Akhriso:-Daqiiqadihii Ugu Danbeeyay Nolashii Macmar Al Qadaafi

0
Wednesday May 31, 2017 - 11:07:32 in Maqaallo by
  • Visits: 1273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:-Daqiiqadihii Ugu Danbeeyay Nolashii Macmar Al Qadaafi

    Sarkaalka lagu magacaabo Mansour Daoud oo xaga amaanka u qaabilsanaa Madaxweynahii hore ee dalka Liibiya Macmar Al Qadaafi ayaa mar sii horeysay lagu xirey magaalada Misurata ee dalka Liibiya halkaas oo uu maxkamadayn ku sugayo waxaana sarkaalkan oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaalka lagu magacaabo Mansour Daoud oo xaga amaanka u qaabilsanaa Madaxweynahii hore ee dalka Liibiya Macmar Al Qadaafi ayaa mar sii horeysay lagu xirey magaalada Misurata ee dalka Liibiya halkaas oo uu maxkamadayn ku sugayo waxaana sarkaalkan oo wareysi siiyey TV laga leeyahay dalka Mareykanka ee CNN ayaa waxuu ka hadlay waxii uu ka ogaa saacadihii ugu dambeeyey ee nolosha Madaxweyne Qadaafi wuxuuna isagoo arimahaas ka hadlaya uu hadalkiisu ku bilaabay sidan:

Madaxweyne Qadaafi wuxuu taagnaa quus waxaanu aad ugu baahnaa sidii uu ugu baxsan lahaa goobtii uu ku dhashay oo ah tuulo u jirta magaalada Sirta 20,KM. Dauod wuxuu yiri way ii muuqatay had iyo jeer inay tahay socdaal khatar ah oo is miidaamin ah. Wuxuu rabay inuu tago qadaafi tuuladaasi uu ku dhashay, malaha waxuu doonayey inuu ku dhinto halkaasi iyo inuu ku qaato saacadaha u danbaysay ee nolashiisa.

Ninkani wuxuu sheegay inuu gaari ama baabuur uu la saarnaa Qadaafi markii diyaaradaha dagaalka ee Nato ay duqeeyeen.


Waxa uu sheegay in Qadaafi uu ka baxay Tripoli oo uu tegay magaalada Sirte Bishii August 18-kedii Sannadkii 2011-kii oo ahayd laba cisho ka dib markii jabhadii NTC ay soo gashay Tripoli. Daoud wuxuu sheegay in isagu uu madaxweyne Qadaafi kaga haray magaalada Tripoli oo uu sii joogay ilaa Bishii August 22-kedii ilaa ay cadaatay in magaalada aanay ku sii nabadgeli Karin dadkii ka tirsanaa maamulkii Qadaafi.

Wuxuu sheegay inuu isagu u baxsaday dhinaca magaalada Bani Walid isaga iyo wiilkii qadaafi dhalay ee Seef Al Islam iyo madaxii sirdoonka ee Cabdullahi Al Senoussi. Waxaanan la joogay ayuu yiri afar maalmood ka dibna waxaan ku biiray Qadafi oo aaan ugu tegay Sirta.

Mr Daoud waxa uu sheegay in nolashoodu maalinba maalinta ka danbaysa ay ku sii adkanaysay oo ay ka sii daraysay mar kasta oo ay jabhadu ku soo durkaysay halkii ay ka joogeen magaalada Sirte, waxaanu sheegay inay ku dhex dhuumalaysanayeen oo ay iskaga kala gudgudbayeen guryahii marnaa ee laga qaxay oo ay kolba bedelayeen guriyaha ay ku dhuumanayeen 3 ilaa 4-tii cishaba mar. Waxaanu ku noolayn buu yiri cunto yaraan, biyo la’aan, layr ama koronta la’aan iyo isgaarsiin la’aan aanu ka go’anay aduunka intiisii kale oo nolashayadiiba waxay ku soo ururtay 180 degree ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in Qadaafi maalmahii u danbaysay uu wakhtigiisa ku luminjiray wax akhris iyo wax qorid faro badan. Wuxuu sitay buugag badan oo ugu jiray shandad weyn. Malmahii u danbaysay Qadaafi waxa ka muuqatay khalkhal badan ka dib markii ciidankii difaacayey ay doonayeen inay magaalada iskaga baxaan.

Wuxuu yiri aniga iyo rag badani waxaanu aaminsanayn hadii anay ka bixin magaalada inta aan dhan walba iskuweer laga qaban inay adkaan doonto hadhow in laga baxo. Laakiin nasiib xumo waxa diiday in magaalada laga baxo Qadaafi. Aakhirkii Bishii October 20-keedii ayaa Qadafi iyo wiilkiisii Muatassem go’aansadeen inay ka baxaan magaalada oo ay u fakadaan dhinaca tuuladii uu qadaafi ku dhashay oo 20 km u jirtey.
Ciidankii ku soo haray oo dhamaa 350 nin ayaa iskugu soo ururay waxaan gaareyn 200 oo nin sababtoo ah maalin walba ragna waa ka dhimanayey ragna waa ka dhaawacmayey, qaarkoodna reerahodii ka qaxayey magaalada ayay iska raaceen.

Mr Daoud waxuu yiri ciidamada intooda badani waxey ahayeen shacbi aan habaysnayn dagaalka aan garaynayn wax qorshe oo lagu baxsadana aan aqoon.Gawaarida la socdey madaxweyne qadaafi waxey ka koobnaayeen ilaa 40 Baabuur waxaanu qorshahu ahaa in salaada subax inta dhulku aanu iftiimin xiliga ay filayeen in maleeshiyada jabhadu yara seexdeen ay magaalada ka baxaan, nasiib daro buu yiri wakhigii baa naga dhacay oo waagiibaa noo beryay oo saacadu markay ahayd sideedii subaxnimo ayaanu u anbobaxnay tuuladii qadaafi ku dhashay oo la yiraah Jaref, laakiin markiiba waxa weerar nagu soo qaaday diyaaradahii Nato oo markiiba gaari nala socdey ku dhufatay gantaal. Waxaan xasuustaa in markiiba meeshu ay qasantay oo la khalkhalay oo la wada argagaxay oo gaarigii aan la saarnaa Qadaafi uu gariirkii gantaalaha ruxay taasi oo keentay in dhawac fududi uu qadaafi ka soo gaaray madaxa iyo laabta.


Wuxuu sheegay inay isku deyeen inay baxsadaan laakiin ay rasaas ooda kaga qaadeen jabhadii NTC du, ka dibna ay Diyaaradahii NATO mar labaad weerar ku soo qaadeen, weerarkan labaad ayaa keenay dhimashada iyo dhawacii ciidankoodii ku dhacay ee baabi’iyey baabuurtii ay wateen oo dhan. Sidaa aanu uga boodnay baabuurkii aanu ku jirnay aniga iyo qadaafi ayaa waxa qabsaday gantaalkii diyaaradahu soo ridayeen, runtii waxay ahayd argagax weyn.

Wuxuu yiri wax kale oo aan samaynaa muu jirin oo aan ahayn inaan naftayada la orodno, waxaanu miciinsanay buu yiri lugahayga hase yeeshee waxa na qabsatay rasaas aan kala go’o lahayn oo ay jabhadu nagu ridaysay, jabhada oo isku weegaartay dhuumahii biyaha ee aanu ku dhex baxsanaynay. Wuxuu sheegay inay markaasi ay xasuusi ugu danbaysay ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray dhabarka oo uu miyir beelay, sidii qadaafi loo dilayna war kamaan hayn intaa wixii ka danbeeyay. Laakiin waxaan aaminsanahay buu yiri in dilkiisa ay ka danbayn karaan jid goyn ay u galeen taageerayaashiisii daacada u ahaa.

Daoud wuxuu yiri taariikhdii Qadaafi hada waa laga dooodayaa, waan arin u taala dadka taariikhada qora. Qof waliba fikirkiisuu ku cabirayaa qadaafi, qaar waxay u arkaan keligii taliye dadkiisii xasuuqay, halka figrado ka soo jorjeeda figradan ay jiraan.
Daoud wuxuu yiri qadaafi wuxuu mar walba aaminsaa inuu xukunka sii haysanayo. Waxaanu sheegay in isaga iyo ragii ku dhow-dhowaa qadaafi ay isku dayeen inay ku qanciyaan inuu dalka iskaga tago tan iyo Bishii March Sannadkii 2011-kii si sharafi ku dheehantahay oo uu ku badbaado, laakiin waxa taladayadaasi ka hor yimid oo diiday wiilashiisa gaar ahaan Seef Al Islam, wax dhib yar maaha qof 42 sano xukun iyo awood soo hayey in daqiiqado gudahood lagu yiraahdo wakhtigiinii waa dhamaaday.

Inta badan madaxdii Libiyintu way ka werwereen markii kacdoonadu ay ka bilaabmeen bariga dhexe, waxayna ka baqayeen inay kacdoonadaasi soo gaari doonaan Liibiya.
Wuxuu yiri waxaan xasuustaa markii aanu maqalnay in Madaxweynahii Tunisiya xukunkii laga riday oo uu dalka ka baxsaday, gaari baanu wada saarnayn aniga, Qadafi iyo madaxii sirdoonka, wuxuu yiri waanuna ka soo wada hadalnay intii aanu gaariga soo saarnayn anagoo ka nimid Sabxa oo ku taala dhinaca koonfurta laakiin hadana kacdoonkan umaanu qaadan mid khatar ah, Qadaafi markii danbana wuxuu dareesanaa inay khiyaameeyeen madaxdii dunida ee uu aaminsanaa inay saaxiib dhow yahiin sida Talyaaniga, Faransiiska iyo Turkiga.. Laakiin wuxuu yiri khiyaamada ugu badani waxay ka timid dhinaca ragii u qaabilsanaa inay difaacaan caasimada Tripoli, waxa la dhigay qorshe lagu difaacayo caasimada laakiin waxa khiyaamo sameeyay madaxdii sar sare ee ciidanka ee loo xilsaaray dhinaca nabadgelyada, iyagoo horseeday in maalmo aad u yar gudahood lagu qabsado caasimadii. Wuxuu yiri in ka badan 3,800 oo askari ayay ahayd inay difaacaan albaabada laga soo galo Tripoli, laakiin habeenkii ay jabhadu soo gashay waxa qura oo goobtii ay ka soo galeen joogay wax ka yar 200 oo askari.

Mr Daoud oo sugaya maxkamadayn la xiriirta xasuuqii jeel ama xabsi ku yaala Liibaya oo dad badan lagu xasuuqay Sannadkii 1996-kii iyo isagoo lagu eedeeynayo inuu ahaa ninkii masuulka ka ahaa soo kiraynta calooshood u shaqaystayaashii laga soo kirsanayey Afrika si ay shacbiga u caburiyaan markii danbana la dagaalmayey Jabhada, inkastoo uu isagu dafirsanyahay arimahan.

Laakiin wuxuu qiray in Kacdoonku ahaa mid shacbi oo dadweynaha oo dhami taageersanaayeen aakhirkiina waaa kuwaas guulaystay, imika waxa looga baahanyahay inay ilaashadaan guushaasi oo ay isku hayaan wada jirka Liibiya.
Ugu dambeynyii mar la weeydiiyay inuu isku qoomameeyo ka mid noqoshadii xukunkii madaxweyne Qadaafi, isagoo qoslaya wuxuu yiri mararka qaarkood wax walba waan qoomameeyaa, xataa waxaa isku qoomamaynayaa inaan weli noolahay, waa wax caadiya buu yiri in qofku marar nolashiisa ka mid ah uu qoomameeyo markuu dib wax u eego, laakiin mararka qaarood waxaad qoomamaysaa wakhti danbe oo habsaan ah in wax la qoomameeyo.

Qalinkii: Guleed Cabdi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip