka joojineyn xumaan falka joogtada ah ee uu ku caan baxay.

Dalka sharci baa ka jira ,waxa uu leeyahay baarlamaan dadku soo doortay .Waxaa shaqeyneysa Maxkamaddii Sare ee dalka oo caddeysay hogaanka saxda ah ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed taas oo ku timid rabitaanka inta badan wariyayaasha Soomaaliyeed ee dalka ka howlgala .

Soo Jeedin

Waxa aan ka codsaneynaa Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya in Wasiirkiisa uu ka reebo faragalinta qaawan ee uu ku dhex hayo wariyayaasha Soomaaliyeed ,loona wada hogaansamo sharciga waddanka u yaal iyo go’aanka hey’adda sharci ee wadanka u sareysa (Maxkmadda Sare ) .Hadii Xoosh uu wariyanimo caashaqay waa soo dhaweyneynaa shirkii hadda ka hor loo waday oo kalana waan geyneynaa basle hadii uu sii wado faragalintiisa wariyayaasha Soomaaliyeed dhexdooda ,wariyayaashu waxa ay sameyn doonaan waxii la gudboon ee ay talo wadajir ah ku gaaraan sida dibad baxyo nabadeed IWM.

Gebogebo

Hogaanka Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee la doortay waxa ay rumeysan yihiin in ay ku yimaadeen doorasho Dimuquraadi ah oo dadka Soomaaliyeed intooda badan ay ka warqabaan sidii ay u dhacday ayna leeyihiin waqti kooban oo mucayin ah oo shaqadaasi loo igmaday ,sidaa awgeed rajada aan qabno ee ah inaan ka qaadno saxaafadda ka difaacno qowleysato maxalli ah ,kuwa caalami ah iyo shaqsiyaad masuqmaasuq ah oo dowladda ku jira oo is baheystay kama suuli doono hamiga aan leenahay . Waa howl u baahan in ay dad u istaagaan ,sababtoo ah waxaa jira shabakad isku xiraan oo aan oran karno waa media gangs oo rabta in ay ku adeegtaan magaca saxaafadda Soomaaliyeed.

Taariikhdu wax bay qortaa.

By Maxamed Ibraahim Macalimuu




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip