Akhriso:-Damacaaga oo Caqli Hoggaamin Waayaa Wax La'aan Buu Ku Badaa.

0
Tuesday May 30, 2017 - 10:28:52 in Maqaallo by
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:-Damacaaga oo Caqli Hoggaamin Waayaa Wax La'aan Buu Ku Badaa.

    Nin maalqabeen ahaa oo xikmad badnaa ayaa isaga oo doonaya in uu tijaabiyo damaca aadamaha waxa uu isugu yeeray beeraleydii deegaankiisa, kadib mid ka mid ah ayuu u sheegay in uu siin doono dhul aad u weyn oo uu beerto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin maalqabeen ahaa oo xikmad badnaa ayaa isaga oo doonaya in uu tijaabiyo damaca aadamaha waxa uu isugu yeeray beeraleydii deegaankiisa, kadib mid ka mid ah ayuu u sheegay in uu siin doono dhul aad u weyn oo uu beerto.

Ninkii oo durbadiiba damac weyni ka galay dhul-beereedka weyn ee ninkan maalqabeenka ahi leeyahay ayaa weydiiyey cabbirka dhulka la siinayo, kadibwaxa uu maalqabeenkii u sheegay in uu dhulkaas dhex lugeeyo, oo illaa halka uu socod kaga gaaro, kadibna uu dib ugu soo noqon karo halkii uu ka dhaqaaqay, in uu ku wareejinayo. Waxa uu u sheegay in shardiga ku xiran in dhulkaa la siiyaa ay tahay in marka uu istaago halka uu doonayo uu dib ugu soo noqdo halkii uu ka dhaqaaqay inta aanay qorraxdu dhicin.

Ninkii beeraleyda ahaa oo aad u faraxsan ayaa socod aad u tallaabo dheerays ah ku dhaqaaqay, waxa uu doonayey in masaafadda ugu fog ee suurtogal ah uu gaaro si dhul weyn uu u helo. Markii uu muddo xawaare ku socday ee uu daalay ayuu istaagay, oo uu is yiri intaasi kugu filan ee haddaba dib ugu noqo halkii aad ka soo dhaqaaqday.Waa socodkii uu saaka waaberigii soo bilaabay, oo daal badan iyo gaajaba waa ay hayaan sidaa awgeed marnaba uma suurtogelayso in uu ku socdo xawaare la mid ah kii uu maanta oo dhan ku soo socday.

Intii taagtiisa ahayd soo socay isaga oo ilna kula socda qorraxda ku sii siqaysa godkeeda oo waqtiga ku yar awgeed uu mararka qaarkood moodayo in ay sidii hore ka dheeraynayso qorraxdu.


Aakhirkii isaga oo talax gabay oo tallaabada aan qaadi karin ayuu soo gaaray goobtii lagu sugayey iyada oo qorraxdii cabbaar sii maqan tahay. Intii aanu istaaginba waxaa loo sheegay warka uu iska sii ogaa oo ah in uu sidaa ku waayey dhulkii, waayo waxa uu ka soo bixi kari waayey shardigii ahaa in inta aanay qorraxdu dhicin uu ku soo noqdo halka uu socodka ka bilaabay.

Dulucda qisadu waa dersi muhiim ah oo inta tusaya faa’iidada ay leedahay in qofku uu naftiisa ku qasbo in ay qaadato waxa ay awoodi karto in ay goosato uun, iskana jiro in uu damac qaado oo wax aanu awoodi karin uu u hanqal taago.

Qalinkii: Kamaal A. Ali



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip